Laga soo bilaabo xiligii abaabulka shirka khaatumo2 ee degaanka Taleex oo ay kulahaayeen SSC, waxaa bilowday qaylo-dhaan kasoo yeeraysay Maamulka Somaliland , waxaana bilaamay guux siyaasaded oo dhinacyo badan leh, waxaa khudbado kala duwan jeediyey madaxda maamulka Somaliland ,qaar kamid ururada Mucaaradka iyo weliba madax dhaqameedyo kasoo jeeda Maamulkaasi.
Dhammaantoodna waxay ka midaysnaayeen sidii loo ilaalin lahaa midnimada somaliland, Balse waxaysan isweydiin inay yihiin dadkii diidanaa midnimadii soomaali weyn balse doonaya Mida SSC.
Xeeldheerayaal siyaasaded ayaa ku tilmaamay shirka khaatumo2 inuu noqon karo shir dib loogu yagleelo(Qaranimadii Soomaliyeed) waxayna daliil uga dhigeen marka meesha laga saaro qoys”Qaranimo sheeganaya waa suurogal in dib loo helo midnimo.
Waxaana xiligaan soo iftiimaya in Soomalidu meel iskugu timaado iyadoo aan qaarkood sheeganayn Qaran (QOYS QARAN MA NOQON KARO).
Dhinaca kale hadii arintu tahay Wanka Macasha ii qabo aniguna aan muudsado waayo ayey soojirtay ee ragii subaga laga daadiyow aayarkiina socda, hadii kale Qunbaha laftiisa ayaadba weyn doontaan.
Quruxduna waxay ku jirtaa inay Madaxda Somaliland gogosha tagaan walaalahoodana gacan qaadaan, Hadiise ay ku colaadiyaan maxaad dantiina ugarateen waa midaan waxba kasoo baxayn.
Ugu danabayntiina waxaan qormadayda kusoo gaabinayaa 20 sano kadib waa in la aqbalaa midnimada Soomaaliyeed,lana ilaabaa wixii hore u dhacay guushuna waxay kujirtaa midnimada somaliyed. Shacbiga Somaliland waxaan leeyahay Afduubka Siyaasada hoos haloo eego.
Suldaan Ali Abdulahi Hassan
shacbaan5@hotmail.com Sweden Västerås