Kn: Dad goobjoogayaal ah oo degmada Jillib ku sugan ayaa KismaayoNews u sheegey in ciidamo badan oo ku jooga gaadiid tiro leh in ay ka gudbeen magaalada Jillib iyagoo u gudbey dhanka Kismaayo.
Waxa ay ciidamadani ka yimaadeen magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe halkaasi oo inta badan ciidamada Shabaabka ay isaga baxeen.
Inta u dhaxaysa Afmadoow iyo Jillib, Difaaca Shabaabka waxa uu ka xiranyahay Far-Shabeel oo ah dooxo biyuhu ay ku qulqulaan marka ay daadadka dhacaan, waxaana la sheegey in ciidamo badan ay Shabaabka halkaasi joogaan, kuwaasoo laakiin aanan haysan gaadiid dagaal.
Ciidamada Far-Shabeel difaaca kaga jira ayaa ah kuwa laga uruuriyey deegaanada Gosha, wararka soo baxayana waxa ay tibaaxayaan in inta badan dhalinyada ay isu diyaariyeen in ay isdhiibaan, halka hogaanka saree iyo saraakiil tiro yar ay qorsheynayaan in ay jabhadeeyaan intii muddo ah.
Ciidamada la wareegey Afmadoow oo aanan wali meel u dhaqaaqin ayaa lagu malo weynyahay in ay aadi doonaan dhanka Xagar si dhabarjabin dhankaasi kaga timaada aysan u dhicin, haddii ay Xagar tagaane waxaa qasab noqoneysa Bu’aale.
KismaayoNews.com