Maalmo adag iyo Andalus.WQ Abdikadir Diriye

Published: January 24, 2012

Dhacdooyinka taariikhda waxaa in badan laga qaataa cashar lagu iftiinsado waqtiga markaa la joogo waayo taariikhdu iyadaa isa soo celisa oo wixii waa hore u dhacay ayaa in badan soo noqnoqda.

Maqaalkan wuxuu eegayaa dhammaadkii qarnigii labaad ee islaamka waqti u dhexeeyey 180H iyo 210H iyo dhacdo murugo, yaab iyo farxad kulansatay.

Waqtigaas waxaa madax ka ahaa Andalus (Spain iyo Portugal) nin la oran jirey Alxakam bin Hishaam. Ninkaasu horraantii xukunkiisa wuxuu ahaa nin aad u wanaagsan oo dadkii uu xukumayey u keenay nabadgelyo kana adkaaday gaaladii cadawga ku ahayd dadkiisa.

Nabadgelyadii badnayd waxay dhalisay in cilmiga barashadiisa loo helo firaaqo oo aad loogu mashquulo golayaasha cilmiga kala duwan waxaana magaalada Qurduba (Cordova) keliya laga heli karayey ilaa afar kun oo culimo diinta aad u taqaan ah.

Taas waxaa dhinac socday in boqorkii uu isaguna ku mashquulay raaxo adduun iyo waxyaabo ka fog cilmiga iyo diinta ilaa uu si bareer ah oo aan qarsoonayn ula soo if baxay xumaanta isagoo garab ka dhiganaya awooddiisa.
Culimadii arrintaas waa u dul qaadan waayeen oo waxay go’aansadeen in ay tallaabo ka qaadaan. Imaamu Dahabi oo arintaas ka sheekeeyey wuxuu yiri “Markii Ilaahay doonay in culimadaasi baaba’aan, waxay u dulqaadan waayeen xumaantii boqorka, waxayna go’aansadeen inay xukunka ka ridaan, hadana waxay u ciidan urursadeen la dagaalankiisa ilaa Andalus ay ka dhacday fitno ku habsatay Islaamka iyo dadkiisa”
Xumaantii boqorku markii ay soo if baxday culimadii waxay ku tashadeen in ay xukunka ku wareejiyaan nin ay boqorka qaraabo ahaayeen oo wanaag ay ku malaynayeen oo la yiraahdo Axmed ibn Mundir. Waxay qabsadeen shir waxayna u yeereen ninkii Axmed ibn Mundir ahaa si ay ugu wargeliyaan qorshahooda.

Axmed waa soo dhaweeyey hadalkii culimada wuxuuna ku casumay inay habeenkii gurigiisa ugu yimaadaan si ay wax u qaadaa dhigaan. Intii aanay culimadu iman ayaa Axmed u tegey boqorkii oo u sheegay sida wax u socdaan. Boqorkii waa carooday oo wuxuu ku yiri Axmed “Waxaad iila timi inay dhiigayda daadiyaan ama aan kooda daadiyo, waana dad culimo ah ee sideen ku hubsadaa in waxa aad sheegayso run yihiin?” Axmed wuxuu boqorkii ku yiri igu darso qof aad ku kalsoon tahay oo kuu soo dhegeysta hadalka culimada. Axmed wuxuu sii kaxeeyey nin ka mid ah ciidanka boqorka wuxuuna ku qariyey daaha gadaashiisa meel ka qarsoon culimada markaas ayuu hadalkii ku furay inuu culimada weydiiyo magacyadooda iyo dadka hawsha la wada. Culimadii oo war-moogayaal iska ah ayaa tiriyey dhammaan magacyadii dadkii kula jirey qorshaha “Sheekh hebel, qaadi hebel….” Intaas oo dhan waxaa qoraya ninkii daaha gadaashiisa fadhiyey. Iyadoo hadalkii socdo ayaa mid culimadii ka mid ah gacantiisu taabatay ninkii daaha gadaashiisa ku jiray markaasay dareemeen in la shirqoolay waxayna u kala baxeen qaar baxsaday iyo qaar la qabtay. culimadii la qabtay todobaatan iyo todobo ka mid ah ayaa boqorkii laayey oo meydkoodii meel dheer suray si loo daawado.

Boqorkii waxay la noqotay in aanu meesha ku joogin jacayl la jecel yahay ee uu ku joogo xoog iyo in laga cabsado. Laakiin dadkii caamada ahaa ayaa dhiirraday oo aad uga xumaaday dhiiga culimada waxaana bilaabatay kala fogaasho boqorkii iyo dadkiisii dhextaal. Maalin ayaa waxaa is gacan dhaafay askari boqorka raggiisa ah iyo nin suuqa joogay meeshiina waxaa ka bilawday dagaal ilaa magaalada dibadeeda laga soo ciidamiyey oo la isgu yimi daartii boqorka horteeda si loola dagaalamo laakiin boqorka oo xoog badan haystay ayaa si arxan darro ah ula dagaalamay shacabkii iyo culimadaii ilaa shacab iyo culimo badan dhinteen markaas ayey is dhiibeen boqorkiina wuxuu shardi ka dhigay inay ka baxaan magaaalda sidii ayeyna aqbaleen. Qax balaaran ayaa dhacay oo jihooyin badan ayaa culimadii iyo dadkii raacsanaa u kala dhaqaaqeen. Koox ka mid ah oo shan iyo toban kun ahayd ayaa badda ku safray oo ku degtey magaalda Alexandria ee Masar markay muddo joogeen ayey is fahmi waayeen dadkii hore u degenaa Alexandria dagaal ayaana ka dhex qarxay ilaa reer Andalus ay qabsadeen dhamaan magaaladii. Reer Alexandria waxay ku qaxeen buuuraha iyo bannanada hantidoodiina waxaa la wareegay dadkii ka soo qaxay Qurduba. Arrintii oo sidaas ah ayaa warkii wuxuu gaaray boqorkii markaas xukumayey Baqdaad oo la oran jirey Ma’muun markaasuu farriin iyo lacag u soo diray qolyihii reer Andalus ee haystay Alexandria kana codasady inay ka baxaan magaalada farriintiina way aqbaleen oo waxay ku noqdeen doomahoodii ilaa waa dad inay qaxaan u fududahaye. Waxay wejiga saareen oo ku duuleen jasiirada la yiraahdo Crete oo ay ka qabsadeen gaaladii markaas joogtay.

Dib haddaan ugu soo noqono boqorkii Alxakam iyo magaaladii Qurduba ee uu ka saaray culimada, wuxuu dumiyey dhammaan wixii hanti ahaa oo ay lahaayeen dadkii u qixiyey oo ay ku jiraan masaajidoodii, guryahoodii iyo ganacsigoodii.

Waxaa dhacday in nin ka mid ahaa culimadii ugu caansandayd Andalus oo la oran jirey Daaluut ibn Cabdiraxmaan uu ku dhuuntay guri uu lahaa nin yuhuud ah oo reer Qurduba ahaa si uu uga badbaado boqorka. Sannad markii uu ku jirey gurigii yuhuudka ayuu farriin u dirsaday nin wasiir u ahaa boqorka oo la oran jirey Abul Basaam si uu gurigiisa ugu soo wareego oo ugu dhuunto. Abul Basaam waa aqbalay oo shiikhii wuxuu ku soo wareejiyey gurigiisa. Laakiin dadku kala amaano fiicane, wuxuu u tegey boqorkii oo ku yiri “boqorow ka warran wan buuran oo sannad la kobcinayey” boqorkii wuxuu yiri “warka i sii”? Marksaasuu u sheegay inuu hayo shiikhii Daaluut ahaa. Markii shiikhii la keenay daartii boqorka ayuu boqorkii yiri “Daaluutoow, Haddii aabahaa ama wiilkaagu boqor ka ahaan lahaa daartaan ma kuu wanaajin lahaayeen sidii aan kuu wanaajin jirey? Abaalkii wanaagaya ma wuxuu noqday inaad dhiigayga daadintiisa ka talisid? Shiikhii wuxuu ku jawaabay “Intaas oo dhan oo wanaag ah waan qirsanahay, laakiin ilaahay dartiis ayaan kuu necbaa marka abaalkaagii waxaa igala weynaaday ilaahay”.

Boqorkii wuxuu ku jawaabay “Ogow in ilaahii aad dartiis ii nacday uu hadana iga kaa celiyey, waad fasaxan tahay, mana joojin doono wanaajintaada, waxaanse jeclaa in wixii dhacay aanay dhici lahayn. Laakiin side kuu soo helay Abul Basaam?”

Daaluut wuxu yiri “Anigaa u imi” boqorkii ayaa weydiiyey meesha uu sandka dhan ku jirey, shiikhiina wuxuu u sheegay inuu joogay guri nin yuhuud ah.

Boqorkii xoogaa ayuu hoos madaxa u laadlaadiyey, markaasuu kor u eegay wasiirkii Abul Basaam oo ku yiri “Yuhuudi miyaa shiikha sannad badbaadinayey isagoo ku ciseynaya cilmigiisa iyo diintiisa adiguna ma ku ballan furtay marki uu kuu yimi,… ilaahay wejigaaga qiyaamaha ima tuso” boqorkii wuxuu cayriyey wasiirkii wuxuuna yuhuudkii u qoray lacag isagoo ugu abaal gudaya badbaadintii uu badbaadiyey shiikh Daaluut, yuhuudkiina markii uu arkay sida wanaaga loogu sameeyey ayuu soo islaamay”

Cabdulqaadir Cabdi Diiriye,

awjaamac2000@gmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Ergada shirka maamulka 3-da gobol oo Baydhabo gaaraya
Kooxda Monitoring ee UN oo shaqada laga eryey
Muuse Ganjab oo soo saaray war saxaafadeed kaga jawaabayo eedeymihii Monitoring Group
Xarunta ganacsiga Jubba “Dhuxulna ma dhoofino, hubna masoo dajino”
Baraha baroorsinka maraakiibta dekefa Xamar oo la balaarinayo