
KN:Magaalada Dhoobleey waxay gacanta Xarakada Alshabaab ka baxday 3 April, 2011 halkaas oo duqaymo culus iyo dagaal lagu hoobtay kadib ay la wareegeen xoogagga is bahaysiga ee DKMG iyo Xarakada Kaambooni.
Xilligii Alshabaab magaaladu waxay lahayd maamul aan cidina kaga daba dhufan, waxaana jiray kala danbayn dhinaca ciidanka magaalada ka taliya iyo waliba dhinaca bulshada ku dhaqan oo uusan jirin qof il qaloocan ku eegi kara mid kali, hadii ay taasi dhacdana uu qof kasta mudan jiray waxa uu markaasi maamulku u garto ciqaab ahaan anagoon u eegayn sax iyo khalad midkodna waxa ay ahaan jireen xukumadaasi.
Waxaa intaasi dheeraa, shacabku haba ka eed sheegto gacan qalayfka dhinaca maamulka Alshabaab ee halkaasi ka talinayay balse ma jirin wax anshax iyo dhaqan xumi ah oo ka dhici jiray magaalada, salaadahana dadku waxay ku qasbanaayeen inay masaajidda ku soo tukadaan. Xaataa ka hor Alshabaab waxaa la oran karaa magaaladu dhawr iyo tobankii sano ee ugu danbaysay ee wadaadadu ka talinaeen magacay dooniba ha wataane waxay soo martay habdhaqan Islaamnimo oo mudo dheer waxay ka caaganayd macsida iyo anshax xumida.
Arini halka ay dhacdo waxa weeye Alshabaab maxaa ka danbeeyay? Shacabka magaaladu ma u darsadeen mise way ka raysteen? Jawaabaha su`aalahaas waxay ku xirnaan hadba xoqodaha uu ku eego qofka ka fayow wax kasta oo ka fogayn kara cadaalad darida iyo dhinac u xaglin ay weheliyaan caadifad aan fiiro iyo dhug dheer toona lahayn.
Hadda magaaladu waxay gacantooda ku jirtaa isbahaysiga ciidamada DKMG iyo kuwa Xarakada Kaambooni, runtiina qiimo yar uguma kicin shacabka magaalada waayo magaalada waxaa ku burburay dhismeyaal aad u badan oo ay kamid yihiin 2 masaajid ee ugu waynaa iyo Isbitaalkii balaarnaa ee Qurbe joogtu dhistay.
Hadaba barakicii iyo hoy la`aantii la soo daristay boqolaalka qoys oo kamid ahaa shacabka magaalada waxaa uga darnaaday oo dhakafaar iyo dhabanahays ku noqday waxyaalo badan ooy dhaayahooda ku arkayaan kuwaasi ooy ugu danbaysay xiliyadii qabqablayaasha iyo qabiilo isu cunkii uu mar soo maray dalku.
Magaalada wax maamul ahi kama jiro, bushushka iyo mukhaayadaha ku yaala magaalada waxaa dhagaha ku qarxin raadiyeyaal samada ka qayl yaaya oo liilaloowdu ay ka baxayso, waxaana huluul kasta ka soo jeeda askari tuute ku jufan oo taqsiintu tontoomo le`eg tahay, barkinna jiqilaysan.
Waxaan soo xusuustay xilligii jabhadihii S-S-ta ay joogeen deegaanka iyo ciidamadii Al-itixaad ee magaalada dul daganaa, kaliyana soo dhaadhici jiray marka ay adeeg ka doonayaan magaalada, ayagoo arka dhaqan xumida iyo dulmiga magaalada yaalana indhaha ka daboolan jiray.
In kastoo asluub, anshax ciidan iyo kala danbayn ay leeyihiin ciidamada Xarakada Kaambooni, hadana dhaliisha ugu badan ee shacabka magaaladu kuu sheegayaan marka aad waraysato waa in sidii Al-itixaad inay dhinac magaalada ka dageen ayagoo sheedda ka eegaya ciidama DKMG oo magaaladii u rogay magaalo fasahaad iyo mid fowda ah oo uusan ka jirin wax hanaan maamul iyo mid kala danbayn toona.
Ma jiro wax hogaan rasmi ah oo ciidamada DKMG leeyihiin, hadii uu jirana waa mid magac u yaal ah oon lahayn tixgalin iyo ixtiraam. Kasokow dhaqan xumida, waxaa jira is garab yaac badan oo budo cayriin ku sii daraya xaaladda cakirin kaasi oo u dhexeeya saraakiisha iyo ciidamada DKMG. Ciidamadu ma ogola inay furinta aadaan ama ay jiidda hore joogaan sidii lagu aqoon jiray ciidan, hadii horjooge yaashoodu ku amraanna waxay furaan rasaas iyo tacshiir ay ku argagax galinayaan shacabka.
Marka aad waydiiso sababta Kaambooniyiintu ugu daawanayaan shacabka is dhexyaaca oo ay ugu yaraan maamul laba geesood ah magaalada ugu dhisi la`yihiin si ciidamada loo xakameeyo oo magaalada looga saaro, kii markaasi dani ka soo gashana uu asagoo qori la`aan ah u yimaado, waxay kuu sheegi inay ka baqayaan inay isku dhacaan sidaasina ay uga indho qarsanayaan wax yaalo badan ooy arkaan.
Shacabka magaalada ayaa dhinacooda ayna u cuntamin waxa ay arkayaan ee markhaatiga ay ka yihiin, waxayna si saraaxad leh kuugu sheegayaan in sidan ay hadda tahay ay magaaladu u darsatay Alshabaab. Waxaa intaasi u dheer inay wali fiigsanyihiin oo dhagahoodu taaganyihiin, mar kastana ay filanayaan dagaal dushooda ka qarxa maadaama ciidamadii DKMG ay duleedka magaalada iyo bushashka mukhaayadaha shaaha laga cabo dhaafi waayeen, dhinaca Kaambooniyiintuna ay sidoo kale dib u soo gurteen halka Alshabaabna ay soo mindiyo lisanayso.
Dhanka ganacsiga , magaaladu waxay ahayd xiligii Alshabaab ka talinayeen mid xiimaysa. Socdaalka gaadiidka isaga goosha NFD iyo Soomaaliya wuxuu ahaa mid joogta ah. Waxaad ka qiyaas qaadan kartaa fursadaha dhaqaale iyo kuwa ganacsi ee shacabka magaaladu haysteen in jawaanka sonkorta ee ka yimaada furdadda Kismaayo uu magaalada Garissa kaga jabnaa midka ka yimaadda Mombasa.
Iminka, maadaama Alshabaab gacantooda ay magaaladu ka baxday waxay ku soo rogeen go`doomin ay ugu yeereen cunaqabatayn. Waxay xayireen dadkii iyo gaadiidkii soo gali jiray ama uga bixi jiray Dhoobleey dhinaca dalka gudihiisa, waxayna noqotay in Jawaankii sonkorta ahaa ee Mombasa oo awalba Garissa qaali ku imaanayay uu dool ku yimaado Dhoobleey. Bal adba suuree qiimo intee le`eg buu ku iman? Ka waran ayada, macaamiisha kaliya ee ganacsatada Dhoobleey u furan waa askarta ay dhabanada iyo dhafoorada la haystaan dhaqan xumidooda.
Xusuuso askartani waa tii 2 sanno ka badan lasoo tabobarayay, sow isweeydiin ma lahan waxa lasoo barayay waxa ay ahaayeen, miyaanan anshaxa iyo kala amarqaadashada lasoo barin? Mise waa “dhurwaa ma carbismo”?
Hadaba marka aan eegno, burburka iyo hanti beelka ku dhacay shacabka magaalada, ashax xumida, kala danbayn la’aanta ciidamada DKMG iyo maamul la’aanta magaalada iyo waliba cabsida dagaal ee shacabka magaaladu ka qabaan inay mar kale qaxaan oo ay u dheertahay magaalada ganacsi ahaan u dantay waxaan oran karnaa Dhoobleey waxay u darsatay AlShabaab.
Barnaamijka Warlugeed waa barnaamij aan ku taxliilino ama ku qaadaa dhigno arimo badan oo ku khuseeya kuwaasi oodan ka helayn ama ayna kuu sheegayn idaacadaha BBC iyo VOA, sidaa darteed wixii talo, toosin iyo tusaale ah waxaad noogu soo hagaajisaa webmaster@kismaayonews.com