2 Shariif (Gabay)

Published: August 7, 2011

Shaydaanku binu aadamkuu shar u horseedaaye

Hadba waxuu ku shalan sheeliyoo dib uga shaacdaaba

Shilal iyo waxuu kugu xidhaa shalawgii naareede

Shareecada markuu ka anbiyee sharaf ka dheereeyay

Rag badan buu shukaanta u qabtoo shaahid loo yahaye

Maantana shariifyaa ku dhacay shabakadii buushe

Hubka lagu shufbeeliyo markay shidanto baaruuda

Dadka waa la kala shiilijiray sheeda guud simane

Safka niman ku jiray waxay noqdaan shilin qarsoonayde

Shalay fiidadowgii warkii shaaca laga qaaday

Ee sida shamsada soo ifbaxay shaafi ma ahayne

Alaylehe shirwayn buu ahaa shuushna waa dhalaye

Iyagoon la showrin ragii cadawga shiishaayay

Xabashida waxay ula shurkeen shicibka naafaysay

Waa niman shiidaal lagu shubtoo shilin u muuqdaaye

Khiyaanada kufriga soo shaqlay iyo sheeko baralayda

Sharma sheikh halkii reer xamaas lagu sharqoolay

Waa shuqul nin soo wada unkoo way is shabahayaane

Hadii aanu shakaal hore ku xidhan shax uma jeexeene

Waase shaamareer iyo umuur laga shisheeyaaye

Shakigii dad waynuhu qabaa yimid shinkiisiiye .


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dib u heshiisiinta ka socota Baydhabo, misane la diidanyahay tan Kismaayo
Faransiiska u dhawaaq, jawaabtu waa “Xaadir”
Shirka dib u heshiisiinta Kismaayo oo qabanqaabadiisa meel wanaagsan marayso
Abaar darran oo ku dhifatay Gedo
Kenya oo ka walwalsan dacwadda badda ee Soomaaliya