Tarsan oo damdamiskii ugu horeeyay keenay Xamar

Published: January 23, 2012

Kn:Kadib muddo dheer oo magaalada caasimadda ee Muqdisho ay ku jirtay  xaalad adag ayaa waxaa mararka qaar ka dhici jiray gubasho ku timaadda  suuqyada ganacsiga, guryo, gaadiid iyo meelo badan oo qeybaha bulshada  Muqdisho ku dhaqan muhiimad weyn ugu fadhiya.

Waxaana maamulka gobolka Banaadir oo ka duullaya Dabdamis la?aanta  baahsan ee saameysay magaalada Muqdisho oo sida la rumeysan yahay ay  nool yihiin inkabadan 3-Malyan oo ruux, uu mamulku ku guuleystay  markii ugu horeysay tan iyo burburkii dowladdii  dhexe ee  sagaashamaadkii halakowday soo iibshay gaadiidka Damdamiska.

Gaadiidkan oo tiradoodu aheyd labo baabuur oo nooca Dabdamiska ah ayaa  waxaa soo iibshay maamulka gobolka Banaadir oo ka jawaabaya baahida  shacabka Muqdisho ay uqabaan gaadiidka Dabka dansha.

“Reer Muqdishow ma qabin gaadiidka Dabdamiska ah markii dab meel ka  kacana waxaa bas beeli jiray hantida iyo naf mararka qaar, waxaan ugu  bishaareynayaa dadka ku dhaqan Muqsisho in maanta ay taas ka baxeen”  ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir  mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa marar badan  goobaha fagaarayaasha ee dadku isugu soo baxaan cod dheer ku sheegay  in dhawaan magaalada Muqdisho ay yeelan doonto gaadiidka Dabdamiska ah  oo lagu damiyo meel kasta oo dab ka kaco iyo xili kasta.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa gaadiidka Dabdamiska ah ee maanta ay  shacabka reer Muqsiho usoo  iibsheen waxa loo isticmaali doonaa goob  kasta oo dab ka kaco iyo xili kasta, iyadoona loo sameeyay shaqaale  heegan u ah habeen iyo maalin, waxaana gaadiidkaasi xarun u ah isla  xarunta hada uu ku shaqeeyo maamulka gobolka Banaadir.

Maaha markii ugu horeysay ee maamulka gobolka Banaadir uu ku guuleysto  soo celinta adeega bulshada, waxaana horay maamulku u filiyay qeybo  badan oo kamida adeegyada bulshada kuwasoo ku burburay dagaaladii  dalka gaar ahaan kuwii magaalada Muqdisho ay marti gelineysay muddada  dheer .  

Mohamed Yusuf

Press Officer office of the Mogadishu Mayor,

Tel: +252 699 407 191, +252 615 182 797.

Mogadishu-Somalia.     


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Kibaki oo shirka London kaga dhawaaqaya in qaxootiga la celinayo
“Ingiriiska cirka waa uu ka duqeyn karaa Soomaaliya”
Ciidamada Kenya oo si rasmi ah ugu biirey AMISOM
Somali businessman hails Turkey role as model :- Reuters
Baydhabo oo ka baxday gacanta Alshabaab