Jubbaland waa dhibanaha aanan dhalan

Published: October 4, 2011

Kn: Haddii aad iigu iman lahayd xafiiskeyga tifaftirka wargeyska IndheerGarad maalin aan fogeyn magaalada Johannesburg waxaad ii iman lahayd aniga oo qosol fuurey, ma garanaysaa waxa aan ku qoslayo iyo sababta aan ugu qoslayay?, waxaan ku qoslayay qormo aan qorey bilo ka hor oo aan ciwaan uga dhigey ku: Cidda ay juseyso Jubbaland.

Sababta aan ku qoslayo waa xaqiiqda aan ogaaday ee ah in aysan jirin cid ay quseyso Jubbaland, balse kaliya ay jiraan cid danaysa Jubbaland si ay dantooda ugu gaaraan. Marka waxaan is tusiyey malaha waxaaba haboonaan lahayd in aad dhahdo Ku: inta danaysa Jubbaland, kadibna aan uga warami lahaa sidii ay danahooda ku gaari lahaayeen, waxaaba iska suurogal noqon lahayd in ay xoogaa u hambeeyaan dadka yar ee aan ka mid ahayd ee ay Jubbaland quseyso.
Hadda waxaan leeyahay Jubbaland waa dhibanaha aan dhalan, ma ahan in aan calaacalayo sababtoo ah dadka ay qormadani ku socoto waan ka dharagsanahay halka ay beerlaxawsiga ka taaganyihiin, waanan ogahay kuwa badan oo luuqada qalaad lagu yiraahdo {Masters of deciet } ama ammiirada dhagarta in aysan weyn doonin afminshaarnimo ay dadka huhaa uga dhaadhiciyaan, runtana ku baalmariyaan.

Haddii dhab ahaantii aad tahay qof dhibaatada Jubbaland ay damqeyso kaama filayo in qormadani aad u adeegsato hub aad isaga dhiciso cadawgaaga fadhi-ku-diriryada, ee waxaan kaa rajaynayaa in fahamka aad qormadani ka qaadato uu qeyb ka noqdo go’aan qaadashadaada iyo ambaqaadka samewadenimada.
Dhulka Soomaaliyeed gumeysi waa uu soo wada maray laakiin Jubbaland waxa ay dheereyd in sanadkii 1925tii uu noqdey dhulkani kii ugu horeeyey, malahana kaliya ah illaa maanta ee hadiyad saaxiibtinimo loo bixiyey. Ingiriiska oo xiligaasi ka talinayay ayaa Talyaaniga hadiyad ahaan ku siiyey isagoo ka abaalmarinaya in Talyaaniga uu ku biirey xulafadii dagaalkii koowaad ee aduunka, wixii ka dambeeyey wixii dhacay waxay ahaayeen wax aan lasoo koobi karin, anigase waxaan doonayaa in aan inta dambe ka qabto kadibna kusoo gunaanado dulucda doodeyda.

Hadda ka hor waxaan bogani iyo meelo kalaba ku faafiyey in qoyskeena oo qax ah aan soo barbaaray illaa maantana dhulkaasi aysan jirin nabad iyo dowlad salka dhigatay, aysanna muuqan saansaanteeda, waxa kaaga sii daran ma garanaysaa?, dhawaan waxaa ii dhashay wiil, magaciisa rasmiga ah waa Cabdullaahi, laakiin waxaan ku naaneesey Bashaash, waxaan sidani u yeelay rajada aan ka qabo in haddii aniga aan calfan waayo gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya oo dowlad iyo nabad ka dhalatay in wiilkeyga ay calafkiisa noqoto, si markaasi uu u noqdo nin faraxsan. Idinkaan idin weeydiinaa suurogal ma tahay taas?.
Mid ka mid ah waxyaabaha rajada igu beera waxaa ka mid ah xusuus aan ka heysto safar lug ah oo sanadii 2005tii aan ku maray gobolka qeybo ka mid ah, 180km ayaan Jillib usoo lugeynay, inta u dhaxaysa buundada Hawai iyo meel 18km u jirta Jillib oo baldoos biyo ah uu ka qodanyahay waxaan kusoo maray reero xoolalay ah oo aniga iyo illaahay iyo ninkii caqli leh uun ay garan karaan kaalinta ay kaga jiraan dhaqaalaha iyo isku filnaanshaha dadka gobolka, intii u dhaxaysay tuulo lagu magacaabo Buulo Balleey oo 18km u jirta Jillib iyo magaalada Jillib waxaan soo maray boqolaal qoyska oo qodato ah, illaahbaan kuugu dhaartay cid aan Illaahay ahayn oo ay garanayaan aysan jirin tabaca ay ku jiraan iyo sida ay noloshooda u maareeyeen.

Dadku waa mid beerta, mid kaluun dabanaya oo wabiga ku foorara iyo mid geedaha laacaya, waxaan ka dul dhacnay reero aan ku qiyaasey boqol qoys oo dhamaantood wada karsanaya dallag iyo kalluun. Waayo waxaa la joogey xiligii qadada, sheekada, qosolka iyo haasaawaha ka dhacayana aadan malayn kartid.

Markii aan soo dhaafnay tuulada Baladu Kariim meel yar oo wabiga laga gooyo Jillib agteeda waxaa biyada qori la dhinac taagan mid iimaanka illaahay ka qaaday oo dadka beeralayda ah ee wabiga ka talaabaya lacag uga qaadaya meesha, sidii iyagoo ah doomo ama maraakiib xamuul ku raranyahay oo uu isbaaro u dhigtey. Waxaa la’ii sheegey in bilo ka hor ninkaasi Jillib lagu soo dhaweeyey.

Waxaan ogaaday in gobolka oo kaliya uusan ahayn mid qeeyraadkiisa badanyahay, ee sidoo kale waxaan ogaaday in dadka gobolkana ay yihiin kuwa wax soo saar leh, kuwan gobolada kale uga yimid ee isbaarooyinka taaganna ay yihiin kuwii dowladihii dalka soo maray ay u sadburin jireen oo waxsoosaarka gobolka lagu manaafacaadin jirey balse markii dowladdii dhacday sadkaasi uu ka go’ay kadibna lugahooda kusoo doontey in ay xoog ku qaataan.

Hamiga hormar iyo wax soo saarka dadka gobolka waxaa tusaale iigu filan miraha hees ay qaadeen kooxdii fanka ee degmada Afmadoow oo uu horkacayay Gooye Ismaaciil Afloow dabayaaqadii lixdameeyadii mar uu wafti degmada booqdey. Waxay yiraahdeen; Ma ogtihiin Jabbiba, jid looma yeeline, {Jabbi waa deegaan ka mid Jubbada Dhexe}, ugaadhii ma joogtee oonbaa jaraayee, jabinaye aslaaxyadi, jaalayaasha yimidoow, noo jeexa wabigee.

Illaah baan idiinku dhaarshee halkeey joogtey Soomaalida lixdameeyadii nooleyd ee ku fakaraysay in sidii Masar wabiga Niil inta biyo xireeno uga samaystaan wabiga Jubba beero iyo tacab beero waaweyn uga yeesheen, waase maxay fakarka ka wanaagsan ee hormar dal lagu gaarsiin karo ee xiligaasi jirey ama nus qarni kadib aduunka kusoo kordhey.

Qoraalka ayaa ila dheeraanaya haddii aan soo dhufto tusaalayaal badan oo ku saabsan gacanbidixeyntii gobolka uu soo maray iyo sidii loo hanjabiyey umadaasi hankeeda gaarsiisanaa in jidad, biyo xireeno, iyo warshado ay samaystaan, laakiin waxaan soo dhufanayaa tusaalooyin ay dadka fahmi ogyihiin.
Gobolka waxaa ka jirey xaalad deg ah ama Emegency Law waxa loo yaqaano oo laakiin aan rasmi ahayn, dhamaan xuduudaha gobolka si rasmi ah ayay u xirnaayeen bad iyo bariba, muddo 20 sanno ku dhow waxaa dambi qayaano qaran ahayd oo xabsi iyo dilba lagu muteysan jirey in loo kala gudbo Dhoobleey iyo Libooyo ama Kulbiyoow iyo Amuume, qofka Dhoobleey ku nool ee doonaya in baakad caleenta shaaha ah uu ka keensado Kenya, waa in baakadaasi ay ka gudubtaa Balad Xaawo, Baydhabo sii martaa, Xamar tagtaa, kadibna Kismaayo timaadaa oo markaasi Dhoobleey sidaasi ku gaartaa iyadoo 10 jibaar ah qiimihii ay Libooyo ka ahayd, sidii in badan dhici jirteyna, qofkii lagu qabto isagoo rubac caleen ah kala soo gudbaya xuduuda wuxuu mudan jirey ciqaab adag.

Soomaaliya waxa ay dhoofin jirtey waxaa ugu horeeyey muuska, wax ka badan kala bar goboladda Jubbooyinka ayuu ka bixi jirey, laakiin dekeda Kismaayo lagama dhoofin jirin, 500 km ayaa dekada Xamar loogu daabuli jirey si halkaasi looga dhoofiyo, waxayna arrintaasi qeyb ka ahayd cunaqabatayntii gobolka saarnayd.
Waa tii nidaamkii dhacay, dadka gobolka waxay illaa mar dhow ku guuleysteen in 20kii sanno ee uu dalka burbursanaa ay iyaga isku maamulaan nidaamkooda hogaanka beelaha, waxayse marnaba talaabo ka qaadi waayeen qabqablayaal dagaal iyo maleeshiyaad haboow ah oo gobolo kale laga keeney,waxaa ugu horeeyey Col. Axmed Cumar Jees, isaga oo aanan dhihin war maxaa yaala ayuu yiri lafta isiiya, isaga oo aanan tixgalin siinin beelaha badan ee gobolka dega iyo xuquuqaha ay leeyihiin ayuu inta ciidda cantoobsaday yiri “Kaan ogeenoow arliga Absamaa iska leh“, ogoow ciidda uu cantoobsanayo waa mid iska dhaaf in uu ku dhashaye markaasi aragtideeda ay ugu horeyso, war cidna kuuma diidanee laakiin sow ma jiraan dad gobolka kula degen oo wax ka leh?, waa tii aduunka oo dhan ciidamadii ka socdey ee UNISOM ay hubeeyeen maleeshiyo beelo wax saluugsanaa, oo iyagoo dameero heenseestey dushana looga daadinayay raashiinka, dawada iyo hubka har cad Kismaayo la wareegey.

Waa ninkii 1991 dii siyaasad xumo la heshiin waayay USC oo markii ay isku dhaceen inta Afgooye kasoo horboodey sidii loosoo ceersanayay xuduuda lagu soo shubey, shacabkii gobolkana ay USC dartiis u xasuuqdey, markii dambane ay taasi horseedey in uu dhabarka ka jabbo dhaqdhaqaaqii xaq u dirirka ahaa ee gobolka ka jirey ee uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Bashiir Bililiqo. Kaaga darane waaka intii siyaasiyiinta gobolka u soo qaxay oo dhan inta isu tageen Jees ay marsiin waayeen war gobolka aynu maamul u samayno oo 75% qaata intanada kale ee Soomaali Maxamed ahna aan 25% qaadano ee afkiisa uun laga gartay tan anaa iska leh!.

Waa kii Jeneraal Moorgan uu meesha yimid ee isagana qaladkii Cumar Jees oo kale galay, oo sidii isagoo ah dalxiise Faransiis ah oo dalxiis u tagay bariga Afrika marna xeebta Liido ku cayaarayay kubbada shabaqa marna ugaarsi aadayay, waa kii 1999 isagoo ordaya uu magaalada ka baxay.
Mar kasta waxaa jirtey rajada ah in maamul la dhisi karo, oo dowladnimo la gaari karo, laakiin waa maamul waligiisba dhibane ahaa ka hor inta uunan dhalan, sababtoo ah mar kasta waxaa lagu taagi jirey tiirarka cadaalad darada iyo sadbursiga.

Waxaa yimid Barre Hiiraale iyo Seeraar, waxay samaysteen maamulkii isbahaysiga dooxada Jubba, laakiin waligood maamulkoodu ma gaarin 60km meel ka baxsan Kismaayo, iyada lafteedana wax maamul ah uma aysan samaynin, sababtoo ah maba ahayn wax quseeya ee magaaladu waxay ahayd wax ay dantooda ku gaarayeen.
Waxaa yimid maxkamadihii, sidii aan isu lahayn hadda ayay rajadii dhabta ahayd timid ayayba noqotey ka dar oo dibi dhal, halkii hardanka iyo dagaalada ay Kismaayo ku koobnaayeen iyo wadada laamiga ah, gobolka intiisa kalana uu iska degenaa, haatan waxay xabbada ka dhacaysaa Buusaar, Dhoobleey, Garbahaareey iyo Tabddo, meelahaasi oo qaarkood muddo nus qarni ah labo qof aysan xabad isku fiiqin.

Dulucdii qormada hadda unbaan soo gaarnay, waana waxa haatan Jubbaland ka taagan, waa 3 kooxood oo uusan jirin midkood oo ehel u ah danta dadka iyo tan gobolkaba, qormadani qeybta labaad ayaan si fiican ugu dhigdhigi doonaa Tahluukada Alshabaab, Karaamo la’aanta Kaambooni, iyo ambadnimada Azania, waxaan kusoo gunaanadi doonaa dadka gobolka iyo howsha u taala.

La soco qeybta labaad

Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansoxo)
Email: saxansoxo1@hotmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Press Release: Statement from Jubaland State of Somalia
Maamulka Jubbaland “Timirtii horaba dab loo waa”
War saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland oo lagu ogolaaday war murtiyeedkii IGAD
Kismaayo oo dagaal laga iclaamiyey
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013