Turkiga iyo Yemen yaa xaq u siiyay inay Safaarado ka dhistaan Xeebta Muqdisho ?!! WQ Sacdiya Muse(Magool)

Published: March 19, 2012
 Waa arrin feejignaanteeda leh , layaabkeedana huwan , kana fog wadan jaceyl , ceebna ku ah Siyaasiyiinta iyo hogaanka siyaasadeed ee dalka .
 
Waxaan aad ula yaabay sanadkii 2007-dii markii Madaxweynihii hore ee KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed siiyay dhul ku dhow afaafka hore ee Xeebta dekaddii hore ee Muqdisho dowladda Yemen si ay uga dhisato Safaarad , waxaase iga yaab- badnaa maanta markii aan arkay derbiga Masjidkii C/casiis ee burburay ilaa iyo derbiga ku dhow Xeebta Liido ee degmada C/casiis oo laga taagay Laba Tabeello ,kuna kala qoran yihiin ( Turkey Embassy) , waxaan eegay mar labaad si aan u xaqiijiyo, waxaase arkay ilaalo ciidan Soomaali ah oo goobta ku sugneed , iyadoo goobtana ay ka bilaabatay howl dhismo , si aan u eego heerka fikir ee uu aaminsan yahay askariga albaabka taagnaa  ayaa waxaan weydiiyay inuu ii qeexo aragtida uu ka qabo dhismaha cusub ee goobtaasi laga dhisayo , wuxuu iigu jawaabay : “ wadankeenu wuxuu waayay wadani ,Turkiguna wuxuu safaarad ka dhisayaa goobaha dalxiiska loogu tala galay ee dhaqaalaha ka soo gali lahaa wadankeena”.
 
Waxaase layaab leh Maamulka gobolka banaadir oo la ii sheegay inuu ahaa fududeeyaha in dhulkaasi la bixiyo , hayeeshee awooda shaqa-joojinta iyo dib u soo celinta hantida guud ay xaq u leeyihiin Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Sare ee dalka , kuwaasoo ilaa iyo hadda aan wax war ah ka soo saarin xadgudubkan iyo boobka ka soconaya dhulka Xeebta .
 
Safaaradda Yemen , waxa ay dhistay derbi weyn  oo xeebta ku dhow ,hayeeshee ma aaney dhameystirin sababo dagaalo horey ugu dhexmaray degmooyinka Shangaani iyo C/casiis ciidamada dowladda FS oo kaashanaya AMISOM iyo Xoogaga Xarakadda Alshabaab.
 
Waxaa la ogsoon-yahay in Safaaradaha Soomaaliya ee Caasimadaha Sanca iyo Ankara ay degan yihiin guryo kiro ah , halka dowladaha Yemen iyo Turkiga ay doonayaan in si ka baxsan sharciga caalamiga inay ku helaan dhul istiraatiiji ah oo Xeebta Muqdisho ku yaala, taasoo ay keeni doonto muran dhinaca sharciga la xiriira .
 
Sida sharcigu yahay , hadii dhisma Safaarad ajnabi ah laga sameeynayo gudaha dalka , waxaa ogolaanshaheeda leh Xukuumadda oo ay ugu horeyso Wasaaradda arrimaha dibadda , safaaradda ajnabiga wax dhul ah looma hibeyn karo , lamana siin karo , calankeedana dhulka kama taagi karto hadii guriga ay degan tahay uu kiro yahay , iskaba daayee in derbiga dhismaha ay ku midabeyso midabka calanka  dalkeeda , waxaase waajib ah in safaaradda ajnabiga ay dhul ka iibsato goob aamin ah , waxaana howsha kala iibsiga ay dhexmareysaa Wakiil ka socda dowladda ajnabiga iyo milkiilaha dhulka oo dekumintiyadooda marka hore u gudbinaya Wasaaradda arrimaha dibadda , Wasaaradda arrimaha dibaduna waxa ay dekumintigaasi ka xaqiijineysaa Wasaaradda arrimaha gudaha gaar ahaan dowladda hoose , kadib xaqiijin feylka waxaa ay wasaaradda arrimaha dibadda u gudbineysaa Maxkamadda gobolka ama Maxkamadda sare si go’aan cad oo qeexaya heshiiska caalamiga ah ee safaaradaha ajnabiga la marsiiyo kala iibsiga dhulkaasi, iyadoo la xusayo in muddo 99 sano kadib milkiyadda dhulkaasi ay dib ugu noqoneyso gacanta dowladda dhexe ee dalka ,iyadoo safaaradda ajnabiga ay xaq u yeelaneyso inay dib u iibsato isla dhulkaasi kadib cusbooneysiinta heshiiska .
 
Hadaba , waxa ay u muuqataa in qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta hogaanka heysa aaney muujineyn  wax u dhigma qiiro daljaceyl , Hadii Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf uu qaldamay , waxaa qaladkii labaad sii galay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed , iyadoo la ogsoon yahay in Xeebta ay tahay il dhaqaale oo laga dhisi karo Hoteello , baarar laga cunteeyo , goobo lagu nasto ( koorniish)  iyo waxyaabo kale oo nafci u leh dalka , waxaase yaab leh in si fudud oo aan sharci aheyn lagu bixiyo dhul dan guud , iyadoo la ogsoon yahay in Xerada Xalane oo saldhigga ciidamada AMISOM uu ku yaalo Hoteel kaasoo habeen waliba lacag ku dhow $150 USD looga qaado shaqaalaha samafalka iyo weriyeyaasha shisheeye ee wadanka soo booqda, lacagtaasina ma ahan mid gacanta dowladda Federaalka KMG ah ku soo dhacda .
 
 
W/diyaarisay : Sacdiya Muuse ( Magool)
 
Mogadishu-Somalia

KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Baarlamaanka Soomaliya oo Xanuunkiisii kusoo kacay
Dowladda oo shirkad shisheeye u saxiixday dhul beereed
Press Release : Somalia government’s take on Banning UN Flights from Hargeysa and Berbera
Dowladda oo war kasoo saartay Somaliland oo joojisey duulimaadyada Qaramada Midoobey
IGAD oo Kismaayo ka laabatay