Kn: Guutooyin ka tirsan ciidamada Somaliland oo saakadii hore gacanta ku dhigay magaalada Buuhoodle ayaa caawa gabalku ugu dhacay duleedka magaalada.
Sida ay dadka deegaanku u sheegeen KismaayoNews, waxaa magaalada si lama filaan ah ku soo weeraray ciidamo Somaliland oo ku jooga 27 gawaarida gaashaaman ee tiknikada loo yaqaano, ayagoo si sahlan gacanta ugu dhigay guud ahaan magaalada.
Wax yar kadib, oo ay qayladu meel kasta gaartay ayaa shacabka deegaanku guri guri iyo kooxo kooxo ay dagaal iska caabin ah ugu kiciyeen ciidamadii Somaliland, mudo markii ay xabaddu is daba maraysay magaalada dhexdeeda ayaa ciidamadii deegaanka iyo shacabkii is biirsaday waxaa u suuro gashay inay dib u hantiyaan magaalada oo banaanka u saaraan ciidamadii Somaliland.
Khasaaraha ay ilaa iyo hadda heshay KismaayoNews ayaa ah dhaawaca 11 ruux oo u badan caruur iyo haween ay haleeshay xabaddii la is waydaarsanayay maadaama ciidamadu magaalada ku soo galeen ayagoon laga warqabin. Waxaa magaalada lagu aasay 4 mayd ah oo sadexna ay ka dhimatay magaalada Buuhoodle, halna ay magaalada kaga dhex tageen ciidamada Somaliland.
Waxaa gubtay mid kamid ah kaarayaasha ay lahaayeen maamulka SSC. Lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray ciidamadii Somaliland ee weeraray Buuhoodle, marka laga reebo askariga ay maydkiisa kaga carareen magaalada iyo mid kamid ah saraakiisha wadatay ciidamada Somaliland oo ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle oo asagana nolol lagu qabtay.
Caawa ilaa iyo bari aroornimadii ayaa laga cabsi qabaa inuu dagaal mar kale dib uga qarxo deegaanka ayadoo wali labadii ciidan ay isku hor fadhiyaan baliga Buuhoodle oo ah duleedka magaalada. Waxaa magaalada soo gaaray ku dhawaad 28 tikniko iyo ciidamadii ku joogay kuwaasi oo gurmar u ah deegaanka Buuhoodle.
Weerarka ay ciidamada Somaliland ku qaadeen Buuhoodle ayaa lagu tilmaamay mid ay xukuumadda Siilaanyo kaga hortagayso maamulka cusub ee lagaga dhawaaqay Taleex kaasi oon wali la shaacin magaciisa, madaxwaynaha iyo goleyaasha uu ka koobnaan doono.
Magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale waxaa ka jira guux iyo cabsi ku waajahan inuu dagaal ka qarxo, waxaana ilaa iyo shalay mudaharaadyo is xigxigay ka waday dadweyne xamaasadaysan, kuwaasi oo muujinayay taageerada ay u hayaan go’aamada kasoo yeeray Taleex.
Wixii ka soo kordha kala soco KismaayoNews
KismaayoNews.com