Waraysi aan la yeelanay Qoraa C/casiis Xildhibaan

Published: May 21, 2012

Kn: Shakabada KismaayoNews waxaa u suurogashay in ay waraysi dhinacyo kala duwan la yeelato Qoraa Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”, waraysinagi waxa uu ka dambeeyey kadib kulan qorayaal Soomaaliyeed ay ku qabteen dalka Findland.

Waakan waraysigii oo dhamaystiran

Wareysi C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”

1. Mudane marka hore ku soo dhowoow shabakadda www.kismaayonews.com

Jawaab;- Aad & aad ayaan u dhawahay.

2. Mudane waxaad tahay qoraa, aqoonyahan Soomaaliyeed iyo qof u dhaqdhaqaaqa horumarinta qoraalka, waxaad nooga warantaa sida aad hawshani ku biloowday iyo waxa kugu dhiirogaliyay?

Jawaab;- Waxaan ka tirsanaa dhallinyaradii wasaaraddii waxbarashada & barbaarinta intii aanay burburin dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dhinaca qoraalkana waxaan bilaabay anigoo aad u dhallinyar.

3. Ma jiraan wax buugaag ah oo aad qortay, haddii ay jiraanse waa meeqa buug, ciwaannadooda ma noo sheegi kartaa?

Jawaab;- Haa, buugaagtii aan qoray waa 9 buug oo isugu jirta Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta Soomaalida, buugaagtaasina waxay kala yihiin;-

B. Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen?, Dastuuradii, Axdiyadii & Xeerarkii loo dhigay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
T. Taxanaha Taariikhda Soomaaliya.
J. Maahmaahyo Murti & Madadaallo.
X. Sooyaalkii Suugaanta Cabdulle Raage Taraawiil.
KH. Xulka Maansooyinka Soomaaliyeed.
D. Horseedayaashii halaagga Soomaaliya.
R. Dal aan dadkiisu damqasho laheyn.
S. Maamulladii & madaxdii soo martay Soomaaliya
SH. Sheeko ama Shaahid.

4. Muddo intee la’eg ayaad ku jirtay mihnada qoraanimada, afkee ayaadse wax ku qortaa?, mise is leedahay waad ka gaartay heerkii aad dooneysay?

Jawaab;- In ka badan 25 sano, waxaana wax ku qoraa afafka Soomaaliga, Talyaaniga & Ingiriiska. Welina wuu soconayaa halganka aan ugu jiro horrumarinta afkeena.

5. Dhawaan waxaad ka qeybgashay kulan qorayaasha Soomaaliyeed oo lagu qabtay dalka Findland, maxaad nooga sheegi kartaa shirkaasi haddii ay ahaan lahayd ujeedada, tirada buugaagtii lagu soo bandhigey, iyo waliba kaalinta la siiyay afka Soomaaliga?

Jawaab;- Kulankaasi waa kulan sanadkiiba mar la qabto isla markaana lagu soo bandhigo buugaagta Soomaalida waxaana lagu soo bandhigay in ka badan 270 nuqul ama nooc oo buugaag laga qoray Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta Soomaalida. Afka Soomaaligana wuxuu kaalinta 3aad ka galay buugaagta la amaahdo ee dalka Finland.

6. 20 sanno ayaa laga joogaa tan iyo intii ay burburtay dowladdii Soomaaliya, waxaa la burburay horrumarintii Afka Soomaaliga iyo dhamaystirka ama ebyidda naxwixiisa iyo qoraalkiisa, adiga ka qore ahaan, iyo dabcan qorayaasha kale ee aad garanaysid, kaalin intee la’eg ayaad ka geysateen horrumarinta afka iyo qoraalkiisa?

Jawaab;- Waxaa weli soconaya halganka aan ugu jirno sidii aan gacan uga geysan laheyn hannaan xassilloon oo uu yeesho afka Soomaaliga, dadaalkaas isaga ahina weli waa qabyo oo wuu soconayaa.

7. Marka laga hadlayo hurrumarinta Afka Soomaaliga iyo qoraalkiisa, howl intee la’eg ayaa Soomaalida u taalla?.

Jawaab;- Howlaha dhinaca horrumarinta & xassillinta afka Soomaaliga waa muhiimad laga dhowrayo guddiyadii baaba’ay ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay horay u sameysay soo celintiisa, sidaasi darteed waa arrin na sugeysa dhammaanyteen ka qeybgalkiisa.

8. Adigu waxaad leedahay bog aad ku uruuriso buugaagta, tirakoob maka heeysaa buugaagta afka Soomaaliga ah ee aad uruurisey?, ma jirtaa cid kale oo ururisay Afka Soomaaliga iyo buugaagta ku qoran oo aad akhristayaasha u tilmaami karto?

Jawaab;- Waa jiraan waxaana howshaas iyada ah qabta shirkadda daabacaadda buugaagta ee Scansom Publishers ee fadhigeedu yahay dalka Sweden ee uu guddoomiyaha ka yahay Max’ed Sh. Xassan Nuur.

9. Maxay tahay taladaada ku aadan sidii loo xifdin lahaa afkeena hodanka ah iyo qoraalkiisa, haddii ay ahaan laheyd ereyada sii lumaya ee la hilmaamayo, jiilka cusub ee afafka kale ka dooranaya Afka Soomaaliga, iyo waliba gefafka waaweyn ee afka laga galayo, gaar ahaan saxaafadda xiligani jirta?

Jawaab;- Maanta lama joogo heer wax la dhaleeceeyo, afka Soomaaliga wuxuu ka mid yahay waxyaabihii burburka ballaarani uu soo gaaray tan & wixii ka dambeeyay burburkii dowladnimo ee Soomaaliya. Saxaafadda maanta ee Soomaalida dhallinyarada ku howlani dadaal ballaaran ayay sameeyeen wallow haddana ruux kasta uu afka Soomaaliga u dhigo sidii uu doono.

10. Inta la og yahay hal qaamuus ayaa laga qoray Afka Soomaaliga, ma jirtaa hawl kale oo la oran karo qaamuus ayay noqon kartaa oo Afka Soomaaliga laga sameeyey amaba hadda lagu gudo jiro, muhiimad intee la’eg ayayse leedahay in qaamuusyo waaweyn laga qoro Afka Soomaaliga si loo xifdiyo ereyo badan oo sii asal guuraya?.

Jawaab;- Waa jiraan Qaamuusyo kale oo laga qoray afka Soomaaliga, kuwii ugu dambeeyayna waxaa qora Allaha u naxariistee;-

B. Saalax Xaashi Carab
T. Khaalid Cali Guul Warsame.

11. Waxaa jira fikir baahay oo ah in Afka Soomaaliga ah ee saxda ah loo tiriyo in uu ka yimid gobolo gaar ah oo dalka ka tirsan, iyadoo taasi dadka qaarkood ay u adeegsadaan si ay ugu bah dilaan dad kale oo gobollo kale kasoo jeeda, ma is leedahay juhdi ku filan ayay dowladdii hore ee Siyaad Barre galisay in ay ururiso af Soomaaliga si loo dheellitiro lahjadaha, afkana u noqdo mid dadka oo dhan si siman u matalaya ama ka turjumaya?

Jawaab;- Sida luqadaha kale ee dalalka kale ee adduunka sida afka Ingiriiska, waa hal haddana sida loogu kala dhawaaqo waa kala duwanaan karaa, sidaasi darteed af guriga ma noqon doono mid dhaxal wareejiya kii qornaa ee Soomaaliga. Qoraalka afka Soomaaliga ee dowladdii dhexe ee Allaha u naxariistee Max’ed Siyaad Barre waa qeyb ka mid ah dhaxalkii ay kaga tagtay ummadda Soomaaliyeed.

12. Marka laga hadlayo Afka Soomaaliga, waxyaabaha ka dhiga mid raaga waa sugaanteena hodanka ah, si la mid su’aashii hore, waxaa jirta in dowladdii hore ay xoogga saartay suugaanta gobollo gaar ah, halka laga tagay ama la dafiray suugaanta gobollo badan oo dalka ka mid ah, ma jirtaa sifo lagu uruurin karo suugaantii laga tagay, door ceynkee ayayna arrintaasi ka qaadan kartaa ‘dib u heshiisiin rasmi ah’ iyo waliba helis suugaan dadka oo dhan wada sheegan karaan lahaanshiyaheeda.

Jawaab;- Wixii ay awoodi weyday in ay qabato dowladdaasi, waa waajib saaran dadka Soomaalida ee maanta nool ama jooga qabashadeeda, dhinaca kale waxaa jira qorayaal fara badan oo Soomaaliyeed oo arrintaasi wax badan ka qabtay, diiwaankana galiyay suugaan fara badan oo aan horay u qorneyn sidaasi darteed ma jirto marmarsiiyo hartay oo arrintaasi ku saabsan.

13. Soomaalida waa dad afka wax isku gaarsiiya, intooda badana waxbo ma qoraan, adiguna waxaad ka mid tahay dadka yar ee wax qora, adigoo ka duulaya erey bixinta labaad ee qoraalka loo yaqaano ee ah ‘Dhigaal’, taas oo ka turjumeyso wax keydsami kara si ka duwan hadalka oo la yiri ‘Haan ma buuxsho’, muhiimad intee la’eg ayuu qoraalka leeyahay?

Jawaab;- Qoraalka waa hannaanka ugu habboon ee ay ummadi wax isugu gudbin karto, sidaasi darteed, waxaa lagama maarmaan ah in loo howlgalo hannaanka ugu habboon ee wax lagu keydiyaa ama “Dhigaal” uu yeesho afkeena hooyo.

14. Ugu dambeyntii ma jiraa wax maankaaga ku wareeganaya oo aad dooneyso in aad la wadaagto ummadda Soomaaliyeed?

Jawaab;- Marka hore waxaan idinkaga mahadcelinayaa fursadda aan ii siiseen in aad wareysigan ila yeelataan, sidaasi darteed “Afka Soomaaliga & isticmaalkiisa” waa dariiqa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay kaga bixi karaan gunnimada oo ka hirgasha geyigeena Soomaaliya.

Guul & Gobannimo

Mahadsanid

Maamulka iyo Tifaftiraha www.kismaayonews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Kismaayo oo laga illaalinayo cudurka Ebola
Maamulka Jubba oo ay kadis ku noqotey booqashada madaxweynaha ee Gedo
Cabdulle Biroole, Ninba ceesaantiisa ceel geysa
Madaxweynaha Kenya oo badalay taliyeyaal ciidan oo oga baqdin qabay kurisgiisa
Heshiis maamul loogu dhisayo gobolada dhexe oo la saxiixay