Dr.Gaas, gacantii daahir ah ayaa wax daahirisa!

Published: January 22, 2012

Kn: Mudo hadda laga joogo 5 bilood ayaa la magacaabay prof:-Abdiweli Aligaas wuxuuna si wanaagsan u bartay culuumta dhaqaalaha, wuxuuna leeyahay khibrad shaqo oo ugu yaraan 20 sano dhan.

Intii uu hayey xilka waxyaabaha uu xoogga saaray waxaa kamid ah (ROADMAP) qodob kamid ah, Qodobada Roadmapkuna wuxuu sheegayaa dawlad wanag, maanta oo ay taariikhdu tahay 19.01.12 ayuu magacabay gudi ladagaalama Musuqmaasuqa.

Hadaba su’aashu waxay tahay intee le’egyahay musuqa Gaas naf ahaantiisu ku dhaqmo? Sow xigmadi ma ahayn, Gacan Daahir ah ayaa wax daahirisa!.

Dadka sida xoogga ah ula socda dhaqdhaqaaqa Xafiiska Gaas ayaa shaaca kaqaaday in ay tahay Wax laga xishoodo waxa kajira xafiiskaas, marka laga fiiriyo qabyaaladda, necbaysiga dadka aan Hayb ahaan kamid ahayn qoyska halkaas isku urursaday.  

Nin magaciisa kusoo gaabiyey Kaytoon oo hawli kagashay xafiiska ra’iisulwasaraha ayaa ii   Xaqiijiyey dhacdooyin dhowr ah oo uu halkaas kala kulmay.   

“Ugu yaraan 3 jeer ayaa layga celiyey iridka hore  anigoo wata warqad ii ogolaanaysa inaan    Xafiiska imaado, markii aan quus kala gaarnay hoos-joogayaashii Gaas ayaan raadiyey cid    ay isku fiican yihiin, waxaana ii suurogashay inaan 7 cisho kadib gaaro xafiiskii oo ii jira UL    Tuuryo”, sidaasi waxaa yiri Kaytoon .    

Shaqalaha xafiiska waxay ka koobanyihin Rag iyo Dumar tiradooduna waa 21 qof, waxaan xigtada Gaas  ahayn 3 qofood oo mid yahay matooriste, midna yahay darawal.

Hadaba shaqsiga dhaqankiisu  sidaas yahay ayaa musuqmaasuq la dagaalamaya hadii aan dhahno sow noqon mayso (Dudun)     Caro halaga dhaqo, iyadaaba kasamaysan caro.      

Gaasna waxaan dhihi karnaa isagaaba kasamaysan musuqmaasuq marka laga reebo isticmaal ereyo wanaagsan oon Afsoomaali ahayn, waa erayo luqada english -ka ah sida (integrity)(Accountability)(Transparency), IWM.        

Waxaana qoraalkayga kusoo koobayaa; Gacan daahir ah halaga sugo inay wax-daahiriso.

Suldaan Ali Abdulahi Hassan

shacbaan5@hotmail.com        

Swden Västerås


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Kibaki oo shirka London kaga dhawaaqaya in qaxootiga la celinayo
“Ingiriiska cirka waa uu ka duqeyn karaa Soomaaliya”
Ciidamada Kenya oo si rasmi ah ugu biirey AMISOM
Somali businessman hails Turkey role as model :- Reuters
Baydhabo oo ka baxday gacanta Alshabaab