ERAY-CILMI-AFEEDKA AFKEENNA HOOYO Qalinkii Stanza

Published: August 7, 2011

Luuqad kasta oo ay qowmiyad ama bulsho ku hadasho waxey leedahay eray-cilmiyeed loo adeegsada laamaha luuqaddaasi ka kooban tahay, waxaana afka qalaad ee English Language, lagu yiraahdaa: Terminology, halka afka qalaad ee Carabigana lagu yiraahda: Musdhalaxaad. Haddaba, waxaan maanta maqaal-afeedkeenna ku qaadaadhigi doonnaa eray-cilmiyeedka xoolaha loo adeegsada. Inta aanan gudagalin qeexidda eray-xooleedka, waxaa xusid mudan inaan maankiinna, akhristayaal, inyar oo milicsi-afeed ah ku dhibciyo. Waxaan waayaheygii dugsi-aadka soo bartay magacyada sawaxanka noolaha iyo magacyadooda qaar badan oo ka mid ah, adna sidoo kale. Laakiin, weydiintu waxey tahay: Afkeebaan ku baranay? Anigu waxaan ku bartay English. Adna?
Mar haddii nala baray \”Lion roars\” IWM. Ma is-weydiisay inaad afkaaga hooyo ku xeeldheeraatid mase jamatay eray-cilmiyeedka afkeenna hooyo ee ah hagaha iyo hagaajiyaha hiddaha iyo sooyaalkeenna badhaxtiran?

XOOLAHA

Xoolaha waxaa loo qeybiyaa: Dabjoog iyo Duurjoog. Waxaa kaloo loo sii qeybiyaa: Nugul iyo Naygag. Waxaa markale loo sii qeybiyaa: Ari, Adhi, iyo Ishkin. Nugul lo\’da ayaa ka mid ah. Naygag geela ayaa ka mid ah. Erayga naygag waa laba eray oo laysku dhababay midbana macno miiggan leeyahay. Erayga qeybtiisa hore, \”Nay\” waxey tilmaameysaa ama tahay orad oo geelu wuxuu ka mid yahay xoolaha kuwooda ugu oradka badan. Erayga \”Gag\” wuxuu la macno yahay erayga adeyg oo geelu wuxuu ka mid yahay xoolaha la dhaqda, raacda, kuwooda ugu dulqaadka badan.

Geela

Haddaan soo qaadanna qaar ka mid ah eray-cilmiyeedka geela loo adeegsada waxaa ka mid ah kuwan: Riti (ga) ritigu waa boqorka geela, dhuux gabayada abwaaniinta kala ah: Daahir Cali Nuur, Maxamed Nuur Fadal iyo kuwa kaloo badan. Riti baarqab ah, midka qoodha ah ee geela lagu daaya ama lagu dara ee ku qooqa rimiyana.
Riti karinle ah, midka lagu guura marna geela lagu daaya. Riti doodnaar ah, midka aan foolaadda aheyn ee qoodha-daran ama siifka xun. Riti koran ah, midka la dhufaanay ama la xiniinyo-siibay. Foolaad quruxda geela ayaa loo adeegsada xoolaha kale may.

Qaalin, midka dhawr sano jirka ah ee aan wali tabargalin balse ku sii dhaw tabargalka. Qurbac, midka yar ee hooyadii dhaaryaya. Waxaa kaloo la oran karaa riti hayiin ah ama gulungulshaa ah waxaana loola jeedaa ritiga karinlaha ah ee reerka lagu raro maxasta iyo maqashaba, marguufna meelaha qaarkood ayaa looga yaqaannaa. Hal (sha) hashu waa mida dhadig ee geela, waxaasa xusid mudan in xooluhu ay u qeybsammaan: Lab iyo Dhadig. Hal irmaan, midda uu ilmuhu nuugaya ama midda uu ilmuhu ka dhintay oo loo yaqaan igadh (igir gobollada qaarkood). Hal rimey ah, midda ilmaha uurka ku sidda. Hal galoof ah, midda aan irmaaneyn uurkana ku sidin. Hal abeer ah, midda aan dhalin. Hal galgaal ah, midda uu ilmuhu ka dhintay ee gudhay, meelaha qaar waxaa looga yaqaannaa: Caana-ku-gur, waxaa la macna-raacay in ay hashu caanihii laga maali lahaa diidday halkaa ayaana laga dooni karaa dulucda erayga aan dadneyn.

Hal garabweyn ah waxey macno ahaan ugu dhawdahay galgaal, laakiinse, waxaa garabweyn inta badan loo adeegsadaa qaalinta weynaatay ee abaahada awrtna ka daahday. Nirig, midda yar ee dhaddig – caksiga qurbac. Hal dhabiil ah – hasha tayada wacan oo dhaqaaleeyuhu uu ugu lexjeclada badan yahay – shandhalka IWM. Waxaa noo caddeyneysaa maahmaahdan guunka ah: \”Shan-dhal geel nin leh ma baxsho ninaan laheyna ma qaata\”. Hal ilma-diid ah, midda ilmaha marka ey dhasha diidda. Hal habad ah, midda aan haraantin dabadhoonka iyo doobkaba – baarri ah. Hal tooja ah, midda dhibka badan ee haraatida badan marka la maalaya ama la lisaya – cabaadada cadheysan.

Codka Geela

Ritigu wuu guuxaa marna wuu guux-ololaa. Arwtu waxey u qeybsantaa mid doobiya (toobiya) iyo mid goray ah oo goray-xableeya. Koronkuse wuu olol-guuxaa ama guux-ololaa sababtuse waxaa noo sheegi kara geel-jiraha aadka ugu xeeldheer qaab-dhanka geela iyo gurxankiisa.

Hashu wey olashaa weyna guux-oloshaa markey fiigta ama didana wey gurxantaa.
Nirigta iyo qurbacana wey ololaan. Waayoo codkooda waa isku mid yaraanta awgeed.

Eray-cilmiyeedka Taranka

Ritigu wuu qooqaa wuuna qalamdhacsadaa ama qablamaa.
Hashu wey abasaxdaa ritigaana abaahiya.
Qaalinta yar wey buurisaa markey rintana wey xoomisaa.
Hashu wey rintaa oo wey dhashaa. Waa uur iyo ama wey umushay lama oran karaya.
Hashu wey foolataa weyna fool-ba\’daa ama fool-dhuntaa. Wey xabbururisaa ama xab-jabisaa dabadeedna ilma-keentaa. Foosha iyo dhalmada kaddib madheer (mandheer meelaha qaar)
iyo gubo ayaa ka soo baxa. Inta uu gubuhu ku jira ayaana la dambariyaa. Dambar – caanaha cusub.

Lo\’da

Lo\’da waxaa loo qeybiyaa: Dibi iyo sac – labkeeda iyo dhadiggeeda.
Dibi qoodh ah iyo dibi baqay ah – sangeey ah. Dibigu wuu qooqaa
lo\’da ayuuna boodaa ama saartaa amase fuula oo rimiyaa.
Sacuna wuu jaleeloodaa oo luga-dagaa. Maqasha lo\’da waxaa loo yaqaannaa: weylo kuwa aadka u yaryarna waxaa loo yaqaanna: asharoo. Lo\’da qaalmaheeda waxaa loo yaqaannaa: aalo ugubna waxey kala mid tahay xoolaha kale. Sida hashu waa ugub iyo sacu waa ugub. Lo\’du wey barqataa oo waa la maalaa laakiinse xaf ayey u badan tahay ee xigta geela ayaa caan ku ah, eeg oo akhri gabayga Cabdullaahi Macalin Axmed – Dhoodaan. Qaalinta lo\’da ah wey gorisaa. Saca weyna wuu dheysiyaa oo candho-keenaa sida xoolaha kalaba loogu adeegsada eray-cilmi-taraneedkan.

Codka Lo\’da

Sacu wuu ciyaa sida riyaha oo kale balse wuu ka cod duwan yahay.
Dibugu wuu faagtaa wuuna dinnaahyeeyaa -qooq daraaddii.
Labadooduna wey cabaadaan marka uu bahal cunaya sida geela oo kale.

Ariga (Adhiga)

Arigu waxaa loo qeybiyaa: riyo iyo ido.
Riyuhuna waxaa loo qeybiyaa: Ri iyo orgi. Orgiga la tumay ama dhufaanka ah waxaa la dhahaa sogob dhufaanna gobolda qaarkood ayaa looga yaqaannaa.
Midda dhaddig iyo midka labka ah – labood iyo dhaddigood – orgi iyo ri.
Ridu wey qalaaddaa – orgootaa orgiga ayaan ku qoobaada oo saarta ama fuula amase buuda. Ma cabaadda ee wey eedaantaa marka ey xanuunsata.
Ridu wey jaleelootaa oo luga-dagtaa. Ceesaantu – midda yar, wey carisaa. Rida weyna wey dheysisaa. Idaha waxaa loo qeybiyaa : wan iyo lax. Sabeentuna waa laxda yar. Iduhu wey asoollaan; sabeentuna wey kuulisaa marka ey rimayga koowaad tahay, balse laxda weyn wey dheysisaa sida xoolaha kale. Qeybahan aan sare ku xusnay ee xoolaha ah waxaa laysku dhahaa: saddaxda-caana-macaan – geela, ariga iyo lo\’da. Erayga maqalna waxaa loo wada adeegsadaa ilmaha ay saddaxdan qeybo-xoolaad dhaleen, waloow badhaadh ama baraar idaha uu u gaar yahay asharoona lo\’da. Waxaase xusid mudan eray-cilmiyeedka goobaha xoola lagu xafida. Moora geela ayaa lagu xereeyaa. Xerana lo\’da iyo arigaba ayaa wadaagaan (magac-ahaan). Qab waa meesha waxaraha ariga lagu xereeya edagna waa meesha weylaha lagu xereeya. Geela waa la ragaadiyaa marka ey qodax mudda. Eeg gabayga Abwaan Daahir Cali Nuur. Arigase waa la faraa, fadhaa, ama la qodxiyaa sida gobollada qaarkood looga yaqaan.

Gammaanka

Gammaan waxaa laysku yiraahdaa fardaha, dameeraha iyo baqashaba.
Waxaase gammaan gaar ahaan loogu yaqaannaa fardaha oo kaalin muhiim ah noloshii Soomaalidii hore kaga jiray. Waxaa kaloo gammaan loo yaqaannaa faraska labka ah markanna dhawaaqa erayga ayaa is-baddala. Balse luuqaddeenna hooyo oo horumarin u baahan awgeed qaab wacan oo qofka aan Soomaaliga aheyn uu ku baadi sooca ma jira wakhti-xaadirka balse waa la sameyn karaa haddii qaran la helo.
Geenyo waxaa loo yaqaannaa faraska midkiisa dhaddig. Gammaaku ama gammaantu wey ama wuu dananaa oo lama oran karaya wey ama wuu yeerayaa ama ciyayaa. Balse dammeerku wuu ciyaa. Eeg oo akhri beydkan – \”Muxuu cay dameer igaga dhimi, wayska ciyayaaye\”. Waxaan filayaa inuu tiriyey abwaan Cali Oday mase huba ee hadduu abwaan kale tiriyey waan ka cudurdaaranayaa.
Dameerka midkiisa dhaddig waxaa la dhahaa: dameer dhawaaqa ayaanad ka garan kartaa midka labna muun ayaa la dhahaa.

Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daa\’uud (Stanza)

F.G: Maqaalka waxaan qoray 2007 mareega badan ayaana lagu faafiyey, waxaanse dib ugu soo celiyey in dhaqan-ahaan iyo dhigaal-luuqadeed-ahaan looga durduurta.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Sakaatul Fitriga oo qafiifisey macaluusha Soomaaliya
Qaxootiga Kenya laga celinayo iyo casharada laga baran karo gumaadkii Ban Balaayo ee Hiiraan
Puntland oo codsanaysa in la baaro xildhibaano Xamar lagu laayay
Wasiir gurigiisa la qarxiyey Kismaayo
Xulista ardayda deeqaha waxbarasho oo loo saaray gudi madax banaan