FIIDSOOH: Kawda (koowda) Luuliyo

Published: August 14, 2011

Kn: Magaalada Kismaayo ninkii calankaasi lula gacantiisa ayuu iska hilmaamayaa in ay ku taalo (Kaw) magaalada Nairobi Prof. Cabdiraxmaan Ibbi xaq uma yeelan in uu safaaradda Soomaaliya gudaheeda hadal ka jeediyo”Bax”, Garoowe koowda Luuliya saxaafadda Puntland iyo VOA waxa ay u ahayd maalin ay fariimo kulkulul ka heleen Faroole (Yam) , meelo kale oo aduunka ka tirsanna Soomaalidii Koowda Luuliya u dabaaldegtey waxa ay hilmaameen sida Afsoomaali loogu qoro sanad guuradan 51-aad (Kah) .

Magaalada London mucjisada taleefishinka ee tabinta tooska ah, ninka ah rabitaanka shacabka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa malaayiin Soomaali ah hawada kala hadlay isagoo u sheegey weedh  aanan xitaa Afsoomaaliga ku jirin, taasoo ah “waan tanaasuley”, wuxuu yiri “Haddii Maxamed Siyaad Barre uu u tanaasuli lahaa SNM, Hargeysa lama duqeeyeen, haddii Cali  u tanaasuli lahaa Caydiid,  Xamar ma burburteen”.

Xuska koowda luuliyo meelo badan oo aduunka ka mid ah ayaa laga xusey, waxayna u muuqatay in dadka ay u hayeen xiiso iyo rajo ka fiican intii uu dalka burbursanaa, siyaasiyiinta qaarkood waxa ay u ahayd maalintani masrax ay siyaasadooda kusoo bandhigtaan.

Xili lagu jiro casrigii Farmaajo, siyaasiyiin badan ayuu nuxurkii ka guurey, hadalkooda iyo magacoodana laga xiiso dhacay, tusaale fiican waxa ah xaflad ka dhacday safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, sida uu kusoo waramay suxufi Ismaaciil Shakeeti waxaa makarafoonka qabsaday Prof. Cabdiraxmaan Ibbi wuxuu damcay in uu hadlo kolkaasaa lagu hooriyey (lagu buuqey), si uu dadka u dajiyo ayuu qaaday heeska qaranka (Soomaaliyeed Toosoo), markii heestii dhamaatay ayuu haddane damcay in uu hadlo misane sidii oo kale ayaa dhacday, heestii ayuu ku celiyey, waa lala qaaday, marka afar jeer uu marayo ayuu makarafoonka ka dhaqaaqay, dadka waxa ay ku qeeylinayeen “Dooni meeyno doolar qaate, dooni meeyno nin dalkiisa iibsaday”.

Ibbi waxa uu ahaa ra’isulwasaare ku xigeen iyo wasiir, waxaana loo tiriyaa in uu lunsaday hanti qaran, qeybna ka ahaa heshiiskii badda lagu iibsaday.

Xornimadda uu dalka gaaray xuquuqaha dadka ka maqnaa ee lagu heley waxaa ka mid ah xuquuqda hadalka iyo afkaaraha xorta ah, laakiin xuska koowda Luuliyo ee Garoowe lagu qabtay madaxweynaha Puntland waxa uu khudbadiisa u isticmaalay in uu ku weeraro saxaafadda, waxa uu si gaar ah u abaaray idaacada VOA oo uu ku tilmaamay mid dadka ka shaqeeya uu buuxiyey nacayb qabiil, waxa uu sheegey in wariyeyaal Puntland ku sugan ay goosteen in ay been ka faafiyaan maamulka “saxaafadda madaxa banaan waa mid ku hanoqaaday maamulkeyga hoostiisa, 9 idaacadood oo madaxbanaan ayaa ka jira Puntland, halka Somaliland ay ka jirto hal idaacad oo afka maamulka ku hadasha, halka Alshabaabna ay la wareegeen dhamaan idaacadihii

Faroole waxa uu u qiil samaynayay xariga wariye Feysan Boston oo Hiiraan Online u shaqeeya, dabcan waxa uu sidoo kale wadada usii xaaranayay in la dhibaateeyo saxaafadda inteeda kale.

Sidii aan soo sheegney aduunka meelo badan oo ay Soomaalida ku nooshahay ayaa laga xusey koowda luuliyo, iyadoo illaa maanta saxaafadda ay soo daabacayso sawirada xaflado caasimadaha aduunka lagu kala qabatay, laakiin marka aad qaarkood usii fiirsato waxaad arkaysaa astaantii Soomaalinimada in ay ka hartay oo kaliya calanka baluuga ah, sida uu kusoo waramay wariye Saxansoxo, magaalada Johannesburg waxaa laga qeeybiyey funaanado lagu xardhay calanka Soomaaliya, laguna qorey 51st Anniversary of Somali Independent Day ,  waxay u egtahay in dadku hilmaameen sida loo qoro Afsoomaaliga.

Waxaa dhici doonta maalin xitaa la hilmaamo maalinta ay sanadka ka tahay maalintii ay Soomaaliya xoriyada qaadatay, ama sida Kismaayo iyo Hargeysa oo kale dadka gacmaha looga jaro (Kismaayo) ama lagu xiro (Hargaysa) maalintani, calankani iyo afkani dartood, sababtoo ah dadka waxa ay samaysanayaan calamo kale, afaf kale iyo maalmo kale oo ay xusaan.

Waxaa tusaale fiican ah sawirka hoose, calanka Soomaaliya waxaa ka barbar babanaya mid ay Puntland samaysatay.

Haddii nin kasta sida Farmaajo oo kale calankani iyo qarankani dartiis u tanaasuli lahaa, waxaa la arki lahaa Soomaaliya oo cagaheeda dib isugu taagta.

FIIDSOOH


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Madaxweynaha “Midnimada Soomaaliya waa lama taabtaan” “”
Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo gacan siinaya Jubbaland
Ximan iyo Xeeb oo sheegtey in aysan waafaqsanayn Jubbaland
Waftigii IGAD oo ku qancay Jubbaland
Prof. Gaandi oo waafaqay doorashadii Sheekh Axmed Madoobe