Shabaabka maxaa laga rabaa iyaguse maxay rabaan?

Published: October 26, 2011

Xarakada Alshabaab al Mujaahidiin waxay maamulaan waddanka intiisa badan waxeyna leeyihiin samaan iyo xumaanba waxaase hubaal ah iney waddanka intiisa badan gacanta ku hayaan gaar ahaan gobolada Koonfureed. Dadka kuhoos nool maamulkooda waxey la kulmaan nabad iyo xukun ku jira gacanta Alshabaab oo kaliya oo aysan cidkale ka talinin.

Wanaagga Alshabaab
Ururka Alshabaab waxay wanaag iyo xumaanba lahaayeen Soomaali way ka dharagsantahay waxeyna ku xidhan tahay dhanka laga eego iyo qofka eegaya khibradda uu ama isagu ka arkey ama ehelkiisu ka arkeen taasaana keenta in inta badan lagu kala fikir duwanaado. Alshabaab inagoo u dhaadhici doona dhaliilaha loo hayo waxaan ku horeyneynaa wanaagga lagu arkey ee ay kusoo kordhiyeen siyaasadda Soomaalida.

Nabad Buuxda
Waa luhubaa dhulka ay ka arimiyaan dadka intiisa badan waxey ku jiraan nabad iyagoo kanabad galay tuug, dhul jiif iyo Mooryaan wax yeesha waxaana dhacda in gaadiidka iskala goosha gobolada ay joogaan ay habeen iyo maalinba socdaan iyadoo ciddii lagu qabto dhul jiifnimo ay cawaaqib xumo la kulanto. Soomaalida Koonfureed inbadan ayay arintaas sugayeen waxayna noqotey mid hirgashey oo meelo badan looga noolyahay.

Jidad iyo Dayactir
Waxaa hubaal ah iney jiraan meelo badan oo ay waxweyn ka qabteen marka la eego hormarka dalka sida dhismayaal jidad, buundooyin, Gacamo biya qaada oo beero loo sameeyey taasoo ay nabaddu hirgalisey. Dad badan oo ku nool gobolada Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan ay indhaha saareen ayna ka faaiideen barnaamijyadaas isku tashiga ah ee ka yimid Alshabaab.

Hal Amar iyo Isku xidhnaan
Alshabaab waxaa usuuro gashey iney yeeshaan awood isku xidhan oo ah midda keentey iney u xoogsheegtaan cidwalba oo ay u arkeen ineysan iyaga la socon karin. Wanaagga Alshabaab usahley arimahan waxay ahayd iney leeyihiin nadaam isku xidhan kalana amar qaata oo hal dhag wax ku maqla iyagoo si sahlan ciidamada gobol ka gobol ukala diri karaya hal maalin taasoo keentey iney waxbadan qabsadaan.

Siyaasadda Alshabaab
Inta badan ha qarsoonaatee haddana ururkani waxuu leeyahay hadaf dheer oo ay dhamaantood ku shaqeynayaan waxaana ka buuxa waxyaabo badan oo Soomaalidu aysan dhaqan u lahayn balse indha adeyga iyo ineysan u joojineynin cidkale ayaa keentey iney sii wadaan balaadhinta ahadaaftooda gar iyo gardaraba.

Dhibaatooyinka Alshabaab
Xarakada Alshabaab waxey dhibaatadeedu ka bilaabatey markii ay dhaheen anaga mooyee waxii kale ee waddanka ka jira waa in lala dagaalamo Gaal iyo Islaamba. Kasoo bilaw Maxaakiimtii Islaamiga ahaa waxii aan fikirka Alshabaab raacsaneyn, Xisbiyadii dhawrka ahaa ee waddanka  kula dagaalamay ciidamadii Ethiopiaanka ahaa ee Xisbil Islaam ugu danbeeyey. Xarakada Alshabaab ayaa iyagu goaasnadey in iyaga mooyee uusan urur Islaami ah waddanka ka dagaalamin waxeyna arintaasi dhaxalsiisey iney waxna laayaan oo ay uxoogsheegtaan, waxna ay ku qasbaan ama ku qanciyaan iney Alshabaab noqdaan taasoo abuurtey cadaawad badan iyaga iyo qofkasta oo isaguna isla saxnaa sidooda oo kale wateyna hadaf Islaami ah.

Qaybi oo Xukun
Xarakada Alshabaab ayaa ciyaaray kaarar badan kasakoow xoogga iyo dagaalka waxaana kamid ahaa iney gobolada qaar ay Shabaab ka sameeyeen siyaasad adag oo beelaha deegaamadaas ay qaarna garabsanayaan qaarna iska fogeynayaan. Arimahani waxey ka dhaceen Hiiraan, Muqdisho, Gedo iyo Jubbooyinka taasina waxey usahashey iney qabsadaan meelo badan iyo colaad badan abuurtaan.

Dilal iyo Qaraxyo badan
Dhiigga Muslimiintu waxuu ahaa mid illaahay daryeeley lana xaaraantimeeyey waxaase dhacdey in Alshabaab ay siyaabo badan ku dileen dad badan oo Soomaaliyeed iyagoo qaar sida ay sheegeen ay ku dileen arimo sahlan iyo waxyaabo aan la caddeyn karin sida tuhun iyo shaki. Waxaa taas ka daran qaraxyo lala beegsadey dad badan oo Soomaaliyeed oo meelo kala duwan jooga taasoo ay nafooyin badan ku dhinteen abuurteyna argagax aan laga soo waaqsan. Arintani ma ahan dhaqan Soomaaliyeed iyo mid Islaam toona in Dad Muslimiin qof Muslim ah isku qarxiyo waana dhibaatada ugu daran ee laga dhaxli doona Alshabaab. Qaraxii ugu danbeeyey ee ka dhacay Xamar bilawgii Oct 2011 ayaa ahaa mid tusaya naxariis darada kooxda Alshabaab iyo sideysan uga naxeyn dhiigga Muslimiinta iyo midka Soomaaliyeed rag, caruur odayaal iyo dhalinyartoona. Geedaha ku agdhaw walaalo Soomaaliyeed ayaa hilibkooda laga soo guray iyadoo qaarna ay gubteen.

Sheekh Cali Dheere ayaa ku faaney iney Alshabaab yihiin cidii ka danbeysey qaraxaas waana mid tustey Soomaalida fikirka iyo goaanka Alshabaab.

Soomaali Ma rabaan
Alshabaab sidey sheegtaan ama ficilkoodu yahay waa Xarako Islaami ah hadafkooduna yahay iney Adduunka qabsadaan. Tabartoodu ha joogtee waxaa muuqata ineysan maskaxdooda ku jirin iney dal iyo dawlad Soomaaliyeed sameeyaan oo ay noqoto Soomaaliya meel laga hago weeraro lala beegsanayo meelo ka tirsan dunida. Arintani waxey adkeysey in Alshabaab ay ka fikiraan Soomaalinimo waxeyna dadajisey iney dagaal caalami ah ku jiraan ayna oodaha u gurtaan quud aysan heynin taasoo u abuurtey cadaawad badan oo ka weyn tabartooda.

Alshabaab iyo Ethiopia
Dad badan ayaa isweydiiya Maxaa Alshabaab looga maqli waayey iney Ethiopia la dagaalamaan ama ay qaraxyo ka geystaan iyadoo la ogyahay in Ethiopia ay tahay cadawga Soomaaliya ayna tahay middii kala jabisey golihii maxaakimta. Alshabaab ka aamuska iyo ismoogeynta faragalinta Ethiopia ay ku hayso Soomaaliya ee dhanwalba ah waxey keentay shaki ah ma cabsibaa, mise waxaa jira waxaan la ogeyn. Hanjabaadaha Alshabaab waxey ku dhacaan Ugaanda, Kenya, Brundi, Maraykanka iyo Yurub. Qofka Soomaaliga ah ee caadiga ah waxaa ugu horeysa cadawga dalka Ethiopia balse Alshabaab uguma jirto qorshaha.

Heshiisiin Soomaalida oo dhan
Alshabaab maaddaama oo ay awood iyo dhaqaale heleen aad ubadan waxaa aad usahlanaa iney Soomaalida oo dhan ugu baaqaan shirweyne ay iyagu qabtaan ayna sidey rabaan u maamulaan kana madaxbanaan gacmo shisheeye laguna heshiiyo laguna dhisto dawlad loo dhanyahay xitaa haddii aysan iyagu raali ka ahayn midda KMG ah. Balse arintan waxaa hor istaagaya hadafkooda caalamiga ah ee ka baxsan Soomaaliya

Maxaa laga rabaa Alshabaab iyaguse Maxay Rabaan?
Haddaba su aasha ugu danbeysa waxaa weeye Maxaa laga rabaa Alshabaab, Maxeyse rabaan iyagu. Waan ogaaney waxa ay rabaan iyagu oo muddadii ay joogeen ayaa inoogu filan barasho. Maxaa laga rabaana waxey jawaab u tahay iyaga rabitaankoooda mid ku lid ah balse maxsuulku muxuu noqon karaa?

Alshabaab waa awood hal hoggaan leh oo isku xidhan, waddankana ma kala qaybinaan, kheyr badan iyo sharba wey leeyihiin, qabyaalad badan kuma dhaqmaan, balse haddii iyaga meesha laga saaro maxaa baddal ah?. Sida hadda dabeyshu usocoto haddii Alshabaab xoog loo sheegto oo la isugu tago waxey noqon doontaa In Qabyaalad iyo dagaal qabiileed dib loogu laabto.

Haddaba sidee Alshabaab wanaagooda iyo Soomaalinimada la isku waafajiyaa iyadoo dadku wada Muslimiin yihiin, dalka iyo diintana dib loogu dhisaa?


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Kiis-Baar : Xalane , Ra’isulwasaaraha xiga
Xukuumadda oo gef lagu heley, madaxweynaha oo cuskanaya
Baarlamaanka oo maraanmaray Ra’isulwasaaraha
Olole qorista iyo akhrinta farta Soomaaliya oo la qorsheynayo
Maamulka Jubba oo gurmad abaaro ka geysanaya Gedo