Adeegto, Fillo iyo Fatuurad

Published: April 8, 2012

Wargayskuu ka shaqaynayay wariye reer Jarmal ah ayaa u diray dal Carabta inuu joogto uga soo tabiyo warka wacaasha dalkaas , waxaa la dajiyay Guri filo ah asaga iyo xaaskiisa laba caruura ooy dhaleen ayaa weheliya , waxaa la siiyay Gaari, Darawal iyo waliba gabar guriga uga shaqaysa (Adeegto), nolol uusan ku haysan jarmalka ayuu helay.

3 bilood ka dib xaaskiisii ayaa waxay go’aan ku gaartay inay dib ugu noqoto Jarmalka waliba ayadoon arintaas kala falanqoon odaygeeda! Laakiin gooni ayay u gaartay waliba inaysan dib ugu soo noqon noloshaan ,nolol nooma taallo dalkaan maalin kaliya xitaa ayay tiri ayadoo aad u caraysan.

Maxaa dhacay! ? xaaska wariyaha waxay aragtay ubadkeedii inay diidayaan iskoolka u dhaw ay lug ku tagaan kagana imaadaan waxay sugayaan mar kasta Gaariga , sidoo kale lugohooda ma dhaqaan xiliga hurdada ka hor mana rumaydaan, kaaga sii darane TV ga ayay daawadaan oo wax akhris laguma karo, waxaa intaasba ka sii daran markay la hadasho lugaha ayay isa saartaan markaas ayay u jawaabaan ama umaba jawaabaan .

Micnuhu waxaa weeye hooyadaas waxay iska diiday inay Gaari iyo adeegto ku doorsato Dhaqanka dalkeeda iyo mustaqbalka ubadkeeda , dadka reer jarmal umaysan halgamin inay helaan oo kaliya Filo iyo Fatuurad , waxay ka doorbiday aqalkii yaraa ee ay ku noolayd iyo caruurtii iskoolka lugta ku aadayay isla markaana maqal fiican u lahaa Hooyadood beerkeeda ka jecel .

Baarayaasha cilmiyada bulshooyinka waxay sharaxaad ka bixiyeen dhawaan in Shacabka jarmalka dhaqankiisa aysan waxba ka dhimi Karin 5 malyan oo Turkish ah iyo 1 Milyan oo Carab ah iyo dhawr Boqol oo Soomaali ah , waxayna sii sheegeen inay carabtu durba qaadan doonaan dhaqanka Jarmalka laakiin Soomaalidu waxay ilaashan doonaan Qabyaaladda iyo qaybinteeda bulsho qiimana uma lahan.

Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Hordhac : Xog aan ka helney gudigii xaqiiqo raadinta IGAD ee Kismaayo tagay
Duulimaadkii Kismaayo iyo Xamar oo dib u furmey
Ciidamo ka socda Sierra Leone oo soo gaaray Taabdo, Jubadda Hoose
Mooshinkii lala noqey, laakiin mar kasta waa lasoo celin karaa, xitaa berri
Jubbaland : Hadal is burinaya oo kasoo baxay Ethiopia