Nimankaa Xijaabkiyo, gadhkiyo nacay surwaal gaaban (Gabay)

Published: August 7, 2011

Gabaygan waxa tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed. Waa mid ka mid ah gabayada gurmadka ah ee xaqa loogu hiilinayo. Waxa gabaygan looga danleeyahay in uu dhaliyo dood dhex marta halabuureyaasha Soomaaliyeed, taas oo ku saabsan iftiiminta jidka xaqa ah ee lagaga bixi karo jahawareerka siyaasadeed iyo dulliga gumaysiga iyo gaashaanbuurtisu u horseedeen umaddda islaamka ah ee Soomaaliyeed. Wuxu yidhi:

Galabtii madoobeyd markay guushu naga meertay
Gardarradu markay noo timee garab la soo siiyey
Rag ayaa go´aansaday in aan laga gol roonaane
Iyagaa wanaaggii gurtoo goostay laba jeere
Gargaarkii Allena waa u yimi guulna wey heliye
Kol aan gabayga ugu hiiliyoo talo ku guubaabsho
Gaabsiga waxaa iiga roon geyso tamartaaye
Bal ii dhaha guddoon doodyar baan soo gudbinayaaye

Nimankaa gumaystuhu watee gacanta siinaaya
Nimankaa gol-jilicdeenna iyo dooxay ganaceenna
Ee cadowga gaamurey ku furay gurada ciiddeena
Ee gaalo soo kaashadee eheludiin goobay
Nimankaa Xijaabkiyo, gadhkiyo nacay surwaal gaaban
Ee culimadeennii gadee ganacsi moodaaya
Guwantaanamaa qaar la dhigay gabannadeeniiye
Nimankaa ma geydada raggiyo dumar gumaadaaya
Gaal iyo islaam waxay yihiin gabay ku faalleeya

Garba-duubis aan kuu xidhee gacanta soo dhiibo
Garashada sidaydaa saxsane adigu gaagaabso
Guni adiga weeyee sidaan gooyo ila qaado
Ma geydaan sidaad jeceshehee gacanta ii hoorso
Gaajiyo harraad iyo dawaro guusha ku astayso
Haddii kale go´doon iyo dil iyo gawrac naga dhawro
Gedda weeye ay nagu wadaan reer galbeedyaduye
Waxa gole ammaan yahay dadoow gabay ku faalleeya

Culimada xilkoodii gabee gaabshay dhabarkooda
Ee goortii loo baahi qabay geeddi dib u guuray
Inkastooy ma geydiyo yihiin geed aan lagu dhiirran
Oo ay guudka ii saaranyiin, guux ayaa jira e
shalay Culimadii gala lahayd Gedo dagaalkeeda
Ee tidhi galbeed kama fursado geylan-dirir xooga
Maantana ka gaabsaday kolkii Xamar la soo gaadhay
Ee gogosha lagu jiifsadiyo gabadh ku meeraystay
Ee weliba geeraarro iyo gudhugadhaa keenay
Garan waayey sheekadan waxay uga gol-leeyiine
Bal kumay geddoodu u baxdoo gabay ku faalleeya

Gurigiisi nimuu baaba´oo geeli laga qaaday
Oo gaabanoow waran u hadhay guul wax lagu raadsho
Oo soo gurmaday oo guntiga labada low geystay
Hadduu cadow gondihii yuurursado gaadhi waa libine
Raggaa gogosha quudheed dul tuban gabay ku faalleeya

Godka lagu jannee Aadanoo gama´san hoygiisa
Gantaallada wixii loola dhacay goor la wada jiifo
Ragga qaarna gogol raaxaliyo guri cad loo seexshay
Kala garay cadaawuhu dadkaa guudka noo simane
Waxa laba gudboonaan lahayd saa u kala geeyey
Ee gaar midkood looga dhigay gabay ku faalleeya

Godey iyo Garduur iyo ilaa gudaha Haadaame
Gaarisa ilaa Harar ilaa Goondhar dacalkeeda
Waxa lagu gumaystaa islaam loo gabbood falaye
Galladloow ilaahay hadduu guusha ina siiyo
Xabashiga gafuurka xun haddii laga gol roonaado
Ma xuduudkan gaaladu dhigtaa goolka dirirteennu?
Mise gulufku wuu socon ilaa qaanti laga gooyo?
Intay goori goor tahay warkaa gabay ku faalleeya

Gudbaneey badweyntaa Ilaah inagu gaar yeelay
Ee geeska bariyaad la dhigay waa gallad Ilaahe
Gudaheeda khayraadka yaal laga geyoon waaye
Gabraartiyo gumaysteba haddeer gaawahow culaye
Gaadiid ayey soo rarteen guud-caddoo dhamiye
Warse aan i gelin baa jiree yaa I garansiiya:
Gaaraayucuun iyo badjiif geesh dhan la itaala
Oo gudaha xeebaha dadkii gooshi jiray raafay
Oo galabba raxan soo qabsada gadata ruuxeeda
Oon cidi dhib gaadhsiinahayn lana gunnaynaayo
Garan waayey waxa ay yihiin gacalleyaaloowe
In ay gacan shisheeyoo dan lihi inagu gaadayso
Iyo gaadh-badeed inay yihiin gabay ku faalleeya

Waa iga gunaanade haddaan gaabsho hadalkayga
Waa gabay su´aal kaaga dhigay guux bulshada yaalle
Garashiyo ninkii maansaloow goolku kuu furane
Gedmashiyo gabnoow iyo afxumo gees lagaa mariye
Waxa gar iyo daw iyo xaq yahay ila gorfee maanta

Maxamed Xirsi Guuleed


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Baarlamaanka oo ka doodaya doorashooyinka 2016-ka
Cali Khaliif iyo Saado Cali oo kuraastoodii baarlamaanka la buuxiyey
Maamulka Jubba oo samaynaya maxkamadda ciidamada
Ciidamada Jubba oo soo qabqabtay dagaalyahano Alshabaab
Dowladda dhalinyaro badan ku halaloobineysa Ciraaq