Mukhaalafaadka
Dilka Xaq Darada Ah
Caasi Waalidayn
Buuqa Ka Daaya Baytka Alle
Dhibaatooyinka Carabka
Qabyaaladda
Burcadda
Is Caddayntu Waa
Camal Shaydaan
Aroosyadu Beryahaan:
Raggu Waa Barqadii
Dumarkuna Habeen Barkii!
Kala Noolaanshaha Qoyska
Dalqadihii Dhammaade
Caruurna Way Dhalaan!
WQ: Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com
مقدمة
Hordhac
بِسْمِ اللهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيْمِ الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ والصَّلاةُ والسَّلامُ عَلَى نَبِيّناْ مُحَمَّدٍ وَآلِهِ أجْمَعِيْنَ.
Canaawiintaa tobanka ah ee dusha ku xusan waa kitaab aan ku ururiyay qaar kamid ah maqaalaad aan ka qoray waxyaabaha mukhalafaadka ah ee ay dadku inta badan sahashadaan iyagoo aan lagu baraarugin khatartooda.
Sidaa darteed baan u doortay mowduucyadan inaan isugu geeyo hal kitaab si walaalaha aan nasiibka u helin inay maqaal ahaan uga faaiidaystaan ay kitaab ahaan ugaga faaiidaystaan.
Kolka ay daabacaadu dhammaatana dib baan idinkugu soo wargelin doonnaa haddii Alle idmo.
وبالله التّوفيق
وصلّى الله وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين