Nin waliba halka bugta isagay bal bashaa , Ninka Hooyadii oohinteeda arkayee qoslaya garasho iyo garaadkiis , xanuunka ugu daran ee maanta shicibka somliyeed haystaa waa Odayaasha dhaqanka iyo hogaamiyayaasha qabiilka oo xoog roonaaday awooddii dawladda xarumihii dawladana dhigay maskaxo qabiil oo aan sinaba ugu qalmin Qaranka inta ay maankooda ku kooban yahay reer iyo qays .
Somalia waxaa dhaxlay Suldaan , Caaqil, Garaad, Ugaas , iyo dhamaan wuxuu qabiilku darajeeyay waxayna meesha ka saareen Xog haye Gobol ilaa heer dagmo duqaydii dhaqanka ayaa taladii dalka oo dhan la wareegtay oo waxay wax ku maamulayaana waa xeer jajabkii aan ogolayn in qofka danbiga galay kaligii lagu qaado ,
Nolosha oday dhaqameedku waxay ku salaysan tahay Deegaan yar uu aamin san yahay inuu kaligii leeyahay ama beeshiisa oo kaliya ay degi karto daajisan karto reerkii kale oo xoolihiisa lagu arkaana ay dhac iyo dil u tahay ,halka dawladu ay tahay dajinta qorshayaasha dhaw iyo kuwa fog ee dalka iyo dadka lagu dhaqo qabiilka iyo qofka u fakara habka qabiilka ehel uma ahan
Ujeedka dawladdu waa horu marinta guud sida wadooyinka warshadaha iyo tacliinta aas aaska u ah horu kaca bulshadeed hasa ahaatee markay dalkeena majarihiisa hantiyeen odayaasha dhaqanka oo hamigooda iyo ujoodkoodu uu ku kooban yahay deegaanka yare e biishiisu dagan tahay inta kale dalkana muraad kama lahan taasina waxay sabab u tahay inaan jidka horu marka ka leexano oo aan cagta saarno jidka dib u dhaca joogta da ah .
Markuu Dal dhan dadkiisii noqdaan Qoxooti waxaa hawsha kaliya ee u taalla ay noqotaa safaf dhaadheer inay u galaan waxa laga soo baryay dad asaagood ah ,waxaa dadkaas mijo iyo madaxba ka dhuma himilada noloshana intuu male awaalku ka dhumo ayaa habbiso lasaaraa mustaqbalka mugdi uga dhigta ,waxay ku abuurtaa is nacayb kalsooni xumo iyo rajjo beel nololeed midda ugu saraysa .
Nafta aadanaha markay yididiilo beesho oo rajo beel ku dul dago geeri waxba ma dhaanto ileen aadamigu waa noole rajo ku nool ahe , marna suura gal ma ahan inay shacab dhan isu dhiibaan inta xun ee nolosha , dar xumada iyo diifta colaada iyadoo heerkeeda ugu xun maraysa ayaa waxaa mar kasta jira dad ka nool qalbiga oo maadada wadaniyaddu tahay ugga asaasiga ah ee noloshooda .
Aadam Zaki
Aadan17@hotmail.com