Kn: Sargaal sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegey in uu socdo qorshe balaaran oo dowladda Kenya ay ku dooneyso in ay dib ugu celiso kumanaan Soomaali ah oo dalkaasi qaxooti ahaan ugu nool.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda amniga qaranka Francis Kimemia ayaa sheegey in howlgalka Kenya ee Soomaaliya uu abuuray deegaano nabadii iyo degenaanshihii lagu soo celiyey, sidaasi darteedna ay tahay in dib Soomaaliya loogu celiyo qaxootiga.
KN waxa ay fahamsantahay dood xagga qaanuunka ah oo dalkaasi ka taagan taasoo ah in jinsiyadda dalkaasi la siiyo Soomaalida labaatanka sanno halkaasi degenayd iyo in kale, dhibka jirana uu yahay haddii jinsiyad la siiyo dhulka ay degi doonaan iyo halka ay ka codeyn doonaan?, dadka deegaanka Dhadhaab iyo Lagdheeraa iyo siyaasiyiinta halkaasi laga soo doorto ayaysan marnaba ka daadagi doonin in nus malyuun qof jinsiyadda Kenya la siiyo kadibna ay codka ka ridaan dhadhaab, taasina waxay noqon doontaa mid barokicisa dadka deegaanka.
Dowladda Maraykanka ayaa dhankeeda Kenya ka codsatay in aysan qaxooyiga dib u celinin inta laga helayo dowlad Soomaaliyeed oo cagaheeda si rasmi ah isugu taagta.
KismaayoNews.com