Muqaawamadu ha Midowdo (Gabay)

Published: August 7, 2011

HANNAANKII CIRAAQ: Waa tix gabay ah, oo ku wajahan dibin-daabyada lala maagan yahay ummadda Soomaaliyeed ee dalkooda la leeyahay Ciidammo nabadda sugaa la gaynayaa.

Waxaana tiriyey Cabdi Ibraahim Magan (CIRJIIR)

- Lixdankii Xorriyaddaan hellee hebello loo aasay
- Nacabkii horraan laga eryaa hootadii sida e
- Hawadoodu waa inay mar kale hilay na saaraane

- Hoomaaq dalooshiyo god bay Hoos u qodayaane
- Hadba waxay inoo sheegayaan been Hariirya lahe
- Haddaan laga hortagin Soomaalaay Xaalku waa Halise
- Hannaankii Ciraaq baa socdiyo Heerki Falastiine.

- Ha yeeshee Hurdadu way xuntahay Haatanoo kala e
- Inkastooy hamuun badan qabaan Hororka ciideennu
- Ninna Heeryo uma qaadi karo Hayb filkiisa ahe

- Hurgumada dhaxdeenna ah intaan Hooy iska illowno
- Hubka inaynu wada qaadannuu hadalku joogaaye
- Halyay iyo ninkii Geesiyaa loo hanwaynyahaye
- Isu hiisha oo kaca midnimo way habboontahaye

Abwaan: Cabdi Ibraahim Magan (Cirjiir)
cirjiir@hotmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Press Release: Statement from Jubaland State of Somalia
Maamulka Jubbaland “Timirtii horaba dab loo waa”
War saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland oo lagu ogolaaday war murtiyeedkii IGAD
Kismaayo oo dagaal laga iclaamiyey
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013