Ceelasha Biyaha oo dhiig la’isu kabanayo

Published: May 23, 2012

Kn: Wararka ka imanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in kaabiga lagu hayo deegaanada loo barokacaya ee Ceelasha Biyaha iyadoo ciidamo ka socda labbo jiho ay kusii siqayaan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Burundi iyo kuwa DKMG ah ee ka tagay Exkoontarool ay sii marayaan Siinka Dheer, halka kuwa Uganda iyo DKMG ah ay dhaafeen deegaanka Carbiska oo aan shalay sheegney in ay gaareen.

Afayeen u hadlay ciidamada Burundi ayaa sheegey in ay qabsadeen gaari suug ah, islamarkaasina arkeen illaa 40 meydadka dagaalyahanada Alshabaab oo geed hoostiis yaala, una malaynayaan in ay ku dhinteen dagaalkii shalay.
Maanta Shabaabka wax hadal ah kama soo bixin, laakiin hadal shalay ay jeediyeen ayay sheegeen in ay dileen sodon ka mid ah ciidamada AMISOM kuwaasoo dayuuraddo lagaga qaaday garoonka Dayniile sida uu hadalka u dhigey Cabdicasiis Abuu Muscab.

DKMG ah ayaa dadka ka joojisey in ay Xamar soo aadaan, dadkana waxaa lagu joojinayaa Exkoontorool, sababta ayaa lagu sheegey badbaadada shacabka.

Warar kale oo aanan la xaqiijinin ayaa sheegaya in idaacaddii Alshabaab ee Andulus ay hawada ka baxday, lagana yaabo in loo raray dhankaasi iyo Marko.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dekada Kismaayo oo la dhisayo, qalabkii dhismaha oo soo degey
Golaha ammaanka oo u codeeyey in la baaro doomaha dhuxusha
Ergada shirka maamulka 3-da gobol oo Baydhabo gaaraya
Kooxda Monitoring ee UN oo shaqada laga eryey
Muuse Ganjab oo soo saaray war saxaafadeed kaga jawaabayo eedeymihii Monitoring Group