Kn: Sawaxanka sawaariikhda iyo jabaqda qoryaha darandooriga u dhaca ayaa laga maqlayay magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda kadib markii uu dagaal ka qarxay meel qiyaastii 30KM u jirta magaalada.
Ciidamadii Somaliland ee dabayaaqadii todobaadkii tagay soo weeraray Buuhoodle iyo ciidamadii Deegaanka ayaa mar kale isku faro saaray deegaanka Sooljoogto oo qiyaastii 30KM u jirta Buuhoodle.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalku ku bilawday markii hore madaafiic ay is dhaafsadeen labada ciidan kadib gorodda la is daray. Lama oga khasaaraha ka dhashay iyo waliba cidda goobtii u hartay laakiin wararku waxay sheegayaan in markani ay weerarka qaadeen ciidamada deegaanka Buuhoodle oo ayagu horay u sheegay inay ka daba tagayaan ciidamada Somaliland ee weerarka gardarada ah ku soo qaaday, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Maamulka Somaliland ayaa weerarkii Buuhoodle kaga jawaabayay maamul goboleed ay dadka ku dhaqan gobolada Ceyn, Sool iyo Sanaag kaga dhawaaqeen shir maalmo uga socday Taleex.
KismaayoNews.com