Jaamcadda Jubada hoose waa jaamicaddii labaad ee si gaar ah loo leeyahay ee ka hirgasha gobolada jubooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo.
Jaamacadda jubbada hoose waa jaamacad ay aasaaseen aqoonyahnno soomaliyeed oo kasoojeeda deegaanka jubboyinka waana jaamacaddii ugu horeysay ee laga taago deegaanka jubooyinka oo bixisa maaddooyinka caafimaadka laxidhiidha .
Jaamacadda lower jubba waxaa la dhagaxdhigay markii ugu horaysay 07/08/2010 waxayna ka kooban tahay jaamacaddu kuliyadaha kala ah:
1-qaybta caafimaadka
• Nurse
• Lab technician
•M idwifery
2- Daraasaad ka islaamka
3- Waxbarashda
4- qaybta machadka jaamacadda ee diyaarinta ( lju institute of science )
Qaybta preparation ka ama diyaarinta waxaa loogu talagalay in lagusoo dhiso dadka waxbarashadu dhaaftay iyo ardada mustawaha hooseeya leh.
Jaamacaddu waxay xoogga saaraysaa dhinaca caafimaadka waxii la xidhiidha , qorshaheeda waxaa ka mid ah in ay deegaanka wada gaadhsiiso qaybaha caafimaadka mustaqbalka dhow hadduu alle idmo.
QAYBAHA JAAMACADDA FACULTY OF HEALTH SCIENCE
Departments Degree/level Years Admission date
Nurse Bachelor degree 4. years January & august
Lab Diploma 2. years January &august
Midwifery Bachelor degree 4. years January &August
FACULTY OF EDUCATION
Departments Degree/level Years Admission date
Biology and chemistry Bachelor degree 4. years January & August
FACULTY OF SHARIA AND LOW
Departments Degree/level Years Admission date
Sharia Bachelor degree 4. years January & august
SHURUUDAHA ARDAYGA LAGU AQBALO
QAYBTA JAMACADDA
1)Da diisu waa inaysan kayarayn 18 sano
2)Waa inuu keenaa documents ka looga baahanyahay oodhan sida
- Shahaada dii dugsiga sare oo sax ah. Ama wax udhigma
- Sawiraan passaport size ah
- Waraaq usluub wanaag iyo waraaq codsi ah.
- Waa inuu kubaaso imtixaanka qubuulka
3) Waa inuu luuqada English ka kufiican yahay.
4) Waa inuu bixiyaa lacagta diiwaan galinta jaamacadda.
5) Waa inuu kubaaso imtixaanka qubuulka ee jaamacadda, kadibna semesterka lacagtiisa iska bixiyaa.
QAYBTA PREPARATION KA
1) da’diisu waa inaysan kayarayn 17 sano
2) waa inuu keenaa
- waraaq usluub wanaag
- waraaq codsi
- sawiraan
3)waa inuu kuguulaysto preparation test ga
4)waa inuu bixiyaa lacagta diiwaan galinta iyo feega semesterka
Maamulka Jaamicadda Lowerjubba University