Shacbiga Muqdisho oo caawa hurdada ladi la’

Published: January 23, 2012

Kn: Reenka iyo daryaanka madaafiicda goobta ayaa caawa hurdada u diiday inay ladaan maxasta iyo caruurta ku dhaqan Xamar iyo nawaaxigeeda.

Salaadii maqri kadib ayay cutubyo ka tirsan Xarakada Alshabaab waxay si isku mid ah weerar ugu ekeeyeen saldhigyada ay ciidamada Afrikaanka iyo kuwa DKMG ahi ku leeyihiin xaafadaha Dayniile, Huriwaa iyo qubuura Albarakaad.

Ciidamada Afrikaanka ayaa weerarkan kaga jawaabay madaafiic ay u hurgufayaan wajahaadooda hore ayagoon u meel dayayn, aysan jirinna meel yool u ah oo ay bartilmaameedsanayaan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqaynta iyo waliba iska hor imaadka oo wali socda.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Kibaki oo shirka London kaga dhawaaqaya in qaxootiga la celinayo
“Ingiriiska cirka waa uu ka duqeyn karaa Soomaaliya”
Ciidamada Kenya oo si rasmi ah ugu biirey AMISOM
Somali businessman hails Turkey role as model :- Reuters
Baydhabo oo ka baxday gacanta Alshabaab