Ha u nixin! By Xasan M. Ibraahim

Published: January 28, 2012

Dadka muslimiinta ah wuxuu ilaahay ku tilmaamay inay yihiin dad isu diir naxa oo isu dabacsan, isuna naxariista, gaaladana ku ad-adag ( ( محمد رسول الله والذين معه أشداء على الكفار رحماء بينهم. Dhaqan ahaanna muslimiinta waxaa lagu yaqaannay inay isu damqadaan haddii qayb iyaga ka mid ah dhibaato soo gaadho, ama cadow ka taag-rooni dulmiyo ama duruufo qallafsani la soo gudboonaadaan, sida: abaaro iyo macaluul ku habsatay.

 

Dareenka noocaas ah wali wax badan baa ka dhaqan, dadka muslimiinta ah quluubtooduna way la jirtaa muslim kasta oo meel ku dulman ama ku dhibaateysan, waxaana tusaale kuugu filan sida muslimiintu naf iyo maalba ugu bixiyaan qadiyadda Falastiin iyo qadiyadaha kale ee muslimiinta.

 

Abaarihii ugu danbeeyay ee soomaaliya ka dhacay dad badan oo muslimiin ah oo aan soomaali aheyn ayey damqiyeen oo baad iyo biyaba u dhadhami waayeen ilaa ay walaalohooda tabaaleysan xaaladdooda soo arkaan, waxa ay kari karaan ee taageero ahna gaadhsiiyaan.

 

Qof walba oo soomaali ah oo damiirkiisu noolyahayna in badan ayuu qalbiga ka ooyaa ama ilmaduba indhihiisa soo dhaaftaa marka uu arko darxumada, gaajada, qaxa iyo baaba’a aan ka soo reynta laheyn ee shacabka soomaaliyeed haysta, dad badan oo wax garad ahina waxay aad uga xanuunsadaan, ugana ooyaan heerka aadka u hooseeya ee ay gaadhay karaamadii qofka muslimka ah ee soomaaliyeed.

 

Sh. C/qaadir Nuur faarax ( Alle ha xafidee) ayaa xajkii dhowaa ka sheekeeyay sida ay hay’adaha reer galbeed ee dhaqan xumida faafinaya dadkii soomaaliyeed u dulleysteen. Wuxuu ka hadlay siminaarada rag iyo dumarba la isugu keeno iyada oo ay ku jiraan dadkii indhaha bulshada u ahaa oo ayna juuq ka odhneynin waxa la qasayo iyaga oo u xilanaya dhowr Dollar oo marka siminaarku dhammaado la siinayo. Sheekhu isaga oo aan wada sheegin dhibkii uu arkay ayuu oohin is-hayn waayay isaga oo maanta da’todobaatanaad ku jira!.

 

Xanuunka intaas baaxad le’eg ee muslim oo dhami ka gam’i waayay waxaa si  aan caad saarneyn u soo baxday in ururka shabaab uu ka noxo iska daaye uu ku faraxsanyahay inuu sii dhaawac-tiro xoogaagii yaraa ee ka hadhay dagaalkii ahliga ahaa.

 

Horraantii bishii Oktoobar ee sannadkii tagay waxaan goob joog u ahaa qarixii ururka Al-shabaab uu la beegsaday Xarunta Hargaha iyo Saamaha, waliba waxaan joogay xilligaas qaruxu dhacayey xafiis ay leedahay jamciyad islaami ah oo dhismaha la qarxiyay qiyaastii 40 mitir ka xiga dhinaca koonfureed. Qaraxa dhacay wuxuu ahaa mid aan la sifeyn Karin baaxadda uu lahaa, rag badan oo aan halkaas wada joognayna waxey ka wada marag fureen inayna waligood qarax awooddaas  oo kale leh maqlin.

 

Waxaa nagu soo daatay muraayadihii qolkii aan ku jirnay iyo katabaannadii dharku saarnaa. Qalabkii xafiisyada ee jamciyadduna inta badan dhulka ayey ku soo daateen wax jabay iyo wax aan jabinba. Xafiiskii daqiiqado ka hor shaqada ballaadhani ka socotay wuxuu isu baddalay meel aamusan, shaqadayadiina waxey noqontay inaan raadinno yaa dhintay? yaa nool dadkii aan wada joognay.

 

Dadkii xafiiska joogay qaarkood waxay moodeen in xafiiska laftiisa la qarxiyay, wax yar ka dibna waxaan xafiiska barxadiisa ku aragnay walxo badan oo ka soo duulay qarixii argagaxa lahaa. Dad kale oo xafiis nagu dhowaa nooga soo doolayna waxey noo sheegeen inay agtooda ku soo dhacday lug ka go’an anqowga hoostiisa oo ka soo  duushay goobtii qaruxu ka dhacay!. Sidoo kale waxey noo sheegeen in xafiisyada iyo guryaha agagaarkii qaruxu ka dhacay dhammaantood muraayadihii ka daateen, ka dibna annaga ayaa indhahaya ku aragnay markii aan booqannay qaar ka mid ah jamciyadihii halkaas ka ag dhowaa.

 

Wakhti yar ka dib waxaa na soo gaadhay saaxiibbo xilligaas wax yar ka hor naga tagay oo joogay meel u muuqata goobta qaruxu ka dhacay. Waxay noo sheegeen inay mitirro aan badneyn u jireen qaraxa, cidhiidhi ka jiray gaadiidkii waddada xilligaas marayay dartiisna ay gaadhigooda u joojiyeen, waxeyna sheegeen in qaruxu dhacay iyaga oo saf dheer oo gawaadhi ahi ka horreeyo, waxeyna tilmaameen inay ku war heleen holac iyo uuro samada mar qudha isku shareertay, waxeyna noo sheegeen inay indhohooda ku arkayeen dad ololaya oo nafbaastii marba dhinac u cararaya!.

 

Raggaasi waxey noo sheegeen in argagaxa dadkii aaggaas ka ag dhowaa qabsaday aan la sifeyn Karin, qof walbana uu cagihiisa maalay bal si uu meel ammaan ah u gaadho ama nafta kula cararay meel uu is leeyahay armay gabbaad kaaga noqotaa balaayada dhacday. Raggaas nin ka mid ahi wuxuu noo sheegay inay kala lumeen isaga iyo saaxiibkiis oo ay markii qaruxu dhacayay isku gaadhi saarnaayeen, midkoodbana uu dhinac u ambaday!.

 

Argagaxa uu qaraxaaxi dhaliyay ma aheyn mid qoraal lagu sifeyn karo ama hadal lagu cabbiri karo, waxaanse ogahay inay dad badan muuqaallo laga soo qabtay daawadeen, oo ay arkeen sida makhluuqii halkaas joogay nolol uga quustay naxariis iskaba daaye, muuqaalada dareenkayga ka go’i waayay waxaa ka mid ahaa nin Soodaani ah oo xilligaas shaqo u joogay xafiiskii aan joognay oo cir iyo dhulba qaban waayay. Waxaa ku adkaatay inuu nasto oo meel fadhiisto, mar dabaqa ayuu kor u fuulaa marna wuu ka soo dagaa, mar wuu fadhiistaa marna wuu istaagaa, afkiisuna hadalba wuu gabay. Waxaan is idhi tolow haddii argagax iyo cabsi loo dhinto malaha mar hore ayeyba naftu ka bixi laheyd.

 

Dadka qaar waxey iyana  noo sheegeen inay arkeen nin soomaali ah oo la socday jamciyadihii islaamiga ahaa ee soo gurmaday oo xilligii qaruxu dhacayay ku sugnaa Hotel Saxafi oo aan ka fogeyn Xarunta Hargaha iyo Saamaha oo argagixii ku dhacay dartii banaanka mar qudha u soo booday, ka dibna hoteelka hortiisa taksi ka qabsaday oo ku yidhi madaarka ( airprt-ka ) ii kexee. Haddii uu madaarkii geeyayna ku yihdi duullimaad barrito ka horreeya ma jiree ilaa xilligaas aniga ayaad ii kireysantahay, gaadhigaaga ayaana dhex seexanayaa, wuxuuna kula heshiiyay lacaga dhan $150.

 

Argagixii qaruxu dhaliyay oo wali taagan waxaa billowday in la isweydiiyo khasaarihii qaruxu dhaliyay iyo dadka ku dhaawacmay ama ku dhintay, waxaana goobtii qaruxu ka dhacay ku soo qulqulay dad iyo gaadiid badan oo doonayay inay u gurmadaan dadka masiibadu ku habsatay, wixii noolna ay isku dayaan inay samato-bixiyaan. Wararkii hordhaca ahaa ee soo baxayna waxey sheegeen in dadka qaraxaas ku dhintay ay kor u dhaafeen 80 qof oo dhammaantood soomaali ah!. Dhaawacana waxaa la sheegay inuu gaadhay ilaa 200 qof.

 

Isla markiiba waxaa haddana la is weydiiyay tolow dadkaas meesha ku halaagsamay maxey ahaayeen oo ay arxandarrada intaas la’eg ku muteysteen?, ka dibna waxaa soo baxday in dadka halkaas ku nafwaayay badankoodu ay ahaayeen arday deeq wax barasho ka heshay waddanka Turkiga oo goobta qaruxu ka dhacay xilligaas howlo ka dhammeysanayay iyo dad kale oo xilligaas waddada qaruxu ka dhacayay marayay ama gaadiidkii marayay saarnaa, iyo tiro aan badneyn oo ka mid ah askarta iyo sahqaalaha DFKG.

 

Naxdin iyo xanuun badanaa waa baaqigii ka hadhay da’yartii dagaalada ehliga ahi sahaydeen, meel xunna uma socdaane waddan muslim ah ayey waxbarasho u aadayaan, marka ay wax soo bartaanna dadkooda iyo dalkooda ayay anfacayaan?.

 

Isma laheyn qof ashahaata oo maqlay ama wax ka ogaaday dhacdadaas tiiraanyada iyo xanuunka aan la illaawi doonin reebtay  ayaan naxdini qalbigiisa saaqeynin ama aan tiiraanyo iyo ciil la madoobaaneynin, waxaanse quustay markii uu saxaafadda la hadlay nin af hayeen u ah ururka Alshabaab oo uu xaqiijiyay in ururukiisu ka danbeeyay qaraxa dadka badani ku halaagsamay!.

 

Intaas kuma joojine wuxuu sii raaciyay in aanu qaraxaas qof muslim ahi ku dhiman?. Waxaa taas ka sii foolxumeyd markii wiilkii is qarxiyay codkiisii la soo daayay oo uu sheegay inuu ogaa in meesha uu qarxinayo ay dhallinyaro arday ahi joogaan!. Waxaa musiibo aan la fasiri Karin iyana noqotay markii wiilku intii aanu isqarxinin uu madaxdiisii taleefanka ugu sheegay in gaadiid ay ciidamada AMISOM leeyihiin waddada ka xidheen ee lagu yidhi halkaagii ku sii soco!. Sow iskama cadda in afrikaanka laga naxayo ee aan soomaalida laga naxeynin?.

 

Oo tolow meesha ma wax aan soomaali aheyn ayaa ku dhintay? Soomaaliduse goormay gaalowday? Haddii gaalo aan isqarineynin loo baahanyahayse maxaa gaalo madowda meel walba muqdihso ka joogta loo raadsan waayay? Mise haddiiba aan qaddarno in dadka la gumaaday ay gaalo ayaan daran oo nasiibkoodu goobta qarax xilligaas joojiyay ahayeen, ma gaalada taagta daran ee aan hubeysneyn uunbuu ururkani layn karaa?.

 

Hammigii gumaadkaas arxandarrada ahi igu abuuray waxaan iiga hammi yareyn ragga waaweyn ee intay dadka masaakiinta ah gumaadeen haddana ku sii dhaatay ee gaalnimada ku sii suntay!, Waxaan is idhi miyaan ururkaas madax iyo minjoba ku jirin qof wali damiirkiisu dhaqanyahay oo ay damaqdo ardaydii yaryaraa ee iyaga oo qumuday dhismihii burburay hoostiisa laga soo qufay!. Sow ururkan kuma jiro qof ay la walaalo yihiin wiilal iyo gabdho la da’ ah kuwa maanta la gumaaday ama isaguba dhalay oo ka xanuunsan lahaa haddii geeridooda loo soo sheego?. Maxaa loo waayay qof ururkaas ka mid ah oo ka naxa carruurta qaraxaasi agoonteeyay ee aabbayaashood iyaga oo aan waxba galabsanin la dilay?. Maxaa loo arkiwaayay qof ururkaas ah oo ka naxa carruurta hooyadood oo suuqa uga soo adeegeysay geerideedii loo soo sheegay?. Haddii aakhiro sidaas loo moogyahay oo Alle ka cabsi dhiigga macsuumka ah idinka celin waayay miyaanu jirin qof nabsi ka baqanaya iyo in ciqaabta ficilkaasi adduunka idiinku soo dagdagto?.

 

Maxaa ururkaas looga waayay koox ama qof nabarkaas xanuunka badani damqiyo oo ka bari noqda foolxumada Alshabaab qirteen inay u badheedheen?. Tolow dhammaantood naxdin la’aantan miyay wada qabaan?. Waan hubaa inay jiraan rag badan oo aan khayr ku aqaannay oo gumaadkan ka xanuunsaday, waxaanse garwaaqsanin inay aamus laasimaan iyaga oo og in ceeb iyo cadaab waxa ay yeelataba ay qayb ku leeyihiin haddii ay ku raalli noqdaan.

 

Markii aan aad u walaacay waxaan is idhi soomaali waligeed baa la laynayay hal qaraxna ma dhammeyn karo ee ha u nixin!. Inta badan iyo baaqigaa hadhiye, waxaan is idhi wixii hanti lumay ama dhismayaal burburay ee qaraxaasi sababay iska illow oo ha u nixin! illeyn soomaali naf iyo maalba awalba baylah bay aheyde inta soo hadhana meel ay gasho iyo wax ay quudato ma waayi doontee.

 

Waxaa xanuun gaara iyo naxdinba igu aheyd in qaraxani ku soo beegmay xilli dadkii abaaruhu soo qixiyeen meel walba daadsanaayeen oo ku dayacnaayeen, jamciyadihii u soo gurmadayna annaga oo arkeyna ay qolo walba wufuuddii maalmahaas soo beegneyd joojisay, qoladii aan u tagnana waxay nagu dhahdaa wafdi noo iman lahaa ayaan markii qaruxu dhacay baajinnay. Waxaan is laheyn uga mahadceliya dadkiinna ay u soo gurmadeen, kuna dhiirrigaliya inay dadaalkooda sii labanlaabaan, waxaase na afxidhay in waxa mashaqada sii kordhinaya ee aan dadka u naxeynin ay soomaali yihiin, markaasaan is idhi abaar looma dhamaan jirin, dadkanna Ilaahay baa iska leh oo kaaga naxariis badane ha u dardaarwarin jamciyad la’aanba isagaa irsaaqi jiraye haddiiba ay jamciyaduhu wada qaxaan xataa ha u nixin!

 

Waxaan is idhi argagaxa dadka ku dhacay u adkeyso oo ha u nuglaanin maalmo ka bib waa la iska illaawi doonaa, Heeroshiima iyo Naagasaakiba maanta sheeko uunbaa ka hadhay, dadka halkii dagganna nabad iyo argagax la’aan bay ku noolyihiin, balaayana goor walba ma taagnaato, qabqablayaashii iyo dagaalkii beelahaba laga soo kabay.

 

Waxaan is idhi inta dhimatay iyo inta dhaawacantayba Ilaahay bay leeyihiin oo maxkamad caddaalad ah oo aan eex aqoonin ayaa loogu xaqsoori doonaa dadkii gardarrada ku laayay daalimkuna  in yarbuu sii warraaqi karaa dabinka uu qoolayna isagaa ku danbeyn doona dad badan oo odhan jiray anigaa wax dila waana nooleeyana laftoodii dhinte sharafna kama ayna tagin.

 

Waxaan iyana aad ula murugooday wiilka soomaaliyeed ee laga dhaadhiciyay walaalahaa baabi’i jannaad ku galeysaaye, ee naftiisii loo qoonsaday, ummad badan dhiigeediina dusha loo saaray. Waxaan is idhi war tolow wiilkan ururkooda ah xataa ma ka nixi waayeen haddiiba dad weynaha kale ayna dan ka laheyn, waxaanse isugu jawaabay ninka wiilkan soo diray isagu ma dhalin, waalidkiina ma dhalin, qaraabo kale oo uu ka naxayana ma aha. Haddaba isaga iyo dadka kale miyay u kala duwanyihiin?. Lafo gari sow iyaga la iskuma jabiyo, meesha ma dad naxaya ama naxariisanaya ayaa kuu jooga?.

 

Waxaas oo dhan haddii aan is moodsiis ahaan iskula haasaaway waxaa  iga soo hadhi waayay hadal xumada iyo aflagaaddada laga sii daba tuuray dadkii xaqdarrada lagu xasuuqay iyo been abuurka Ilaahay loola badheedhay ee diintiisii raxmadda badneyd dadkii looga dhigay aalad wax  lagu gumaado. Sidoo kale waxyaabaha aan illaawi waayay waxaa ka mid ah dad aan is idhi malaha kuwanba iyagaa ka shar badan oo meel walba la taagan inay ka marag furaan in Alshabaab uu ceeb ka saliim yahay, dadka uu baabi’iyayna ay iyagu gardarnaayeen!.

 

Adeer garannay inaadan dadkan la gumaadayo u damqanin, una diir nixin aaafo kugu jirta awgeed maxaadse dad daalimiin ah oo iyagiiba qirsan ugu dacwiyeysaa?. Haddii aad odhan laheydeen shabaab dadkaas ma xasuuqin iyagii ayaa ku addimay. Haddii aad ibtilo aydaan waxba xusuusan Karin qabtaanna sheekh google waydiiya wixii ay dhacdadan ka dheheen isagaa shar iyo khayrba uruuriyee.

 

Sidoo kale waxaa iga soo hadhi waayay wiilashan dhallinyarada ah ee qaarna sidii banbaanadii la qarxinayo, qaarna dabkii la rabo lagu shubayo ee haddana sidaas raalliga ku ah!. Miyayna laheyn caqli ama cilmi ay xumaanta iyo samaanta ku kala gartaan, ama ay waddada jannada iyo jahannamo ku kala fahmaan.

 

Goormay muslim la gumaado ama hantidiisa la burburiyo camal janno lagu galo noqotay?. Ma Qur’aan kale ayaa soo dagay? mise cadan baa laga heesayaa siday soomaalidu dhihi jirtay?.

Haddii dhacdadan iyo middii ka horreysay ee Hotel Shaamowba ay si marag ma doonto ah u sugtay in ururka shabaab aanu u naxeynin dadka soomaaliyeed ee awalba mashaqada la il darnaa, sahqada uu hayona ay tahay inuu inta ka hadhay sii dhaawac tiro soo wax aad loola yaabo ma aha inay haddana ina dhahaan waxaan hubka u sidannaa inaan dalka iyo dadka soomaaliyeed difaacno?.

 

Nabarka ka xun ama ka xoog badan midka iyagu ay dadka Soomaaliyeed ku dhufanayaan ee ay ka difaacayaan waa mid sidee ah?. Soomaalida afrikaanku laynayo ee ay inoo muujinayaan inay u naxayaan iyo midda iyagu ay gumaadayaan maxey kala yihiin?. Maxey kuwa afrikaanku dilo muslim u noqonayaan oo loogu naxayaa kuwa shabaab dilana gaalo u noqonayaan oo aan loogu naxeynin?.

 

Waxa ay ka difaacayaan muxuu yahay mar haddii ay intii nooleyd gumaadayaan?. Wixii xabbaddooda ka badbaadayna ay gaalo u galinayaan oo dartood ay deegaannadoodii uga qaxayaan?. Maxeyse tahay diinta ay u naxayaan ee ay u daneynayaan haddiiba ay dadkii haystay sheekh iyo shariifba isku si u laynayaan?.

 

Sow lama gaadhin xilligii la kala garan lahaa afka macaan iyo ficilka arxan darrada ah?. Sow lama joogo wakhtigii lakala fahmi lahaa dicaayadaha iyo xaqiiqada dhabta ah?. Waxay ila tahay waa la joogaa wakhtigii inta soomaali ka naxeysa ay meel uga soo wada jeedsan lahayd dadka soomaali gumaadaya: Shabaab, Afrikaan iyo cid kaleba, Ilaahayna waxaan ka baryeynaa inuu dadka soomaaliyeed ee muslimka ah baaqiga ka hadhay caymiyo; si wanaagsanna uu u dooro dhulkoodana ammaan uga dhigo, diintooda inay ku dhaqmaanna uu makaniyo.

Xasan Maxamad Ibraahim (Abuu xassaan)

xasanyare@msn.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maamulka Jubba oo soo iibsaday Laba doonyood oo kuwa dagaalka ee xeebaha lagu ilaaliyo(Military patrol vessel)
Sakaatul Fitriga oo qafiifisey macaluusha Soomaaliya
Qaxootiga Kenya laga celinayo iyo casharada laga baran karo gumaadkii Ban Balaayo ee Hiiraan
Puntland oo codsanaysa in la baaro xildhibaano Xamar lagu laayay
Wasiir gurigiisa la qarxiyey Kismaayo