Jubbaland, Dhibanaha aan dhalan (Qeybtii 2aad)

Published: October 8, 2011

Kn: Qeybtii koowaad qormadani waxaan kaga hadlay guud ahaan Jubbaland iyo dadkeeda, tani waa qeybtii labaad, waxaan yoolka ku saarayaa xarakada Raaskaanbooni iyo hogaanka Sheekh Axmed Madoobe.

Waxaan hubaa in dad badan oo akhristayaal ah oo u jibeysan ninkani in ay ka caroon doonaan ama ka xumaan doonaan qoraalkani, qaarkood ayaa iisoo diri doona fariimo email ah iyagoo ii gabyaya, kuwa kale ayaa isoo wici doona iyagoo goroyo u heesaya halka aan aniga geel ka hadlayo, kuwa kale waxa ay dhaar baallaha ku jari doonaan in aysan mar dambe akhrin doonin qoraal keyga ah.

Aniguse yoolkeyga waa mid ka xeeldheer in aan wax ka sheego koox ama shaqsi, oo waliba xumaantooda aan qodqodo, yoolkeygu waa wanaagga dad iyo deegaan dayacan iyo waliba sidii dadka uga qaangaari lahaayeen in loo afduubnaado hogaamiye iyo koox uu isaga majaraha u hayo, kadibna lagu dabo feeylo si indho la’aan ah.

Aniga ma garanayo taariikh ahaan goorta ay si rasmi ah u bilaabatay kooxda Raaskaanbooni, ee waxaan hubaa in 20kii sanno ee uu dalka burbursanaa ay shaqaynaysay, soona martay heerar kala duwan, saldhigeeduna ahaa gobolka Jubbada Hoose sida magacaba aad ka garan kartid____ Raaskaanbooni waa magaalada cirifka ugu koonfureed ee Soomaaliya ku taala.

Markii uu dhacay dagaalkii xarakada Alshabaab ay kusoo qaaday Dhoobleey todobaadkii hore waxaa jirtey in warbaahinta gudaha iyo dibada ay siyaabo kala duwan wax uga qoreen dagaalka, jaraa’idkii wax ka qorey waxaa ka mid ahayd jariidada New York Times oo Sheekh Axmed Madoobe ku tilmaamtey “Qabqable Dagaal” Islaami ah.
Markaasi waxaan isweeydiiyey aniga oo Soomaali ah, gobolkii ku dhashay, garanaya halka uu Axmed Madoobe iyo xarakadiisa na dhigtey sababta aanan ugu tilmaami karin “Qabqable Dagaal”?, waxaan isugu jawaabay in ay ugu wacantahay rajada aan ka qabo in maalin uun uu wax hagaajiyo, kana soo dhalaalo rajada laga qabo, hadane waxaan is xusuusiyey “20 sanno ayaa laga soo wareegey, rajadaada illaa goorma ayay sii soconeysaa, sow lama baraarugo?”.

Waxaan isbarbardhigey Dr. Cabdi Ceeydiin,iyo Dr. Maxamed Wali hormarka ay gobolka ka sameeyeen muddo gaaban iyagoon xilna sheegan, qorina qaadin, iyo Sheekh Axmed Madoobe waxa aan karaamo darro ahayn oo uu gobolka baday.

Dr. Caydiid waxa uu dhisey wax noqonaya isbitaalkii ugu weynaa oo ebed qof rayid ah ka taago gobolka, islamarkaasina lagu doodi karo kan ugu weyn ee haatan gobolka ku yaala, waana isbitaalka Dhoobleey, Dr. Maxamedwali isaguna waxa uu Kismaayo ka taagay jaamacaddii ugu horeysay oo uu gobolka yeesho, waana jaamacadda Kismaayo iyo dhowr dugsi sare oo Kismaayo ku yaala, adiga ayaan ku weeydiinayaaye Axmed Madoobe iyo xarakadiisa Kaanbooni maxay dadka iyo gobolka u qabteen?.

Hadda haddii aad garaacdo taleefoonka Sheekh Axmed Madoobe oo aad xaaladda ka waraysato waxa uu kuu sheegayo waa rasaas ka go’dey iyo halka ay ciidamada joogaan, iyo dagaalada ay galeen, bal isagana wac Dr. Cabdi Caydiid oo waqti xaadirkan Dhoobleey ku sugan, waxay u badantahay in uusan taleefoonka isaga kaa qaban oo uu gacanyarahiisa kaa qabto, sababtoo ah waxa uu ku mashquulsanyahay qeeybinta raashiin gargaar ah, waxa maalin kasta quudin loo sameeyaa wax ka badan 500 qoys.

Raaskaanbooni ma ahan xarako wadani ah, ama wax dan ah u heeysa Jubbaland iyo Waamo toona, umana baahni in aan meel dheer tusaalooyin ka doondoono, Kaanbooni waa garab ka tirsan xarako ka dagaalami jirtey gobolka Soomaali Galbeed, Jubbooyinkani u joogtay in ay ka helaan meel gabaad ah oo ay caruuraha geystaan, raga dhaawaca ah ku daweystaan, iska soo abaabulaan, hubka iyo saanadana kala soo dagaan.

Waxaan tusaale usoo qaadan karaa barnaamij qeeyri ah oo ay xarakada samayn jirtey sagaashameeyadii, waxay gacanta ku heeysay xarumo lagu xanaaneeyo agoonta, ma garanaysaa agoontaasi waxa ay ahayd?, waxay ahayd agoon dhamaan laga keeney gobolka Soomaali Galbeed, gaar ahaan agoontii ay ka tageen dagaalyahano ku geeriyoodey dagaaladii lala galay Ethiopia, aniga dhib kama qabo in agoontaasi la xanaaneeyo, laakiin aaway agoontii Jubbooyinka iyagana, mise gobolka wax agoon ah ma uusan lahayn?, halkaasi sow kama garan kartid in kooxdani aysan wax dan ah u heeynin gobolka?.

Maxaa danta Jubbaland ka dhigey mid la dayaco, tan meelaha kalana mid loo guntado?, meesha danteeda loo habranayo maa iyada la joogo oo laga sameeyo nacfiga lagu dano fushanayo?, waa iga su’aal. Anigu dhib uma qabo Soomaali Galbeed, wanaageedana waan jeclahay, laakiin waxaan ka jeclahay Jubbaland, mana ogoli feeynuus gurigeyga u baahanyahay oo aan aniga leeyahay in laga shido guri kale.

Maalintii isbahaysiga Dooxada Jubba uu qabsanayay magaalada Kismaayo sanaddii 1999kii, Axmed Madoobe iyo ciidamo uu wato ayaa Kismaayo ka baxay iyagoo duulaan ku ahaa magaalada Kambooni si ay meesha uga saaraan koox Kaambooniyiinta ka tirsan oo afgambi kula wareegtey hogaanka xarakada, bal malee ninka Kismaayo oo caasimaddii gobolka ah inta ka baxay ku duulaya tuulo yar iyo xerooyin lagu tabobarto si uu halkaasi uga taliyo?.

Markii maxkamadihii beelaha Xamar ay kacdoonka ka dhaliyeen caasimadda 2006dii, xarakada Raaskaanbooni inta ay Jubbooyinka ka duuleen oo ay dhinac mareen Kismaayo oo ay hogaamiye kooxeedyo ka taliyaan ayay Xamar ka dagaal galeen, markii maxaakiimta Jubbooyinka qabsadeene, hadalkii ugu horeeyey ee kasoo baxay afka hogaamiyihii Raaskaanbooni ee xiligaasi wuxuu ahaa “Maxkamaduhu waa daad, meel kasta ayaan gaareynaa”, isagoo ula jeedey in ay duulaan ku yihiin gobolka Soomaali Galbeed.

Marka uu hadalkaasi dhahayo raggii saaxiibadiis ahaa ee maxaakiimta kala tirsanaa waxa ay caasimadda ka wadeen sidii dadka caasimadda ay u heli lahaayeen adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka, iskuulaadka, wadooyinka iyo wixii la mid ah, dadka Jubbooyinka iyaga ma duur-joogbaa, uma baahna adeegyadaasi?. Idinkaa iiga jawaabaya.
Hadda markii Kaambooniyiinta laga bixiyey dhufeysyadoodii, lala wareegey xerooyinkoogii ay raga ku tabobaran jireen, laga qabsaday dekedihii macmalka ahaa ee ay hubka kala soo dagi jireen, islamarkaasina ay siyaasaddii Jabhadda Soomaali Galbeed isbadashay dhanka Ethiopia oo ay heshiis saxiixatay, ciidankoodiina noqdey wax Alshabaab ku milmey iyo wax Soomaali Galbeed aaday, Axmed Madoobe waxa uu uruursaday dagaalyahano reer Waamo ah oo reer Jubbooyinka ah, dadkana waxa uu u sheegayaa “Waxaan qoriga u wataa in aan cadawga idinka dhiciyo”.

Aniga shaki weyn ayaan arrinkaasi ka qabaa, waxaan arkaa nin doonaya in uu rag ka aarsado, islamarkaasina aanan lahayn qorshe aanan ka shisheynin in uu Alshabaab meesha ka saaro, waxaan arkaa nin u adeegaya dad kale in ka badan inta uu sheeganayo in uu u adeegayo dadka gobolka.

Waxaan tirin karaa illaa 50 waxqabad oo Soomaali Galbeed laga fuliyey, laakiin ma jirto hal ka mid ah oo Jubbooyinka laga qabtay, xitaa hal mandaraso oo ay Kaambooniyiinta fureen oo gobolka ku taala.

Nin waxaan arkaa kaligii taliye ah oo “anigaa iri” ku shaqeeya, nin aanan tashi iyo talowadaag la lahayn dadka gobolka ee indheergaradka ah.

Waloow inta badan dadka Jubbaland ay yihiin sidii ninkii la oran jirey Cigaal Shidaad ee hashiisa oo libaax cunaya inta kasoo cararay markii la weeydiiyey yiri “Wixii Allif diley, waan arkaayoo, waa ilgiirnaa”, hadane waxaan ku xusuusinayaa in reer Jubbaland ay arkaan libaaxyada hashooda ku fadhiya, sida ay u ilgiiranyihiin, sida ay u arxan daranyihiin iyo waliba sida aysan ugu aaboyeeleynin, waxaa dhici doona kacdoon dadka halmaamsiin doona wixii xiriir ah ee jirey.

Waxaan wali qabaa rajo, waxaan arkaa fursad ninkani iyo kuwa ku xeeranba ay heystaan, waxaan qabaa in meel la’iska dhigo fikirka madhalayska ah ee dhahaya “Marka aan Kismaayo tagno ayaan maamul dhisanaynaa”, waxaasi waa wixii Soomaaliya burburiyey oo jabhadihii dowladda ridey dadaalkoodii ku hungooyey, iyagoon kor maamul kusoo dhisan ayay caasimadda galeen.

Waxaan kaloon qabaa in iyana meel la’iska dhigo magacan jabhadnimada ee rubuc qarni la xambaarsanyahay, waa in loo talaabaa xal maxali ah oo dadka deegaanka lagu abaabulayo in ay dhistaan maamul si rasmi u matala oo aayahooda ka shaqeeya, haddii kale idinka oo Kaambooni ah haddii aad Kismaayo iska dhaafe, Xamar xitaa qabsataan, Alshabaab xitaa waad ka darnaan doontaan.

Ka hor inta aanan isbadalkaasi la’idinka helin, aniga iyo inta igu fakarka ahba Kaambooni nama matasho, Axmed Madoobana nama matalo iyo waliba ciddii kale ee la halmaasha.

Filashada aan ka leeyahay in Kaambooniyiinta ay isbadal la yimaadaan waa mid aad u yar, sababtoo ah waxaaba igu maqaalo ah in xilka ugu sareeye ee gobolka ay la doonayaan nin kale oo aanan la aqoonin, waxaanan is leeyahay “malaha cirka ayuu kasoo dhacayaa”.

FG: Qormada xigta waxaan kusoo qaadanayaa Ihaanada Azania iyo gabgable Gandi
W/Q: Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (saxansoxo)
Email: saxansoxo1@hotmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Raadaar kadib, amaanka Kismaayo oo ay diiradda saarantahay
Ethiopia iyo Masar oo heshiiyey
AMISOM oo Kismaayo lagu weeraray, waa markii koowaad
Shirweynihii waxbarashada oo Xamar ka furmey
Education will be the foundation of a new Somalia, Prime Minister says, opening a landmark National Education Conference in Mogadishu