Boqol maalmood iyo boqol KM

Published: January 26, 2012

Kn: Boqol maalmood ayaa maanta laga joogaa maalintii ay ciidamada Kenya galeen dalka Soomaaliya, laakiin wali waxa ay dhaafi la’yihiin boqol Kiilo mitir oo maalinkii koowaadba ay gaareen.

Haddii ay tahay in la rumeysto ereyada afayeenka Kenya Cyrus Oguna, waxaa Kenya dagaalka uga dhintey 7 askari , halka 8 kalana ay shil dayuuradeed ku dhinteen.

Markii la weeydiiyey goorta ay dalka ka baxayaan, ayuu sheegey in aysan jirin waqti cayiman.

Waxa uu afayeenka Alshabaab ku eedeeyey in ay weeraradooda la beegsanayaan bartilmaameedyada sahlan, iyagoo ka gabanaya dagaal fool-ka-fool ah.

Hadaba Boqol maalmood kadib maxaa la gaaray, maxaase la qasaaray?

Dib u eegis yar oo aan ku samaynay jawaabta su’aashaasi ayaa waxaa noosoo baxay in waxa kaliya ee miisaanka la saari karo ay tahay dhanka shacabka waxa quseeya.

Weeraro xagga cirka ah oo dhacay waxaa ku dhamaaday shacab badan oo aan waxbo galabsan, waxaana ku barokacay ku si nabdoon u degenaa.

Taasi badalkeeda shacab kale oo ku cubursanaa maamulka caganta adag ee Alshabaab ayaa sheegey in ay nafiseen, dibna u heleen xoriyad badan oo ay horey u la’aayeen.

Dhanka Kenya, shacabka waxaa kusii korortay cabsi joogto ah, iyadoo weeraro garneelo loo adeegsaday oo dhacay ay dad shacab ah ku waxyeeloobeen.
Magaalada Gaarisa dadka waxa ugu weyn ee saameynta xun ku yeeshey waa dhadhanka shaaha, sababtoo ah qiimaha sokorta ayaa gaaray labo jibaar maadaamaa halkii sokorta laga keeni jirey ee Kismaayo ahayd ay haatan xirantahay, tan Mombasa laga keenana ay halkaasi ku tagto qiimo 3 jibaar ah kii ay Kismaayo kaga iman jirtey.

Howlgalka Kenya laguma micneynin “Duulaan” ee waxaa loo isticmaalay ereybixin ka qurxoon oo ah “howlgalka difaaca dalka”, waxa ay Kenya ku doodeysaa in halista Alshabaab ay ka fogeeyneyso xuduudaheeda, iyadoo walwalka ugu weyn ay yihiin xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab.

Laakiin waxa ay taariikhda na baraysaa in bishii Maarso sanaddii 1995tii ay dowladda Kenya baarlamaan iyo xukuumadna ay go’aan ku gaareen in xoog lagu raro Soomaalidii degeneyd xerooyinkii Utanga ee Mombasa, loona raro Dhadhaab, iyadoo fahamka halkaasi laga qaatay ay ahayd in Dhadhaab ay ahayd meel aanan ka tirsanayn Kenya ama ka muhiimad yar Mombasa.

Dhanka Alshabaab waxaa muuqata in waxyeelo badan ay gaartay, gaar ahaan deegaanada ay lumiyeen iyo saraakiil laga diley, sidaasi oo ay tahay wali waa kuwa jilibka dhulka ku haya oo isdifaacaya.

Lama hubi karo cidda uu faa’iido u yahay howlgalka Kenya, wali waxaa meesha socda maleeshiyaad hubeysan oo isdiidan oo midba uu magac wato, waxyaalaha ay Kenya ku guuldaraysatayna waxaa ka mid ah in ay maamul hal u samayso ciidamadaasi hadhoow halistooda la iman kara haddiiba Alshabaab meesha laga saaro.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
FIIDSOOH : SKA iyo tuuggii Kabo-Calaf
“Dowladda waxay waafaqsantahay heshiisyaddii Siyaad Barre uu galay”
Murankii Xamar lagu xalin waayay oo Addis lala tagay
Mahiga : Xukunka dilka ah ee Somaliland waa sharci darro
Dhallintii Dalkoow