R/Kambooni oo Booqday Villa Somalia, Martiqaad mise Dabin? Dr. Abaas

Published: March 29, 2012

Madaxweyne Sh.Shariif oo ka faa’iidaysanaya khilaafka u dhexeeya Azania iyo ururka Raaskambooni, ayaa xubno ka tirsan hogaanka Raaskambooni kula kulmay Villa Somalia 28 Maarso 2012. Talow kulankani ma dabinbaa mise waa iskaashi siyaasadeed?!

Waxaa hubaal ah in dad badan oo Soomaali ahi aysan ku faraxsanayn awoodii ciidanka Raaskambooni oo dib u soo laabatay iyo waliba siyaasada Prof. Gaandi ee dhisida dowlad goboleedka Azania. Dadka sida goonida ah isha ugu haya isla markaasna aadka uga walaacsan awooda ciidamada Raaskambooni waxaa ugu horeeya Sh.Shariif Sh.Axmed iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Gedo oo labaduba aan ku faraxsanayn awooda sii kordhaysa ee ciidanka Raaskambooni.

Waxaa kale oo hubaal ah in DKMG ahi aysan rabin in hogaanka siyaasadeed ee gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ay horseed ka noqdaan Prof. Gaandi ama Axmed Madoobe. Hadaba si talaabadan loo meel mariyo, DKMG waxay ku dadaalaysaa sidii ay u sii fogeyn lahayd khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya Prof. Gaandi iyo Axmed Madoobe, taasi ayaana sabab u ah in Sh.Shariif Villa Somalia kula kulmo xubno ka tirsan ururka Raaskambooni.

Kulanka Villa Somalia ku dhexmaray Sh.Sharif iyo Raaskambooni waxa uu aniga iila muuqdaa in uu yahay dabin loo dhigayo ururka Raaskambooni, waxa ayna la mid tahay isla dabinkii iyo dhagartii hadda ka hor loo dhigay Prof Gaandi, balse dabinkaas waa ka badbaaday Gaandi isaga oo kaashanaya aqoontiisa iyo taageero buuxda oo uu ka helay dadka deegaanka iyo siyaasiyinnta Absame ee reer Kenya.

Dabinka Sh.Shariif maanta u dhigayo ciidamada Raaskambooni waxaa kale oo uu la mid yahay isla dabinkii hadda ka hor loo dhigay Sh.Xassan Turki iyo Axmed Madoobe sanadkii 2009, waqtigaas oo laga codsaday ciidamada Raaskambooni in ay ka dagaalamaan Muqdisho iyo gobolada dhexe. Markii awoodii ciidamada Raaskambooni ku wiiqantay dagaaladaas, ayaa Alshabab weerar ku qaadeen ciidamada Raaskambooni, kana fara maroojiyeen gobolada Jubbooyinka.

Haddaba si looga hortago maamul goboleedka Azania isla markaasna loo wiiqo awooda ciidan ee Raaskambooni, waxaa suurta gal ah in Sh.Shariif xilal kala duwan u magacaabo Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Macalin Maxamed, ka dibna ciidankooda lagu dhex daro ciidamada taabacsan Sh.Shariif oo ka kooban maleeshiyaad beeleed aan noqon karin ciidan Qaran, ka dibna hakaasi ay ku bur-burto awoodii ciidan iyo middii siyaasadeed ee dadka degan gobolada Jubbooyinka.

Maalmaha ama bilaha soo socda ayaa cadayn doona in kulanka dhexmaray Sh.Shariif iyo waftiga Raaskambooni uu ahaa dabin iyo in kale.

Dr.Maxamed Cabaas
Kismaayo91@hotmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Waftigii IGAD oo gaaray Kismaayo kulamana galay
Xamar, kulankii IGAD iyo dawladda
Sheekh Shakuul “Waan ku qanacsanahay madaxweynenimada Axmed Madoobe”
Madaxweyne Axmed Madoobe oo la caleemo saaray
Dowladda : Waan joojiney waanwaantii Kismaayo, talaabo ayaan qaadaynaa