Shareecada Xukuumad Ku Sheega: Bad iyo Bariba Waa beec:WQ Cali-Daahir X Muxammad

Published: August 7, 2011

Shareecada Xukuumad Ku Sheega:

Bad Iyo Bariba Waa Beec!

WQ: Cali-Daahir X Muxammad

mohiyadin@hotmail.com

بسم الله الرّحمن الرّحيم الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ

والصّلاة والسّلام علي نبيّنا محمّد وآله أجمعين

ٍلكُلِّ غَاْدِرٍ لِوَآءً يَوْمَ الْقِيَاْمَةِ يُرْفَعُ َلهُ بِقَدْرِ غَدْرَتِهِ

ألا وَلا غَاْدِرَ أَعْظَمُ غَدْراً مِنْ أَمِيْرِ الْعَاْمَّةِ / رواه مسلم.

Khaain kastaa wuxuu leeyahay calan / lagu muujiyo intuu wax khiyaamay / maalinta khiyaamaha waxaana kor loogu qaadaa / calankaasi / hadba intay laeg tahay khiyaanadiisa, war ogaada majiro khaainnimo kawayn hadduu wax khiyaano madaxwaynaha guud / ee ummadi leedahay.

تَمَخَضَتِ الْجَبَلُ فَوَلَدَتْ فَأراً

Buur baa foolatay waxayna dhashay Jiir

Waxaa muddooyinkan danbe noqotay arin iska caadi ah qof walba oo xukun-doon ah inuu shicaar ama astaan ka dhigto waxaan dalka ku xukumayaa shareecada islaamka si uu kalsooni uu uga helo shacabka.

Haddii uu ogaan lahaa in shacabku aan la marsiin Karin wax aan shareecada islaamka oo barax la’ ka ahayn, lama soo shir tageen shareeco islaam baan wadaa ee daaguudka uu doonayo inuu wax ku xukumo ayuu caddaysan lahaa. Hallagu raaco ama hallagu diido sida kuwii ka horeeyayba ay u caddaysteen dagaalka ay kula jiraan islaamka.

Balse kolkii ay u caddaatay in shacabkani badankii uu yahay shacab ay qabyaaladi dillootay diin, dad iyo dalna aan dan ka lahayn marka loo bar-bar dhigo qabiilka oo qofka soomaaliga ahi reerkiisu gar iyo gar daraba uu is garab taago waana sida hadda saaxada taala ee ah: Horay U Soco Wax Kuu Sacbiya Waayi Meyside! Waana sidii ay ahaan jireen carabta xilligii jaahiliyadda oo ay ku gabyi jireen:

وَهَلْ أَنَاْ إلا مِنْ غَزِيَّةَ إِنْ غَوَتْ غَوَيْتُ وَإِنْ تَرْشَدْغَزِيَّة ُأرْشُدِ

Anigu reer Gaziya uun baan ahay haddii ay baadiyawdo waan la baadiyoobi haddii ay Gaziya hanuuntana waan la hanuuni.

Waxa kaloo gabayadoodii jaahilliga kamid ahaa:

إِذَاْ لَمْ أَنْصُرْ أَخِيْ حِيْنَ يَظْلِمُ فَمَاْ أَنَاْ بِنَاْصِرٍ لَهُ حِيْنَ يُظْلمِ

Haddii aanan uhiilin walaalkay kolkuu gardaran yahay

Maxaan kaga hiillin kolka laga gardaranyahay.

Kol haddii ay caqliyaddii shacabku intaa aysan ka badnayn waxaa u sahlanaaday waxa xukuumad lagu sheegay inay yaraysato shacabkeeda.

Waxaan shaki lahayn in xukuumad ku sheegtani ay qaadatay kaartadii fircoon taas oo ahayd kolkii uu fircoon LC uu caqliyaddooda iyo sida ay u fekerayaan uu darsay inay yhiin fasaqo iyo fajaro baa u suurto gelisay inuu yaraysto uuna kasoo qaado wax aan qiimo lahayn kadibna uu dullaystay ilaa markii danbe uu sheegto ilaahnimo iyagoo soo taagan.

Waana middii uu Alle SW uu inoogaga waramay sababta u suurto gelisay inuu fircoon uu dullaysto qowmkiisa. Wuxuuna Alle SW uu yiri:

فَاسْتَخَفَّ قَوْمَهُ فَأَطَاْعُوْهُ إنَّهُمْ كَاْنُواْ قَوْماً فَاْسِقِيْنَ

الزخرف / 54

Wuu yaratstay / Fircoon / qowmkiisii wayna adeeceen / sababtoo ah / waxay ahaayeen qolo faasiqiin ah).

Wuxuu yiri Al-Imaam Ibni-Kathiir RC Tafsiirka Aayadan:

اسْتَخَفَّ عُقُوْلَهُمْ فَدَعَاْهُمْ إلَى الضَّلالَةِ فَاسْتَجَاْبُواْ لَهُ : / إنَّهُمْ كَاْنُواْ قَوْماً فَاسِقِيْنَ /

Maskaxduu ka qabsaday ( Fircoon oo wuxuu hantiyay garaadkoodii) kolkaa buu ugu yeeray baadil kadibna way aqbaleen [sababtuna waxay ahayd] [iyagaa kolkii hereba ahaa qolo faasiqiin ah].

Sh C/Raxmaan Bin Naasir Al-Sacdi Ayaa isaguna wuxuu ku fasiray Aayadan iyadoo kooban

وَلَكِنْ فِرْعَوْنُ لَقِيَ مَلأ ًلا عُقُوْلَ عِنْدَهُمْ فَمَهْمَاْ قَاْلَ اتَّبَعُوْهُ مِنْ حَقٍّ وَبَاْطِلٍ / إِنَّهُمْ كَاْنُواْ قَوْماً فَاْسِقِيْنَ / فَبِسَبَبِ فِسْقِهِمْ قَيَّضَ لَهُمْ فِرْعَوْنُ يُزَيِّنُ لَهُمْ الشِّرْ كَ وَالْشّر.

Hase ahaatee fircoon wuxuu la kulmay koox aan caqli bartii lahayn, oo wax kasta uu yiraahdaba way ku raaceen, xaq iyo baadilba sababtoo ah waxay ahaayeen qolo faasiqiin ah. Fisqigoodii dartii ayuu gacanta ku dhigay fircoon isagoo u qurxinaya shirki iyo shar / gaalnimo iyo dhib /.

Sidaa darteed inta soomaali qabyaalad ay faraqa ku wadato haddii aan Alle SW uusan faraj kale keenin dulli iyo dan daro waa lama huraan.

Sideedaba haddii heshiis la gelaayo waa inuu yahay mid waafaqsan shareecada islaamka siduu Rasuulku SCWW uu yiri:

الصُّلْحُ جَاْئِزٌ بَيْنَ الْمُسْلِمِيْنَ إلا صُلْحاً أَحَلَّ حَرَاْماً أَوْ حَرَّمَ حَلالا .

رواه أحمد وأبوا داود/ صحيح / صحيح الجامع / 3862

Heshiisku wuu bannaan yahay muslimiinta dhexdooda oo aan ka ahayn heshiis xalaaleeya wax xaaraan ah ama xaaraantinimeeya wax xalaal ah.

Wuxuu kale uu Rasuulku SCWW uu yiri:

كُلُّ شَرْطٍ لَيْسَ فِيْ كِتَاْبِ الله ِتَعِاْلَى فَهُوَ بَاْطِلٌ وَإِنْ كَاْنَ مِأَةَ شَرْطٍ / متّفق عليه.

Shardi kasta oo aan laga helin kitaabka Alle waa uu buray / oo waa baadil oo wax ka jiraa ma laha / haba ahaado boqol shardi.

Waxaase nasiib daro ah in dadka heshiisyada galaya aysan ama hogaamiye lagu sheego badankood aysan diin waxba ka garanaynin. Waana midda uu Rasuulku SCWW uu kasii waramay umadda aakhira-zamaanka waxa hogaamin doono inay ahaan doonaan kuwo wax ma garato ah.

(سَيَأْتِيْ عَلَي النَّاْسِ سَنَوَاْتٌ خَدَّاْعَاْتٌ، يُصَدّقُ فِيْهَاْ الْكَاْذِبُ، وَيُكَذَّبُ فِيْهَاْ الصَّاْدِق،ُ وَيُؤْتَمَنُ فِيْهَاْ الْخَاْئِنُ، وَيُخَوَّنُ فِيْهَاْ الأمٍيْنَ، وَيَنْطِق فِيْهَاْ الرُّوَيْبِضَةُ، قِيْل وَمَنْ َ

الرُّوَيْبِضَةُ؟ قَاْلَ الرَّجُلُ التَّاْفِهِ يَتَكَلَّمُ فِيْ أَمْرِ الْعَاْمَّةِ

. رواه أحمد وابن ماجه / صحيح / الصحيحة / 1888

وَفِيْ رِوَاْيَةٍ الْفُوَيْسِقُ يَتَكَلَّمُ فِيْ أ!مْرٍ الْعَاْمَّةِ.

وقال الشَّيخ محمَد ناصِرالدِّين الألبانيّ رحمه الله في هذه الرّواية الأخيرة: رواه أحمد ورجاله ثقات لولا عنعنة ابن إسحاق.

[Waxaa dadka u iman doona sanado is dabo maris ah (oo mardabad badan) waxaa la rumeystaa beenlowga, waxaana (warkiisa) la beeniyaa runlowga, waxaa la aaminaa khaa’inka, waxaa khaa’in loogu yeeraa amiinkii (amaanada ku fiicnaa) waxaana u hadla (oo gartooda gooya) Arruweydiyah]. Waxaa la weydiiyay Rasuulka SCWW waa maxay Al-Ruweydiyah, wuxuuna rasuulka SCWW uu yiri: Waa qofka aan qiimaha lahayn oo ka hadlaaya arrimaha dadwaynaha. Warin kale ayaa waxay leedahay:(waa faasiq yare oo kahadlaya arimaha dadwaynaha).

Aaway ciidamadii gaalada wadanka waan ka saaraynaa la lahaa, iyadoo hadda kuwo dheeraad ahna soo galeen qaar kalena la sugayo. Midda aad shareeco u taqaanaanna sow tan ma aha oo idiin xalaalaysay inaad suuq gaysaan baddii ballaarnayd. Haddii aad shareecada ka run sheegaysaan idinka iska bilaaba oo culimadu ha idiin xukunto kolkaa baad arki lahaydeen shareecada aad dadka u sheegtaan iyo tan Alle SW ee culimadu dadka u sheegto inay labo kala yihiin.

La yaabse maleh inaan maqalno baddii baa la suuq geeyay maadaama horay dad iyo dhulba loo iib geeyay. Waxaase la yaab leh qolooyinkii hore ee wax iib gayn jiray waxay ahaayeen rag maafiya ah oo layaqaan soomaliduna ay u bixisay: Mooryaan Jirri Iyo Dad-Day. Magacyadii kale ee loo bixiyay waxaa kamid ahaa: Ashahaado La Dirir IWM, kadibna iyagoo magac dowladeed huwan baa taangiyadii tigreega lagu soo galbiyay si ay u ansixiyaan inay lagama maarmaan tahay in ay itoobya hoos tagaan loogana taliyo taasina alle SW ayaan qadarin. Middanise waxay kaga duwan tahay waxay huwan yihiin magac diimeed.

Waxaase nasiib daro ah in khaladka intaa la’eg ee ah boobka hantida qaranka uu difaaco nin aabihii allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharmaarke oo ahaa nin aad u degan kolka ay dhabtu gaartana aan runta ka war wareegin. Sida ay igaga warameen qaar kamid ahaa raggii macalimiinta ka ahaan jiray kulliyaddii lafoole mar uu doonay maraykanku inay ka saaraan kulliyaddii lafoole manaahijta carabiga iyo mawaadda kale ee diiniga ah ayay waxay warqad hoosta uga direen Allaha u naxariistee C/di Rshiid Cali Sharmaarke oo xilligaa ahaa madaxwaynihii soomaliya, warqadaa oo ay uga cabanayeen fara gelinta tooska ah ee arimaha diinta ee maraykanku ku hayo kulliyadda. Kolkii ay warqaddii gaartay ayuu madaxwaynuhu intuu aad u carooday buu yiri: Goormuu maraykan diinteena wakiil inooga noqday. Kadibna hawshii halkaa bay ku dhammatay.

Waxaa hubaal ah in raggaasi wallow jahli badan oo xagga diinta ah haysatay haddana shacabka ayay matali jireen, kuwanise isticmaarka ayay matalaan oo shacabka u afduubaan. Sidaa darteed nimankani wadaado ma aha ee yaan lagu sirmin waana kuwii uu Rasuulku SCWW uu kasii waramay:

دُعَاْةٌ عَلََى أَبْوَاْبِ جَهَنَّمَ، مَنْ أَجَاْبَهُمْ إِلَيْهَاْ قَذَفُوْهُ فِيْهَاْ

Waa ducaad dadka ugu yeeraaya Naarta / jahannama, qofkii ajiibaa / oo warkooda yeelaana / way ku dhex tuuraan.

xudayfa RC kolkuu waydiiyay tilmaamahoodana Rasuulku SCWW wuxuu yiri:

هُمْ مِنْ جِلْدَتِنَاْ وَيَتَكَلَّمُوْنَ بِأَلْسِنَتِنَاْ / متّفق عليه

Waa kuwo inaga dhashay kuna hadla luqadeenana

Heshiisyada ay galayaan oo ay hantida muslimiinta ay cadawga u saxiixayaanna horay buu Rasuulku SCWW uu inoogaga waramay. Wuxuuna Rasuulku SCWW uu yiri:

سَتَكُوْنُ مَعَاْدِنُ يَحْضُرُهَاْ شِرَاْرُ النَّاسِ / رواه أحمد/ صحيح

Waxaa jiri doonta macaadin ay soo saari doonaan dadka kuwa ugu sharka badan.

Sh M Naasir-Diin Al-Albaani RC wuxuu ku yiri Saxiixadiisa isagoo faahfaahin ka bixinaya xadiiskan:

وَمِمَّاْ لا شَكَّ فِيْهِ أَنَّ شِرَاْرَ النَّّاْسِ إِنَّمَاْ هُمْ الْكُفَّْاْرُ، فَهُوَ يُشِيْرُ إِلَى مَاابْتُلِيَ بِهِ الْمُسْلِمُوْنَ الْيَوْمَ مِنْ جَلْبِهِمْ لِلأوربِيِّْينَ والأمْريْكَاْنَ إلا بِلادِهِمُ الْعَرَبِيَّةِ، لإسْتِخْرَاْجِ مَعَاْدِنَهَاْ وَخَيْرَاِتَهَاْ. وَالله ُالْمثسْتَعَاْنُ.

Waxaan shaki lahayn inay kuwaasu yihiin gaalada, Rasuulkuna RC

wuxuu tilmaamayaa waxa lagu ibtileeyay muslimiinta maanta joogta taasoo ah inay keenaan Yurubta iyo Ameerikaba buldaantooda Carbeed, si ay ula soo baxaan macaadintooda iyo khayraadkooda Allaah baana ah mid lamagan galo.

Gebagebada waxaan leeyahay mas’ladani ma aha mid ay masiirkeeda ay u taalo dad wax ma garato ah oo iyagu diin ku tumashadeed aan waxba u arag ee waxay u taalaa qof kasta oo damiirkiisu uu u damqanayo diintiisa maxaa yeelay in gaalo dhul islaam loo gacan geliyaa waa gaalnimo iyo diin kabax sidaan horay aan ugu soo koobay kitaabkii aan ku magacaabay:

يَاْجَاْلِبَ الْكُفَّاْر ِكَفَرْتَ

Gaalo Soo Geliyow

Waad Gaalowday

وبالله التّوفيق

وصلّى الله وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Baarlamaanka “Hub lama uruurin karo, maxkamad oo aanan amrin”
Qorshihii hub-ka-dhigista miyuu banjaray ?
Xamar, Ganacsiga dooshka oo cirka isku shareerey
AAYO-DHOWR : Ku haadlidda Af kaliya waa awood dabiici ah
Kaabe burcad badeed lagu xirey Xamar