Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye (Gabay)

Published: August 7, 2011

Maxamed C. Cibaar
Soomaali60@yahoo.com

Billowga qarniga 21aad, waxaan ku sugan nahay adduunyo ilbax ah, naxariis badan, oo noole iyo manooleba in lagu xadgudbaa ay xaaraan tahay, xuquuqdooduna dhowran tahay. Waxaanan joognaa adduunyo arxan daran oo la isku dhiirrigeliyo in dhulka lagu malaaso magaalooyin ay malaayiin qofood ku nool yihiin, carruur iyo cirroole midkoodna aan la badbaadin. Kaaga sii darane in dadka la dulminayaa ay is difaacaan waa dambi argagixiso, halka kuwa wax dabargoynaya dooddooda la xalaaleynayo. Waa duni dadka qaarkiis dilkiisa iyo darxumeyntiisa darajo iyo dallacaad lagu helo, taasina ay keentayba in gumaadkooda la isku garbiyo.

Aakhiro waa xisaabteedee, ceebta iyo waji gabaxa ifka ku haysta guud ahaan umadda Muslimiinta ah ee walaalahood maanta lagu xasuuqayo marinka Gaza ee Falastiin, miyaysan aheyn tii Nabigeennii Muxamed (nnkh) uu ka digay 14 Qarni ka hor? Adduunyadoo la jeclaado iyo geeridoo la dhibsado, sow natiijadeedii ma noqon; ummaddii muslimiinta aheyd ee adduunka ugu badneyd in itaalkeedii uu ku soo ururo indho guluc ka siin iyadoo maalinba afartii xulka aheyd agtooda lagu dubanayo?

Gabayga cusub ee Gaza, oo soo baxay 15kii Jannaayo, 2009ka, wuxuu ku saabsanyahay xasuuqa naxariis darrada ah ee lagu hayo shacbiga Gaza, waxaanan Rabbi (swt) ka baryayaa in uu naxariistiisa waasica ah u soo dedejiyo, dulmiga ku habsadayna degdeg uga dulqaado.

Wuxuu gabaygu ku billaabanayaa:

Gooreysadaa muuqatiyo sekenka gowleeya
Waagii guduutiyo waqtigu galabba waa ceyne
Waa hooska guurguurayoo gelinba meel jiraye
Galalkaa mar buuxoy xareed galac leh jiiftaaye
Marna geyigu waa wada abaar baahi loo go’iye
Gu’ waa nabad kalgacal lagu nastoo guurku fidayaaye
Gu’na waa colaad goxoshka iyo gablamin waayeele
Inkastoo gegsigu waa nimcee aad gob tahay yaab leh
Haddana gugaca samadii qarshee gubaya ciiddaada
Ubadkaada la gumaadayee nacabku gowracayo
Oon gacal u hiilliya laheyn gocasho waa ciile
Guutooyin kuu dagaallamoo buuxsha garabkaada
Gurmad kale haddaan kuu heleyn maal wax kuu gooya
Hagran maayo gabaygoo ducaan soo gudbinayaaye
Guullaan baryeynaa inuu gacan na siiyaaye
Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.

Iney dunidu sii gaddoomeysoy gebi ka laallaaddo
Ficillada gurracan ee dulliga yaad ka garataaye
Gunta badaha xayawaan ku jira dhibi iney gaarto
Gooddin baa ka taalloo guddiyo dhowrayaa jiraye
Dhagaxaanta qaar lama gurtoo waa ganaax culuse
Garsooraaba loo sheegayaa geed ninkii jaraye
Adigana malaayiin guryiyo gogolba loo diiday
Gasiinkana ku diimaaya oy gaajo bi’ineyso
Yaa gantaalo quud loo dhigay gumuc rasaaseede
Maatida gamaareysa ee goob walbaba daadsan
Haddaan loo garaabeyninoo gefba la sii saari
Waa inaan gutaa waajiboon geysto tabarteeye
Guutooyin kuu dagaallamoo buuxsha garabkaada
Gurmad kale haddaan kuu heleyn maal wax kuu gooya
Hagran maayo gabaygoo ducaan soo gudbinayaaye
Guullaan baryeynaa inuu gacan na siiyaaye
Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.

Sida galley la muufeeyay iyo garow la ruugaayo
Ummad xeero lagu soo gurtoo la isku goobeeyay
Gashigeedna loo kala tartami goosi hilibkeeda
Wax Xadiis uu goor hore ka digaa meesha galaye
Garwadeennadaa waashay iyo geeshka kaa hiilshay
Markii diinta ay ka gaabiyeen xumana loo guuray
Gafaniyo markey caabudeen Jaahilkii gawiya
Oo aakhiro in loo geeddi yahay gini hilmaansiiyay
Giirrey lo’aad iyo sidii ariga geesaha leh
Guunyuu Ilaahey ka dhigay geel dad leeyahaye
Guudkaa barkood laga raraa geenyadoo kalaye
Kuwo waa la gadayaa intey gaar gorgoriyaane
Qaarna waa la gaballeynayaa oo la googgooye
Adigaaba gaashaan leh iyo ciidan aar-gudanne
Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.

Gorofkii Fircoon iyo Abraha laga gol roonaaye
Hitlerkii is yiri gabagabee gabi ahaan dunida
Gendi kibir la qooqaaya iyo gale awood sheegtay
Gabgableynta maalmaha yar iyo gujinta kii liita
Waa garasho daaquud inuu gaabso diidaaye
Gumeysigu qareenkuu lahaa iyo gabbaadkiisi
Golihii la sheegsheegi jiray goob Ibleys noqoye
Waa kaa xishoodkii gambiyoo lagu gabraartaaye
Waa kaa go’ii tuurayuu guray damiirkiiye
Waa kaa gaggabayoo herdiyay biro gidaarro ahe
Waa kaa gafuurkii jaboo goon ka dhaawacane
Waa kaa nabsigii gaaxsanaa buuxshay gaawahaye
Bari iyo Galbeed laga dareen godobta teenna ahe
Gamuunkiina liishaamanoo giigsan qaansaduye
Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.

Gunnimaa xanuun badan leh iyo gaalo-raacnimaye
Gobonnimo inaan daafacnaa wey gudboon tahaye
kuwa maanta ku go’doomiyee gaaska kugu buufin
Garaadxumo haddii ay la tahay inu gantaal taliyo
Dhiiggaada laga ganacsadiyo gardarradaa qaawan
Xaqaad gowska ku adkeysan iyo geesinnimadaadu
Dhanbaal gaar ah yey insha-Allaah sii gudbinayaane
Waa gaddii asxaabtii Ukhduud saan gareysnahaye
Wiilkuu Ilaahey galladee geliyay iimaanka
Gurbaankii khalqiga loo tumiyo gegidii buuxdhaaftay
Garbadduubiddiisii la eed maalintuu go’aye
In sheydaan go’aankiis fuloo la isku guulguulo
Boqorkii gagruurasho halkuu gaardis filanaayay
Siduu shacabkii u gadoodayee geerida u doortay
Oo godad la hurinaayo uu uga gabboon waayay
Una yiri Allihii gabanka iyo Guullahaan raacnay
Arligaa gilgilan oo runtaa guudka soo mariye
Muslimiintii wada gama’sanaa wey gurxamayaane
Goonyaha adduunkoo dhan buu guux ka baxayaaye
Iska daa dar kaa goosta iyo gaabis kaa haraye
Gacaltooyo qaar kuu qabaa diinta soo geliye
Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.

Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.
Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.
Gazaay samir gargaarkii Alliyo guusha waad heliye.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dowladda Federaalka oo xafiiskii ugu horeeyey ka fureysa Kismaayo
Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dadka tabashada qaba waa in la soo dhaweeyo shirkana lagu soo biiriyo”
Soomaalida Maraykanka oo codsanaysa cunto Xalaal ah
Sanbaloolshaa la i dhahaa, waxaan ku sugnahay Kismaayo
Farriin ku socota KismaayoNews