( الغاية تبرر الوسيلة ).
Hordhac:
Ilaahay Baa mahad iska Leh , nabadgalyo & Naxariis nabigeenii Korkiisa ha ahaato. Ka Dib.
Dantaan Leenahay Baa ka Wayn!! (Waa Maqaalo Taxane ah )Waxaan Rabaa inaan Baraarujiyo, Qaacidada Dhahaysa Dantaan leenahay Baa Ka wayn, Ama Afka Carabiga Lagu Yiraahdo ( الغاية تبرر الوسيلة ). , waa Qaacido la Garano Cidda ku Dhawaaqday & Danta ay Ka Lahayd, waxaana la wada og Yahay in uusan Islaamku Qabin Qaacidadaas,
Muslimiinta : Ujeedadooda waxaa laga Dhigay mid Banaan
Dariiqa ay u Marayaana waa mid Asaga Banaan.
Lama ogola Arin aan banaanayn Sharcan in loo Maro Jid Banaan ,
Jid aan banaanay in La Marana laguma Gaaro Ujeed Banaan.
Haddaan Tusaale u soo Qaadano, Xajku waa Mashruuc Laakiin Xoolo Xaaraan ah Laguma Xajin Karo,
Dhanka Kale : Xoolo aad leedahay oo xalaal ah kuma gadan kartid Khamro.
Taas waxay ku Tusaysaa in Wasiilada & Hadafkaba ay lagama maarmaan Tahay inay Banaan yahiin Sharcan.Hadaba Da’yarta Qaacidadan isticmaalaysa , Miyay ka Noqotay mise waa Barnaamij ay ku Khasban Yahiin oo Cidaan ayaga ahayn baa u Dardaarmaysa.
Qaacidadaa waxaa Bilaabay oo ku Soo Caan Baxay Nin la Oran Jiray Makfili , Sidaa darteed wixii asaga ka danbeeyay waxaa loo Bartay Magaciisa in ay Tahay Qaacidadii makfilili ,
Waxaa Haddaba iswaydiin Mudan Xaggay inaga soo Gashay Qaacidada Makfilili?. Waxaa kale oo lays waydiin karaa intaan lays waydiin Su’aashaa hore : Horta xagee inaga soo Galay ina Godane & Kooxdiisa?
Waxaan Hubaa in Dadbadan ka Hadleen arinkaa oo isdul taageen Kooxdaas, laakiin waxaan rabaa dhan aan wali laga eegin inaan ka eego kooxdaas.
Waxaan Jeclahay inaan ka Hadlo.:
1- Axmed Cabdi Aw Maxamud (Godane) Taariikh nololeedkiisii
Axmed Cabdi Aw Maxamud Haybe Goodhaadh,
Afaryare , Dhuuxwayn, Muuse Abokor , Arab, Isaaq, Somali
Axmed Cabdi Wuxuu Dhashay 1968kii Wuxuuna ku Dhashay Magaalada Haygaysa Xaafadda October , Meel aan sidaa uga Fogayn Shinema October.
Garoonkii Hore ee Magaalada Hargaysa oo Hadda loogu Magac daray Awowgii Maxamud Haybe Godhaadh.
1975-1983 ayuu wax barashadiisa hoose ku Soo Qaatay Hoose Dhexe J/Daud.
1984-1989 wuxuu ku qaatay waxbarashadiisa Dugsiga Sare Axmed Gurey.
Waxbarashadiisii Hoose & Sare waxaa uu ku Qaatay isla Magaaladaa Hargaysa wuxuuna ka Baxay Dugsigii Sare ee Axmed Gurey oo isla Sanadkaa loo Bixiyay Cumar bin Khadhaab 1989kii.
Intuu ku Jiray Dugsiga Sare ee Sida Xooga ah ay u socdeen Dagaaladii & Kacdoonkii Gooni u Goosadka S/land wuxuu ahaa Dhalinta aadka u Taageersan SNM. Axmed wuxuu si xamaasad leh ugu soo halgamay oo uga qayb qaatay dagaalkii sokeeye, wuxuuna in badan ka xifdiyay gabayadii & Heesahii kicinta ahaa ee lagu dhiirigalin jiray SNM oo isugu yeeri jiray ilaa maantana isugu yeera Mujaahidiinta SNM.
Wuxuu ka mid ahaa Dhalinyaradii Xabadda Riday ee u Soo Dagaalamay in Somaliland ay Soomaaliya inteeda kale ka Go’do.
Dagaalkii Sokeeye Nimankii uu ka midka ahaa ee ka Qayb qaatay Xiligaa Dagaalkaa uu Socdayna waxay isku magacaabi jireen Mujaahidiinta SNM.
Axmed Qoyskooda waxay Dagaan Kaam Barwaaqo oo Dhacda xad beenaadka Bariga Dhulwaynaha S/Galbeed & Wuqooyigalbeed Somalia.Dhuldaaqsimeed uu Fasaxyada Marka Iskoolka la Xiro Xoolaha ku Raaci Jirayna waa Nawaaxigaa .Dhaqanka & Sugaanta Soomaaliga wax baa uga Bilaaban, Gabayada waa uu Xifdin karaa haddaanu Asagu afaray luun jeex ah tuuran.
Axmed Godane Wuxuu Waxbarasho ka helay Dalka Pakistan, Sida uu Waxbarashada ku Helay Cid og ma Jirto 1994kii, Laakiin waxaa la Sheegaa in Sheekh Moxamed Alqaa’idi oo Joogay Dalka Jabuti uu u Sahlay,
Waxaa Xiliyo isku Dhow Dalka Pakistan Laysugu Keenay Saddexda Nin ee ugu Saraysa maanta Xarakada Al Shabaab oo kala ah
1- Ismaciil Mamxamud Muhummad (Caraale)
2- Ibrahim Jamac Miicaad
3- Axmed Aw Maxamud Godane
La soco Qormada Danbe
WQ. Xaaji Barre Xaaji Xuseen
Aziiz7@yahoo.com