Wakaaladda wararka SONNA iyo ONA is kaashi yeeshey

Published: January 14, 2012

Kn: Wakaaladda wararka SONNA ee Soomaaliya ayaa iskaashi kaalami ah la saxiixatay wakaaladda wararka dalka Cuman ee ONA.

Heshiiskani ayaa waxaa wada sixiixdey wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabduqaadir Xuseen Maxamed iyo dhiggiisa dalka Cuman Xamad Bin Maxamed Al-Rashidi.

Wasiirka waxa uu ka qeybgalayaa shir wasiirada warfaafinta, boostada iyp isgaarsiinta oo dalkaasi ka socda.
Waxaa safarkiisa ku wehliya agaasimaha SONNA Cabdiqaadir Barnaamij .

SONNA ayaa hormar sameeysey sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo ay socdaan dadaalo lagu soo celinayo howlihii wakaaladda oo mar ahaan jirtey lafdhabarta wararka dalka dibada uga baxaya oo inta ka turjuma qaranimada Soomaaliya.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
FIIDSOOH : SKA iyo tuuggii Kabo-Calaf
“Dowladda waxay waafaqsantahay heshiisyaddii Siyaad Barre uu galay”
Murankii Xamar lagu xalin waayay oo Addis lala tagay
Mahiga : Xukunka dilka ah ee Somaliland waa sharci darro
Dhallintii Dalkoow