Ku:-Saxaafada Madaxa Banaan
Dalka soomaliya oo mudo kudhow 22 sano dhexdabaalanaya dhibaatooyin marba meel kadilacayaayaa xiligan u muuqda inuu kasoo reenayo, laguna macanayn karo in isbedel kuyimid guud ahaansiyaasada murugsan ee dalku jiray in mudo ah.
Hadaba maxaa soo kordhay oo xiligan wanaagna u muuqda, waxaa asal u ahaa dhibaatooyinka jiray xiliyadii ugu danbeeyey shariifyada isxambaarsan iyo ururka alshabaab. Dadka u dhuun daloola siyaasada soomaliya ayaa shaaca kaqaaday in lugu guulaystay ridida
shariif xasan, ayna sahal tahay mida shariif ahmed.
Labadan wadaad ayaa isku sheegay riyo maalmeed kuna balamay inay siiwataan qorshahooda Siyaasaded ayna meesha kasaaran, xildhibaanadii TFG-da kadibna ay soo xushaan kuwo iyaga
ogol kadibna ay kusoo noqdaan kuraastooda.
Duulaan ay qaadeen xildhibaano taradooda lagu sheegay 283 xildhibaan ayaa ringaha looga tuuray Labada nin midkii cuslaa, midka kalena waxaa lafilayaa inuu bustihiisa kaqaadan doono mudo yar kadib marka laqabto shirka uk.23 Febrayo.
Kooxdii ladhihi jiray shabaabna waxay noqotay danbas lafirdhiyey kadib markii ay khaarajiyen xubnihii ugu sarsareeyey mudo sanad iyo bar gudihiisa, waxaana xog-hoose lagu helayaa in arintaan ay kadanbeeyaan xubno kudhexjira kooxda oo ay reer galbeedku kusoo dhexdarsadeen. waxaana hadda lasheegayaa in la tuhmayo dhowr qof, oo intooda badani ay kayimaadeen qurbaha.
Isku soo wadaduuboo waxaa xiligan ladareemayaa dabayl caafimaad iyo saansaan nabaded,oo kacurta geyiga Soomaliya, iyo weliba inay meesha kabaxdo riyadii shariifyada ee ahayd kuraastaan yaan cidkale ku fariisan.
Suldaan AliAbdulahi Hassan
Sweden västerås