Maxaakiimtu waa faraj alle iyo Faatax noo yimide (Gabay)

Published: August 7, 2011

Gabay: FAATAX waa tix gabay ah oo isbarbardhig ku samaynaysa Farqiga u dhaxeeya Dawladda ku Meelgaarka Federaalka ah EE fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo iyo Maxaakiimta Islaamiga ah oo nabadgalyo iyo kala dambayn  ku soo dabaalay inta badan Gobolada Koonfureed Dalka. Tixdan waxaa curiyay Abwaan Cabdi Ibraahim Magan(CIRJIIR ) Sanadkii 2006dii

- Maxaakiimtu waa faraj alle iyo Faatax noo yimide

- Faxshiga iyo waxay neceb yihiin faanka beenta ahe

- Fitra aan badnayn bay qabteen Hawlo farawayne

-Fariintoodu waa inaan midnimo fahan ku gaarnaaye

- Nimankaa furqaankiyo u kacay khayrka fidintiisa

- Iyo qolodan Baydhaba fadhida faalla kala roone

- Federaalku waa Dawlad aan shacab u footayne

- Ayagaa fidmada taagan iyo keenay fiirsigae

- Waa Faras shisheeyaha fog iyo cadawgu fuulaaye

- Faaiido iyo khayr dadyahaw kama filaysaane

- Ka fogaada oo naca Allaa deeq idiin furiye


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhuudhuumashow la dheelaya kuwa kooxda Alshabaab
Booliska Kismaayo oo baaraya ajaaniib badda kusoo caariyey
Colka Waraf ma lagu dayay : Turkiga oo la heshiiyey Israa’iil
Ciidanka dalka Nigeria oo u gurmaday dad 5000 gaaraya oo ku xayirnaa goobo Boko Xaaraam ka taliyaan
Donald Trump oo labo afleynaya !