Soo islaaminta dadka habawsan iyo kitaabka Nuurka Islaamka

Published: August 7, 2011

Waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa kitaab cilmi ah oo qaraagiisu uu ku soo bandhigay aqoon badan oo ay u baahan yihiin guud ahaan muslimiintu gaar ahaan jaaliyadaha ku nool dalalka gaalada oo u baahan inay diinta islaamka ugu yeeraan bulshooyinka ay la nool yihiin oo aad ugu ooman diinta xaqqa ah ee Alle ina ku hanuunshay.

Si loo islaamiyo qof gaal ah waxaa loo baahan yahay: a) in lagu qanciyo in aysan xaq ahayn waxa uu diin ahaan u aaminsan yahay,  b) in laga qanciyo qaladka uu ka aaminsan yahay diinta islaamka iyo fikradaha been-abuurka ah ee cadawga islaamku faafiyeen, c) in si cilmi ah loogu qanciyo xaqnimada diinta islaamka. Taasina waxay u baahan tahay in daacigu aqoon u leeyahay mabda’a ama caqiidada uu aaminsan yahay qofka uu xaqa ugu baaqayo, shubhooyinka iyo cuqdadaha uu ka qabo islaamka, iyo mabaadi’da iyo tiirarka aasaaska u ah diinteena macaan.

Qoraagu wuxuu  kitaabkiisaan xoogga ku saaray arrintaan ugu dambaysa, sidaa darteed  qof kasta oo doonaya inuu soo islaamiyo dad gaalo ah waxaan u soo jeedinayaa in uu ugu horrayn barto tiirarka waaweyn ee islaamka, usuushiisa iyo mabaadi’diisa guud, ka dibna uu fikrad wacan ka qaato waxa ay aaminsan yihiin dadka uu xaqa ugu baaqayo iyo fikradaha qaldan ee ay islaamka ka rumaysan yihiin . Intaa marka uu isla helo waxaa u dhiman inuu ka baaraandago habka ugu habboon ee qofka lagu qancin karo iyo meelaha ugu mudan ee laga abbaarayo.

Aniga oo ka faa’iidaysanaya munaasabadda soo bandhigidda kitaabkaan waxaan si weyn farta ugu fiiqayaa ahmiyadda ay leedahay faafinta diinta islaamka iyo soo hanuuninta uunka Alle oo badankoodu ka habawsan jidka Alle. Rabbigeen wuxuu dadka iyo jinka u uumay ina isaga kaliya caabudaan; si taasi u hirgashana wuxuu soo diray rusul dadka ugu baaqda cibaadada Alle, wuxuuna u soo dajiyay kutub ay ku caddahay in la ina ka doonayo inaynu Alle kaliya caabudno, sida aynu u caabudayno iyo waxyaabaha lagu caabudayo. Rusushaas waxaa ugu dambeeyay Rasuulkeena Muxammad ah (scw) oo loo soo diray in uu uunka oo dhan gaarsiiyo diinta isaga iyo ummaddiisu. Mar haddii nabigii geeriyoodayna xilkii wuxuu si gaar ah u saaran yahay inta markaas nool oo ummaddiisa ah.

Tan kale in dadka diinta Alle loogu yeero waa shaqadii nabiyaasha, waxaana ku jira ajar weyn. Waxaa kaloo muhiim ah in qofka muslimka ahi ka qeyb qaato wax u qabadka diinta iyo ehelkeeda, isla marakaana uu kordhiyo tirada iyo tayada muslimiinta. Waxaan meesha ka marnayn in qofkii dacwada ka qeyb qaata uu ka badbaadayo (Ilaahay idanki) in isaga la duufsado oo uu baadiyoobo; maxaa yeelay nin daaci ah cidi diin baadil ah ugu yeeri mayso, umana sahlana inuu xumaan galo illeyn isagaaba ka digayee. Waxaa xusid mudan in innaga (Soomaali) si gaar ah xil inoo saran yahay; sababtoo ah waxaa dhulalka gaalada inoo ka lumay (baadiyoobay) dad badan oo ay tahay inaynu badalkoodii meesha ka helno. Tan kale marka dadku iyagu dacwo wadaan oo dad kale soo kaxaysanayaan hanweyni ayaa galaysa oo lumitaanku wuu yaran.

Haddaba waxaan soo jeedinayaa in culimada iyo ducaaddu u qabtaan dhallinyarada wiilal iyo gabdhaba koorsooyin aqoon kororsi ah oo lagu baranayo siyaabaha loo soo islaamiyo gaalada ama loo soo hanuuniyo muslim qalloocan, maraakista islaamiga ah eek u yaal dalalka gaalada laftooda xil weyn baa arrintaas ka saaran. Waxay si gaar ah ugu baahan yihiin dadka wax soo islaminaya fahamka diintooda islaamka illeyn labo qaawani isma qaaddee, ka dibna inay fikrad guud ka qaataan diinaha ay dadkooda musliminayaan gaar ahaan Kirishtaanka oo ah dadka ugu badan ee loolanka diimeed ina ka dhexeeyo. Waxaa iyana muhiim ah in si buuxda loo barto luqadaha dadka loo yeerayo,  dhaqankoodana wax laga fahmo. Habka loo doodo ama dadka loo qanciyo laftiisu waa fan u baahan in aqoon loo leeyahay. Intaa ka horna usuusha dacwada, hababkeeda, wadiiqooyinkeeda iyo turaanturrooyinkeeda waa in la darso.

Waxaan kaloo soo jeedinayaa in la unko hay’ado qaabilsan soo islaaminta gaalada iyo waxbaristooda, iyo waliba in loo sameeyo website-yo arrintaa u qaabilsan, ayna ducaadda iyo dadka maalqabeenka ahna kaga qeybqaataan aqoontooda, khibraddooda iyo maalkooda. Waxaa si gaar ah hawshaas wax uga tari kara ardayda iyo macallimiinta oo iyagu si joogto ah ula dhaqma dad gaar ah oo ay isku shaqo yihiin ama wax wada bartaan. Kama marna meesha in dadka iyana xiriirka joogtada ah la leh bulshada ay xilkaasoo kale qaadaan, sida: kuwa ku shaqaysta Taxi-yada oo si joogto ah u qaada dad kala duwan oo laga yaabo in qaarkood saacado la socdaan.

Waxaa hawsha fududayn kara in loo helo dadkaas kutub ku qoran afka ay ku hadlaan, cajalado diini ah oo afkooda kaga hadlaya islaamka iyo waxa ka soo horjeeda. Waxaan ku talinayaa in aan marna la fududaysan qofka muslimka ah ee lagu aamino wixii Alle ka dalbay oo waajibaad ah, sida dacwada. Waana la ogaado in Rasuulkeenu (scw) yiri: iga gaarsiiya (dadka) aayadba Allaha ka dhigee. Tan kale dadka diinta loogu eerayo ma wada aha aqoonyahan codkar ah ee waxay u badan yihin dad diimaha iska sheegta oo aan waxba ka aqoon, waxaase meesha ku jirta in aysan dhallinyaradu la doodin culimada gaalada iyagoon aqoon badan lahayn. Waxaan kaloo ku talinayaa in aan iyana la xaqirin dadka la islaaminayo; maxaa yeelay qof kasta wuu u baahan yahay hanuunka Alle, xaqna wuu inoo ku leeyahay inaynu wadada saxan tusno. Tan kale Ilaahay baa yaqaan kan diinta anfacaya oo Alle khayrka la doonay. Rasuulkenu (scw) wuxuu u yimid wiil yaroo Yahuud ahoo sakaraad ah, wuxuuna u bandhigay diinta, markuu islaamayna wuxuu yiri: waxaa mahad leh Allihii sababatayda naarta kaga badbaadiyay.

Waxaa xusid mudan in laga faa’iidaysto kutubta iyo cajaladaha culimada arrintaan aqoonta dheer u lahayd ee juhdiga badan galisay, sida : Sh. Axmed Diidaat oo ku caanbaxay kashifida khaladaadka kirishtaanka iyo la doodista culimadooda. Eeg boggaan iyo kuwo kale oo la mid ah:     http://www.aswatalislam.net/DisplayFilesP.aspx?TitleID=50016 . Maraakista islaamiga ah, masaajidda, maktabadaha iyo goobaha waxbarasho ee muslimiintu ku leeyihiin dalalka gaalada xil gaar ah ayaa saran, waxaana loo baahan yahay inay qeybo u xilsaaran soo islaaminta dadka sameeyaan, ayna keenaan maktabadohooda kutub iyo cajalado dacwada gaalada anfacaya.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa in maraakista islaamigu u qabtaan ducaadda hawshaan ku jirta tartan xaafadeed ama magaalooyin oo lagu tartmayo hababka dacwada iyo qolo walba tirade ay soo islaamisay iyo say wax bareen. Waxaa kaloo habboon in wiilasha iyo gabdhuhu ku tartamaan say u kala dacwo fiicnaadaan. Waliba waa in culimada, ducaadda, macallimiinta, waalidiinta, qaraabada, dariska iyo saaxibaduba isku boorriyaan dacwada, ubadkoodana ku dhiirrigaliyaan.

Axmed C/samad /  alwaqaar@hotmail.com

Waa kan kitaabkii Nuurka islaamka oo dhawaanna aad heli doontaan isaga oo daabacan, haddii Alle idmo:

نور الإسلام

حوار بين عمر وجورج

                                                         تأليف                                                                      

د. علي بن سعد العصيمي

الأستاذ المساعد بقسم القضاء بجامعة امّ القرى, و مدير مركز الدعوة والإرشاد بالطائف سابقا

ترجمه إلى الصومالية

عبدالرحمن يوسف آدم

  بمراجعة عبد القادر أخي

NUURKA ISLAAMKA

Waa dood dhex mari :

Cumar iyo Joorji

Waxaa allifay

D. Cali binu Sacad Al-Cusaymi

Waxaa af Soomaali u  tarjumay

Sh. C/raxmaan Yuusuf Aadam

Waxaa dib u saxay C/Qaadir Akhii

بسم الله الرحمن الرحيم

Mahad dhamaanteed Allaah subxaanahu watacaalaa ayey usugnaatay, Nabi muxamedna nabadgalyo iyo naxariis aan buugan yar lagu soo koobi karin dushiisa Allaah haka yeelo, saxaabadii nabiga iyo eheladiisiina Allaah ha ka raali ahaado, aniga iyo sheekha kitaabka turjumay iyo kii qoray iyo inta towxiidka qabsatayba jidkii suubanaha Allaah ha nagu sugo, inta jidkiisa ka leexatayna Allaah ha soo hanuuniyo.

Intaa kadib sheekheena sheekh C/raxmaan (Allaah ha xifdiyee) wuxuu ku guuleystay inuu turjumo doodii dhexmartay Cumar iyo Joorji, taasoo sabab unoqotay in Allaah kusoo hanuuniyo joorji islaamka xaqa ah,  kadib markuu cumar adeegsaday cilmi iyo caqli.  Dood cilmiyeedku waa asluub qadiim ah oo dad badan Ilaahay kusoo hanuuniyey, qaar kalena ka madax adeygeen, waana wado ufuran axad kasta oo doonaya inuu islaamka u adeego, gaar ahaan aqoonyahaynka jecel in islaamku faafo .

Buugani waa mid kamida  himilooyinkii uu sheekh C/Raxmaan ku taahaayey mar aan kula kulmay Xajka, mar kalena Xaramka sharafta leh ,waana siduu ubilaabay Inshaa-Allaah ta’liifka iyo tarjamada kutubta dhaxalgalka ah ee umaddeenu ubaahan tahay, mana ahan markii ugu horeysay oo uu sheekh cabdi raxmaan kutub dhaxalgal ah inoo soo bandhigo, waxaana ka lee yahay jasaahullaahu kheyran wa nafacahu bil muslimiin..

C/Qaadir Sh.Maxed Akhii.

Akhii_1968@ hotmail.com

  بسم الله الرحمن الرحيم

مقدمة المترجم :

الحمد لله والصلاة والسلام على نبينا محمد وعلى آله وصحبه وسلم تسليما كثيرا أمابعد :

فإن هذا الكتاب صغير حجمه , خفيف وزنه , بيد أنه كبير ثقيل محتوىً ومرمىً , فقد بيّن بالأدلّة المقنعة مبادئ الإسلام , ومحاسنه , ومميزاته . فهو دين العقيدة الصافية , والأعمال الصالحة , والأخلاق السامية , وهو دين الرب الواحد , والإله الواحد, والأمة الواحدة , دين جميع الأجناس والأزمان والأماكن , دين الفرد والجماعة , الدين الخاتم , فلا دين بعده, ولا نبي بعد نبيه , ولا كتاب بعد كتابه , دين العقل والعلم, دين الحجة والدليل , دين الروح والجسد , دين العزّة والسعادة , دين الدنيا والآخرة , دين لا يقبل الله من أحد سواه , ولا يصلح أمر العالم إلاّ به , ولا نجاة من النار إلا به , ولا فوز برضا الله إلا عن طريقه , ولا يزيغ عن هداه إلا شقيّ هالك , مآله التهاوي في أعماق الهاوية ….  وقد صبّ المؤلف – جزاه الله خيرا – حول هذا المعنى في أسلوب حواريّ نقيّ  وقور مقنع , أجراه بين مسلم فقيه في دينه , راغب في نشره , متصف بالحكمة والوداعة في عرضه , هو (عمر ), ونصرانيّ ظمآن إلى الدين الحق , باحث عنه, راغب عن دينه , اقتنع في النهاية بأن الإسلام هو الدين الحق الذي كان يبحث عنه , فهدى الله إليه , فنطق بكلمة الحق :  { اشهد ان لا إله إلا الله وأشهد أن محمدا رسول الله } , فأنقذه الله من النار بفضل كلمة التوحيد,  فأصبح عضوا في الجماعة الإسلامية –  وهو (جورج ).

ومع أن الناطقين باللغة الصومالية مسلمون, فإن كل مسلم يحتاج إلى هذه المعلومات القيّمة الواردة في الكتاب , وإلى مثل هذا الأسلوب الهادئ المتواضع النيّر , الذي يفتقر إليه الكثير من العلماء الدعاة إلى الإسلام. وهذا هو الأمر الذي دفعنا إلى القيام بهذا العمل .

عبدالرحمن يوسف آدم

Hordhaca tarjamaha

Mahad iyo ammaan dhamaantood Allaa iska leh, naxariis iyo nabadgelyana Nabigeena korkiisa ha ahaadeen , iyo Ehelkiisii , iyo Asxaabtiisii, nabadgelyo badanna ha nabad geliyo .

Intaa ka dib :

(Kitaabkan xajmigiisu wuu yar yahay , misaankiisuna wuu fudud yahay , laakin waxaa wayn oo culus macnihiisa iyo ujeedadiisa , sidaa awgeed buu kuugu caddayn daliilo wax qanciya islaamka mabaadi’diisa , wanaagiisa iyo wax yaalaha uu la soocan yahay , oo waa diinka caqiidada saafiga ah , acmaasha saalixa ah , iyo akhlaaqda sarraysa , waa diin Rabbigii mid yahay , Ilaahii mid yahay, ummadiisuna mid tahay, dhammaan ajnaasta, azmaanta, iyo amaakinta diinkooda weeye , waa diinka fardiga iyo jamaacada , waa diinka diimaha khatimay oo ayna diini ka danbaynin, Nabigiisuna Nabiyada khatimay , kitaabkiisuna kutubta khatimay , waa diinka caqliga iyo cilmiga , waa diinka xujada iyo daliilka , waa diinka ruuxda iyo jasadka , waa diinka cizziga iyo liibaanta , waa diinka adduunyada iyo aakhirada , waa diin uuna Alle cidna ka aqbalayn waxaan isaga ahayn, arrinka caalamkuna uuna ku hagaagaynin waxaan isaga ahayn , waxaan isaga ahaynna aan naar lagaga bad-baadaynin , raali ahaanshaha Rabbina aan lagu helaynin waxaan jidkiisan ahayn, hanuunkiisana uuna ka leexanaynin waxaan ahayn shiqi halaaksami, oo aayihiisu yahay inuu ku qalwado haawiyo gunteeda .

Dhab ahaan , mu’allifku– Alle khayr ha siiyee– macnahan wuxuu ku shubay usluub doodeed nadiif ah , oo deggen oo wax qanciya , oo ka dhax samaysmay nin muslim ah oo diintiisa fahamsan faafinteeda raba, kuna tilmaaman xikmad iyo dabacsanaan, uu wax ku soo bandhigo waa (CUMAR) iyo  nin Nasraani ah (Kirishtaan) oo diinka xaqa ah u ooman, daydaygiisana ku jira, diinkiisiina ka biyo diiday, oo ugu dambayntii  ku qancay inuu islaamku yahay diinkii xaqa ahaa oo uu deydeyayey, Allana ku hanuunshay, kuna dhawaaqay odhaahdii xaqa : (Ash-hadu allaa-ilaaha illallaahu , wa ash-hadu anna Muxammdan rasuulullaah ), sidaa darteed ayuu Alle kelimadan tawxiidka awgeed kaga bad-baadiyey naarta, ahaadayna xubin ka mid ah jamaacada islaamka, waa (JOORJI).

Haddaba , inkasta oo dadka afsoomaaliga ku hadlaa ay muslimiin yihiin , hadanase muslim waliba wuu u baahan yahay aqoontan qaaliga ah ee ku soo aroortay kitaabkan iyo usluubkan dabacsan ee mutawaadica ah, ee iftiimaya oo ay culima badan oo diinta faafisaa  baahi badan u qabaan , arrinkaasaa nagu riixay inaan howshan uqunno .

C/raxmaan Yuusuf Aadam

Hordhaca Mu’alifka:                    مقدمة المؤلف:      

Ammaan iyo mahadiba Allaha caalamiinta Rabbigooda ah bay u suganyihiin, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkiisa, amiinka ah kor- kiisa ha ahaadeen.

Intaa ka dib , Aqriyaha sharafta lahow , aad ugu kalsoonow inaan adduun iyo aakhiraba kula jeclahay khayrka iyo liibaanta oo ka mid ah naxariista iyo isu qalbi nuglaanta , islaamku ku booriyay atbaacdiisana[1] uu faray inay dhaqan geliyaan .

Siday dadka qaarkood ismoodsiin, Islaamku ma aha iska suuraysi khaldan , iyo xukunno dugaagnimo ah ,iyo wax yaabo kale ,oo Islaamka la iskaga tuhmaysto .

waxaanse ogahay inayna waxaas oo kale ka iman meel madhan, oo in badani afkaartaa sumaysan ee Islaamka ka soo horjeedda ay u qaateen inay Islaamka suuradiisa dadka hortiisa ku fool xumeeyaan , si looga cararo .

Haddaadse, midkood ku tidhaahdo : war macluumaadkan miyaad ka heshay ruux islaamka aqoon fiican u leh , si wacanna uugu dhaqma , jawaabtiisu (MAYA) ma gudubteen. Waxaa hubaala in caaqil waliba takhasuska tixgeliyo , oo kii wadnaha laga hayaa uuna u tegaynin dakhtarka indhaha.

Sidaas oo kale miyayna toosnayn in Islaamkana laga xogsado kuwa xogtiisa haya , kol hadduu yahay diinta Xaqa , Caddaaladda iyo Hiddaayadda , una yimid inuu dadka ka saaro gudcurrada[2],  baadiyowga, makhluuq caabudka , dulliga iyo dar xumada , una saaro Nuurka Hiddaayadda , Rabbi qudha caabudka , Caddaaladda iyo Liibaanta .

Sidaa darteed baan kuugu soo hadiyayn kitaabkan yar, anoo ku tiirsan usluubka dood wadaag {waydiin iyo war celin}, si aad Islaamka u barato , aniga oo Alle baryi inuu Xaqa innagu hagaajiyo.                                                         a

Dr. Cali binu Sacad al-Cusaymi

Waxaa ku xigi doonta qeybtii koowaad ee kitaabka in shaa’ Allaah.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Saado Cali Warsame oo toogasho lagu diley Xamar
Maraakiib Soomaaliya ay lahayd oo loo qaatay qaan lagu yeeshey
25 dayuuradood oo qaad geeya Soomaaliya, lacagna kasoo daabula
Soomaalida Maraykan oo qabatay nin caruuro duufsanayay
Madaxweynaha “biyaha dalkeenna waxay ka badan yihiin baaxada dhulka Soomaaliyeed“