1- Muslinbuu ku soo duulay iyo Madaxdii diinteenna
2-Miinada Maxaad ugu dhigteen leyma maqashiiyo
3- Kirishtaanku meeluu fadhiyo ani makaankeyga
Madaafiic Maxaad ugu rideen leyma maqashiiyo
4- Masiixi baan wataa iyo inaan Kirishtaan meeleeyo
Culimada mindiyeeyaan leyma maqashiiyo
5- Minkeygii majuusbaa mulkiyay labadii meeloodba
Muranbaa meherad moodayaa leyma maqashiiyo
6- Muqdisho malez qabsada oon ka kicin maanta
Muwaafaqana waan diidayaa leyma maqashiiyo
7- Muslin baan rabaa iyo midnimo oon u imid meesha
4.5 baan matali leyma maqashiiyo
8-Media-yaha ayaan tagi intaan ani muraad yeesho
Muslinkii khilaaf baa dhexmaray leyma maqashiiyo
9- Madaxweyne yaan ahay matali Magacii Soomaali
Maskaxdeydii Melez bey jirtaa leyma maqashiiyo
10- Mudanayaal ayaan nahay magacii Soomaali
Marastaan Madaafiic kumarin leyma maqashiiyo
11- Maandeeq hasheennii dhashayee mahore soo qaado
Musfin beynu martidiisa nahay leyma maqashiiyo
12- Madaxdiinii baan ahayee imaqal ina adeec Maanta
Masjiduna musqulo yey ahaan leyma maqashiiyo
13-Muqdishiyo bar bara waa xor iyo marsadii Boosaaso
Maraakiib shisheeyaa mulkiday leyma maqashiiyo
14- Maamulbaan ka ahay anaa jooga Madashiiba
Melez baa shixnado hub ah marsaday leyma maqashiiyo
15- Mashruuc baan wataa iyo inaan meherad weyn gaaro
Shacab iyo haw maqane jooge ahaaw leyma maqashiiyo
16- Muslinkoo dhan Muqdishaan karari mudug intaan qaato
Kaniisadana waan kuu mud mudi leyma maqashiiyo
17- Malyuumaad muslima yaan qaadani Minankooda
Musxafkii Quraankaan masaxi leyma maqashiiyo
W/Q:- Dareen Muslin