Gudiga wasiiro ah oo loo saaray maamul u samaynta gobolada

Published: March 15, 2012

Kn: Xukuumadda Soomaaliya aaa guddi heer wasiir ah u saartay maamul u samaynta gobolada dalka ee soo galay gacanta dowladda, gudigani ayaa lagu dhisey siminaar labbo maalmood ahaa oo ay dowladda qabatay.

Gudigani ayaa waxaa gudoomiye ka ah Cabduwaahaab Ugaas Khaliif, Ra’isulwasaare ku xigeenka ah, ahna wasiirka ganacsiga, waxaana xubno ka ah afar wasiir oo kale.

Waxa ay kala yihiin Cabdullaahi Xaaji Xaasan wasiirka arrimaha dibadda, Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, Cabdisamad Macalin Maxamuud, Wasiirka arrimaaha gidaha, yo amniga qaranka, Abukaate Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, wasiirka dastuurka arrimaha federaalka iyo dib u heshiisiinta.

Maamul samaynta ka sokoow, howshooda waxaa ka mid ah hub ka dhigis lagu sameeyo meelaha Shabaabka laga saaray, gaar ahaan in la xareeyo ama la xadido hubka waaweyn.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maxkamadda Sare oo albaabada u fureysa shacabka
Dib u eegista dastuurka oo qaadan karta 2 sanno
Daawo hab maamuuska Qaahiro loogu soo dhaweeyey Farmaajo
Dowladda Federaalka oo hal beel u asteysay madaxtinimada Hirshabeelle
Golaha wasiirada K/Galbeed oo la ansixiyey