Ciidamada Uganda ee Xamar oo aanan mushaar la siinin

Published: March 16, 2012

Kn: Ciidamada ka socda dalka Uganda ee ka tirsan AMISOM ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo bilooyin badan ah heysatay.

Askariga bishii waxa uu qaataa $750, boqol ka mid ah lacagtaasi ayaa iyada oo cadaan ah lagu siiyaa inta ay Soomaaliya joogaan, waxa soo harana waxaa lagu shubaa akoonadooda bangiga Uganda si qoysaskooda ay u nacfistaan.

Laakiin taasi ma ahan mid dhaqangashay, ku dhawaad lix biloow ciidamada Uganda ma aysan helin wax mushaar ah, qoysaskooduna waxaa lasoo daristey dhibaato xagga nolosha ah.

Markii arrintani wax laga weeydiiyey afayeenka AMISOM Paddy Ankunda oo sidoo kale ka tirsan ciidamada Uganda, waxa uu sheegey in dhibaatada ay ka jirto dhanka Midoowga Afrika oo lacagaha aanan bixinin xiligii loogu talogalay.

Laakiin sargaal kale oo magaciisa qariyey ayaa sheegey in hadalka Paddy uu yahay mid been ah, sababtoo ah ciidamada Burundi iyo Kenya waxaa mushaaraadkooda la siiyaa inta aysanba bisha dhamaanin, Midoowga Afrikana ay bixiso lacagaha sidii loogu talogalay, waxa kale oo uu sheegey in dowladda Uganda ay mushaarkooda ka jarato labbo boqol oo doolar oo aanan heshiiska ku jirin.

Horaan ayay usoo baxeen eedeymahani oo kale, waana wax ku kooban ciidamada Uganda.

In aanan ciidamada la siinin mushaarkooda waxa ay jilaafo ku noqon kartaa howlagalada ay dalka ka hayaan.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Heshiis maamul loogu dhisayo gobolada dhexe oo la saxiixay
Erdogan oo celinaya abaalmarin qolo Yuhuud ah horey u siisey
Video : Daanyeero sarqaansan dalka Kenya
Maamulka Jubba oo soo iibsaday Laba doonyood oo kuwa dagaalka ee xeebaha lagu ilaaliyo(Military patrol vessel)
Sakaatul Fitriga oo qafiifisey macaluusha Soomaaliya