Saraakiishii Kenya laga qabtay oo lagu soo bandhigey Baardheere

Published: January 13, 2012

Kn: Xarakada Alshabaab ayaa maanta magaalo-beereedka Baardheere dadka ku tustey ilaa labo sargaal oo sarsare oo ka tirsanaa kuwii ay ka afduubteen tuulada Gerileey.

Dadka deegaanka ayaa soo tabiyey in Alshabaab ay bartanka magaalada dhexmarsiisey saraakiishani oo dusha ka saaran gaari qunyar u socda, iyagoo hoganaya, hoosna fiirinaya.

Saraakiisha la afduubtey waxaa ka mid ah gudoomiyihii Gerileey ee Kenya ama DO waxa loo yaqaano, nin diiwaanhaye ah, iyo duqii magaalada.

Gudoomiyaha la afduubtey ayaa magaciisa naloogugu sheegey Jesse Mulee , shalay waxaa la geeyey degmada Xagar halkaasoo sida muuqata looga sii gudbiyey Baardheere.

Inkasta oo labo oo kaliya ay Alshabaab soo bandhigtey hadane waxaa maqan 10 kale oo ay ka midyihiin 5 askarta AP-da loo yaqaano.
Falkani ayaa waxa uu keeney in ay kulan degdeg ah yeeshaan golaha wasiirada Kenya oo uu shir gudoominayay madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, lama oga waxa go’aan ah ee kasoo baxay.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Kibaki oo shirka London kaga dhawaaqaya in qaxootiga la celinayo
“Ingiriiska cirka waa uu ka duqeyn karaa Soomaaliya”
Ciidamada Kenya oo si rasmi ah ugu biirey AMISOM
Somali businessman hails Turkey role as model :- Reuters
Baydhabo oo ka baxday gacanta Alshabaab