Naftii hure isku qarxiyey Xarunta gobolka ee Baladweyne

Published: January 24, 2012

Kn: Waxaa saaka subaxdii hore gilgilay magaalada Baladweyne qarax weyn oo uu fuliyey naftii hure soo kaxeysey baabuur Bas caasi ah oo ku qalabeysan waxyaabaha qarxa. Daryaanka oo meelo badan laga maqley ayaa magaalada ku abuurey cabsi iyo argagax iyadoo dib laga ogaadey inuu ahaa ismiidaamin lala eegtey xarunta gobolka ee magaalada Baladweyne. Xiliga weerarkani dhacay ayaa waxaa magaalada Baladweyne ku sugnaa masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Kumeelgaarka ah.

Xarakada Alshabaab ayaa warsaxaafadeed ku sheegtey iney fuliyeen is qarxinta iyagoo sheegtey inuu ahaa hawlgal u fulay sidii ay uqorsheeyeen.  Alshabaab ayaa sheegey iney gaadhsiiyeen khasaare nafeed iyo mid maalba iyadoo dhanka dawladda la sheegey in hawlgalkani uu fashilmey amniga oo aad loo adkeeyey dartiis.

Ciidamada Ethiopianka ah ee jooga magaalada Baladweyne ayaa magaalada kusoo rogey bandoow maanta waxaana yaraadey isku socodka magaalada dhinacyadeeda iyadoo ay dadku umuuqdaan qaar yaaban.

Illaa iyo hadda dhanka dawladda ama ciidamada heysta Baladweyne lagama hayo wax faahfaahin ah khasaaraha ka dhashey weerarkaas marka laga reebo saxaafadda Alshabaab oo qoraal ku qoran afka Ingiriiska u qaybisey saxaafadda kaasoo ay ku sheegteen in weerarkani ahaa mid lagu guuleystey. Waqtiga weerarkani dhacay oo ahayd hilaaddii 7:00 subaxnimo saacadda Geeska Afrika ayaa ka dhigaya mid yareenkara khasaaraha dadka caadiga oo aan iyagu xiligaas aan guryahooda kasoo bixin.

 

KismaayoNews


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
FIIDSOOH : SKA iyo tuuggii Kabo-Calaf
“Dowladda waxay waafaqsantahay heshiisyaddii Siyaad Barre uu galay”
Murankii Xamar lagu xalin waayay oo Addis lala tagay
Mahiga : Xukunka dilka ah ee Somaliland waa sharci darro
Dhallintii Dalkoow