Kn: Weerar mir ah oo xalay cutub ka tirsan Alshabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG ku leeyihiin deegaanka Deelbiyow ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay sadex askari, halka tiro kalana ku dhaawacmeen.
Sida uu xaqiijiyay sargaal u hadlay ciidamada Kenya, waxaa weerarka ku dhintay 2 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada DKMG halka uusan carabbaabin jiritaanka wax dhaawacmay. Sidoo kale wuxuu ku andacoonayaa in dagaalkaasi ay ku dileen 11 katirsan dagaalyahanadii soo weeraray, laakiin arintaasi waxaa beeniyay sargaal u hadlay dhinaca Xarakada Alshabaab.
Alshabaab ayaa dhankooda sheegtay inay weerarkii xalay ugu gaysteen ciidamada huwan khasaare lixaad leh, kaasi oo isugu jira dhimashada dhawr iyo toban askari iyo dhaawac intaasi ka badan.
Ma jiraan warar madax-banaanoo xaqiijinaya sheegashooyinka labada dhinac, laakiin waxaa sugan in xalay ay xarakada Alshabaab weerartay deegaanka Deelbiyow.
Ma aha markii koobaad ee Xarakada Alshabaab weerar gaadmo ah ama mid cimilgal ah ku qaado ciidamada Kenya ee gudaha ugu jira Soomaaliya iyo kuwa la ologga ah ee DKMG iyo Kaambooniyiinta.
KismaayoNews.com