Baaq: Go’aamo ka soo baxay Imaamyada Masaajidda Waqooyiga America

Published: June 2, 2012

Kn:Shir sanadeed ay isugu yimaaddeen Imaamyada masaajidyada Waqooyiga America oo yeeshey kulan sanadeedkoodii ayaa soo saaray baaq waxuuna u qornaa sidan:

May 27th, 2012

Baaqii Gabogabada Shirka Golaha Imaamyada Soomaalida Waqooyiga America ee Sanadka 2012ka

Minneapolis, Minnesota

الرحمن الرحيما الله بسم

Ilaahay ayaan ku mahadinaynaa nagu guuleeyey guul inuu ku soo dhamaaday shirkii 11aad ee golaha imaamyada waqooyiga America oo sanadkan lagu qabtay Masjidk Abubakar As-saddique ee magaalada Minneapolis Minnesota.Goluhu wuxuu u dardaarmayaa jaaliyaadka muslimka ee Soomaaliyeed ee dibadda  iney diintooda qabsadaan

masaajidda iyo imaamyada iyo ducaadda iyo qof kastoo wax garad ah waxaa ilaahay hortiisa ka saaran xil dadka dibadaha ku daadsan. Dadka waxaan ugu yeereynaa iney kusoo xirmaan maraakista iyo culimada si ay diintooda u badbaadsadaan, maraakistana xubna fir fircoon ka noqdaan.

Dacwada Islaamka iyo fidinteedu waa xil saaran qof kasta oo Muslim ah, loogana baahanyahay inuu si daacadnimo iyo hawlkarnimo ah u guto.

Muslimiinta guud ahaan waxaan ugu yeereynaa midnimo iyo iney xarigga Ilaahay wada qabsadaan si ay liibaan adduun iyo aakhiro u gaaraan.

Waxaan Muslimiinta Guud ahaan, Gaar ahaanna ummadda Soomaaliyeed uga digeynaa khatarta iyo cirib xumada ay leedahay khilaafka iyo kala qaybsanaanta, heer kasta iyo qola kastaba ha noqotee.

Ummadda Soomaaliyeed Distuurkeedu waa Shareecada Islaamka oo waqti kasta iyo meel kastaba ku habboon, liibaan iyo horumar, cizi iyo sharafna lagu gaaraayo. Distuur kasta oo meel aan iyada ahayn laga keenayna waa halaag iyo cirib xumo

Culimada Soomaaliyeed xil weyn ayaa ka saaraan diinta iyo dalka iyo badbaadintooda.  Waxaana looga baahanyahay iney xilkooda si geesi nima leh u gutaan, meelna uga soo wada jeestaan ka hortagga khataraha kala duwan ee ku socda.

Ummadda Soomaaliyeed wexey u baahantahay 20 sano oo burbura ka dib, Dawlad ku dhisan shareecada islaamka, kala dambeeyn soona celisa amaanka.

Waxaan ugu yeereeynaa dadka  isku hayo soomaaliya in ay heshiiyaan si ay u dhamaato faragelinta shisheeye iyo colaadu.

Waxaan ugu yeeraynaa dowladaha dariska ah sida Ethiopia iyo Kenya inay faraha kala baxaan arimaha dalka soomaaliya, umada Soomaaliyeedna loo daayo inay ka tashadaan danahooda.

Ururka al shabaab waxaan u soo jeedineeynaa in ay u soo noqdaan manhajka toosan iyo culimadadooda si looga wada shaqeeyo xaqiijinta manhajka alle, loona dabo qabto inta ka hadhay umadii Soomaaliyeed.

waxaan uga digeeynaa wiilasha,gabdhaha iyo da’yarta dibadda iyo gudaha joogo in ay ku kadsoomaan dacaayadda shabaab oo  aan la daadin dhiig xaaraan ah .sidoo kale ururka la baxay ahlu-suna wal jamaaca waxaan ugu baaqaynaa inay joojiyaan kana waan toobaan,xad gudub yada ka dhanka ah diinta iyo ehelkeeda

Waxaan ugu dardaarmaynaa jaaliyadaha dibada in qoysku yahay laf dhabarta bulshada lana doonayo in laga ilaaliyo khilaafka iyo burburka si loo barbaariyo ubad suuban oo fayow.

ugu dambeeyn waxaan ugu baaqeeynaa doowladda mareeykanka in ay joojiso dhibaatada iyo midabtakoorka iyo dabagalka xaqdarrada ah ee lagu hayo muslimiinta mareeykanka.

Golaha Imaamyada Waqooyiga America


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Muuqaladda sidii wax u dhaceen maanta Xamar
Weerarkii hey’adda Qaramada Midoobey ee UNDP iyo Amniga Qaranka
Daawo barnaamij ku saabsan kaalinta qurbajoogta ee gargaarka Jubbooyinka
Raadaar kadib, amaanka Kismaayo oo ay diiradda saarantahay
Ethiopia iyo Masar oo heshiiyey