Kn: Hay’ada xanaanada caruurta ee Norway oo loo yaqaano Barnevern ayaa waalid u dhashay dalka Hindiya ka fara maroojiyay dhowr caruur ah oo ifkaba ay ka haysteen, kadib markii hay’adu ku eedaysay aabaha caruurta inuu sariir kula seexday owlaadiisa. Sidoo kale Barnevernka ayaa waalidka ku eedeeyey inay caruurta gacantooda cunto ku siiyeen.
Looyarka waalidka ayaa ku doodaya in meesha ay ku jirto kala duwanaansho dhanka dhaqanka ah, isagoo sheegay inay caadi ka tahay India in waalidku gogol kula seexdo ubadkiisa, sidoo kalana cuntada gacanta lagu cuno, caruurtana lagu siiyo.
Dhanka kale hay’ada Barnevernka ayaa inastoo ay ka gaabsatay inay kiiskan ka hadasho, hadana ku doodaya in sababtu intaa kali ah ahayn, balse ay jiraan sababo kale oo ay ka mid yahiin in caruurtu maalin walba xanaanada iyo iskuulka la yimaadaan cunto hal nooc ah, taas oo hay’adu ku dooday inayna caafimaadka u fiicnayn.
Sidoo kale waxay hay’adu ku dooday in mar shaqaalaheedu guriga qoyska booqdeen ay ogaadeen in caruurtu haysan leketøy (waxyaalaha caruurtu ku cayaarto) oo ku filan.
Kiiskan ayaa xiisad adag dhex dhigay labada dal ee Norway iyo India, iyadoo saxaafada dalka India si wayn uga hadleen arintan, isla markaana mudaharaadyo lagu diidan yahay arintan laga dhigay Inidia. Sidoo kalana dowlada India ayaa safiirkeeda Oslo u xilsaartay inuu arintan kala hadlo Norway.
Kala dhaqan duwanaanshaha bulshada reer galbeedka iyo dadka kasoo jeeda dunida sadexaad oo Soomaalidu ka mid tahay ayaa inta badan keena is fahamwaa, iyadoo qisada qabsatay qoyskan Hindida ah tusaale fiican u tahay.
Kismaayonews.com