Kn: Saacado badan kadib markii ay dhacday duqeyn laxaad leh oo xagga cirka ah oo Afmadoow lala beegsaday ayaa waxa aan heleynaa faahfaahintii ugu horeysey.
Waloow ciidamada Shabaabka ay isku gadaameen xerada uu weerarka ka dhacay si ay u qariyaan qasaaraha halkaasi ka dhashay, ayaa laakiin dadka deegaanka oo KN la hadlay waxa ay sheegeen in ay arkeen wax ka badan 10 oo Alshabaab oo xabaalo looga qodey mid ka mid ah saldhigyadooda.
Dhawaan ayaa afartameeyo meydad lagu sheegay inay ahaayeen Alshabaab laga soo faagay saldhigga magaalada Baladweyne kadib markii ay ciidamada Ethiopia iyo kuwa dooxada Shabeele qabsadeen.
Waxaan fahamsanahay in saraakiisha Afmadoow shalay ku dhimatay ay ka midyihiin kuwa darajo sare ka haya xarakada.
Waxaa weerarka fuliyey dowladda Kenya oo la sheegey in ay ka jawaabeyso weerarkii dhawaan ka dhacay tuulada Gerileey ee lagu laayay askarta Kenya, madax kalana lagu la’yahay.
Waa weerarkii labaad muddo 48 saac ah oo lagu qaado fariisimaha Alshabaab ee Jubbooyinka. Weerarka Afmadoow waxaa ka horeeyey Jilib oo ka sokow khasaaraha loogu gaystay Xarakada ay ka dhasheen khasaare lixaad leh oo gaaray dadka shacabka ah.
KismaayoNews.com