Rashiid iyo Riiraash oo Xamar ka dagay

Published: January 15, 2012

Kn: Mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleed la magacbaxay Awdal State oo ka go’ay Somaliland ayaa ka dagay magaalada Xamar.

Waxa ay kulan la yeesheen wasiiro ka tirsan DKMG ah, iyagoo la yeeshey wadahadalo saacado socdey.

Waxaa waftida Awdal hogaaminaya madaxweynaha maamulkaasi Rashiid Awnuur Xirsi iyo korneel ciidamadda horey uga tirsanaan jirey Xassan Xusseen Riiraash oo xiriirka caalamiga ah u qaabilsan Awdal State.

Tani waa dharbaaxo weyn oo ku dhacday Somaliland oo maanta dagaal ku qaaday magaalada Buuhoodle oo fadhi u ah maamul goboleed kale oo ka go’ay Somaliland.

Dad kala duwan oo ay KismaayoNews la hadashay ayaa siyaabo kala duwan u fasirey arrinkani.

Qaarkood waxa ay sheegeen in Awdal State iyo SSC ay ka turjumayaan astaan wanaagsan oo sahli karta in Soomaaliweyn ay dib isugu soo laabato, meeshana laga saaro damicii gooni isu taagga Somaliland.

Qaar kale waxa ay qabaan in fowdadii iyo dagaaladdii Koonfurta loo raray waqooyiga oo horey u daganayd.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa gabi ahaanba isku dhamaaday damacii iyo riyaddii madaxbanaanida Somaliland.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Kibaki oo shirka London kaga dhawaaqaya in qaxootiga la celinayo
“Ingiriiska cirka waa uu ka duqeyn karaa Soomaaliya”
Ciidamada Kenya oo si rasmi ah ugu biirey AMISOM
Somali businessman hails Turkey role as model :- Reuters
Baydhabo oo ka baxday gacanta Alshabaab