Lamaane isbadal ka sameynaya Wallmar, MN

Published: May 22, 2012

Kn: Cabdirisaaq Maxbuub iyo Sahre Guure waa lamaane Soomaaliyeed oo ku nool dalka Maraykanka oo xirfadleyaal ah, waxa ay asaaseen adeeg ay si weyn ugu baahanyihiin Soomaalida.

Cabdirisaaq waa Ingineer, Sahrana waxa ay ku taqasustey arrimaha bulshada, waxa ay asaaseen shirkad adeegyo turjumaan ah (af celin) iyo adeeg la talin ah, waxa ay doonayaan in ay caawiyaan dadka ku dhiban isbitaalada marka ay timaado in ay sheegtaan cudurada haya iyo adeegyada kale ee ay oga baahanyihiin wasaaraddaha dowladda.

Haatan shirkadani waxa ay heysataa qandaraasyo yaryar, waxana ay rajaynayaa in ay qandaraas ka hesho dowladda hoose ee Kandiyohi oo ka tirsan magaalada Wallmar ee Minnesota.

Cabdirisaaq oo horey oga shaqeeyeynaya xafiis hey’adeed ayaa arkay baahi loo qabo turjubaano xirfadlayaal ah, kadibna waxa uu go’aansaday in uu ganacsigiisa diiwaangaliyo bishii Maarso ee sanadkan.

Waxa kale oo shirkadda lamaanahani ay dooneysaa in ay wax ka qabato isfaham darada u dhaxaysa Soomaalida iyo muwaadhiniinta taasoo xasarad ka dhex abuurta mararka qaarkood, arrimahani ayaa salka ku haya kala duwanaansho xagga dhaqanka iyo diinta ah iyo waliba dulqaad la’aan.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dumar kasoo dhexmuuqdey xubnihii garsoorka ee maanta Kismaayo looga dhawaaqay
Baarlamaanka Jubba waxaa la dhisayaa bisha soo socota
Jawaari oo dib oga gurtey mooshinkii Ra’isulwasaaraha
Maxkamadda ciidamada Jubbaland oo la dhisey
War Murtiyeedkii Kasoo Baxay Shirkii Copenhagen