Rawling oo waanwaan ka dhexwada baarlamaanka

Published: January 27, 2012

Kn: Waxaa Xamar socdaal ku tagay madaxweynihii hore ee Ganna Jerry Rawling oo ah ergeyga midoogw Afrika ee Soomaaliya, waxa uu socdaalkiisa qeyb ka yahay dadaal lagu doonayo in lagu dhameeyo muranka Baarlamaanka.


Rawling waxa uu la kulmey madaxda DKMG ah iyo garabyada kala duwan ee baarlamaanka sida lagu sheegey war kasoo baxay xafiiskiisa.

KismaayoNews waxa ay fahamsantahay in Midoowga Afrika ay doonayaan in daaha gadaashiisa ay ku dhameeyaan khilaadka baarlamaanka, iyada oo diidmadii AU ay diidey go’aankii baarlamaanka ee xil ka qaadista Shariif Xassan la sheegey in ay ahayd mid salka ku heysa soojeedin baarlamaanka DKMG ah ka timid oo ahayd in xubinimada maamul goboleedka IGAD ee Soomaaliya laga laabto ama cod la galiyo.

Haddii Soomaaliya ay ka baxdo IGAD waxa ay taasi sharci darro ka dhigi lahayd joogitaanta AMISOM, islamarkaasina ay horseedi lahayd in dowladdo baddan oo Qaramada Midoobe ka tirsan ay bixin waayaan qarashaadka AMISOM ku baxa.

Cabashada ugu weyn ee ay xildhibaanada qabaan waa in laga qaaday awooddii ay lahaayeen, gaar ahaan meelmarinta dastuurka cusub oo loosoo xulayo kun ergo shacab ah in ay cod “Haa” ama “Maya” ugu codeeyaan shirweyne bisha shanaad la qorsheeyey.

Booqashada Rawling waxa ay imanaysaa maalmo kadib markii xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNPOS uu u guurey Xamar, xafiiskani ayay laftiisa saameeysey arrinta baarlamaanka, dhawaan waxaa shaqada laga direy ku xigeenkii Mahiga ninka lagu magacaabo Mr. Christian Manhal, waxaa la sheegey labada nin in ay isku qabteen sida loo maareynayo hardanka baarlamaanka oo si aqlabiyad ah cod ugu ridey gudoomiyaha baarlamaanka.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Kibaki oo shirka London kaga dhawaaqaya in qaxootiga la celinayo
“Ingiriiska cirka waa uu ka duqeyn karaa Soomaaliya”
Ciidamada Kenya oo si rasmi ah ugu biirey AMISOM
Somali businessman hails Turkey role as model :- Reuters
Baydhabo oo ka baxday gacanta Alshabaab