Sargaal Shabaab ka dhintay

Published: January 22, 2012

Kn: Mid kamid ah saraakiisha muhaajiriinta ee xarakada Alshabaab ayaa ku dhintay weerar duqeyn ah oo ay gaysteen diyaaradaha duuliye la’aanta.

Bilaal Albarjaawi oo ka soo jeeda dalka Lubnaan balse haystey dhalashada Boqortooyada Ingriiska ayaa gaari uu saarnaa waxaa gantaal la helay mid kamid ah diyaaradaha  duuliye la’aanta ee dawladda Maraykanka xili uu ku jiray hawlgal iska caabin ah oo ciidamada Alshabaab ay iskaga difaacayeen duleedka magaalada Muqdisho ciidamada Afrikaanka iyo kuwa DKMG ah.

Geerida Bilaal waxaa saxaafadda u xaqiijiyay afhayeenka Xarakada Alshabaab, Sh. Cali Dheere, wuxuuna sheegay in Bilaal 5 sano ee u danbaysay uu dalka Soomaaliya ku sugnaa, da’diisuna ay ahayd hilaaddii 30 jir.

Bilaal ma aha sargaalkii ugu horeeyay ee ku dhinta duqaymaha ay diyaarahada Reer galbeedku ka gaystaan Soomaaliya oo waxaa asaga hortiis jiitay rag ka darajo sareeyay, laakiin su’aasha wali mugdigu ku jiro ayaa ah ilaa heerka ay beesha caalamku daacad ka tahay nabad ku soo dabaalka Soomaaliya iyo waliba lugta ay ku leeyihiin dhinacyada ku hardamayo loolanka siyaasadeed ee dalka.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
FIIDSOOH : SKA iyo tuuggii Kabo-Calaf
“Dowladda waxay waafaqsantahay heshiisyaddii Siyaad Barre uu galay”
Murankii Xamar lagu xalin waayay oo Addis lala tagay
Mahiga : Xukunka dilka ah ee Somaliland waa sharci darro
Dhallintii Dalkoow