Kn: Dab xoog leh ayaa basbeeliyey suuq weyn oo ku yaala degmada Xamarweyne oo ah farasmagaalaha caasimadda.
Wararka halkaasi ka imanaya waxa ay sheegayaan in qasaare laxaad leh uu dabka geystey, iyada oo markii dambey ay suurogashay in dabka la damiyo si uusan ugu sii fidin qeybaha kale ee magaalada. waxaa dabdamiska ka qeybqaatay gaadiidka dabdamiska ee AMISOM iyo mid DKMG ah ay dhawaan dalka keentey.
Dabka waxa uu ka kacay qeybta qudaarta, waxana uu ku fidey suuqa intiisa kale.
Ra’isulwasaare Cabdiwali Gaas ayaa booqdey suuqa, wuxuu la hadlay ganacsatadii uu dhibka gaaray, isagoo sameeyey balanqaad in dadkaasi la caawin doono.
Dabkani ayaa yimid iyada oo magaalada ay dib nolosha ugu soo noqoneyso.
KismaayoNews.com