Saraakiil Alshabaab ah oo iska dhiibay Afmadow

Published: June 4, 2012

Kn: Laba sargaal iyo ku dhawaad tobaneeyo askar Alshabaab ah ayaa isu dhiibay ciidamada Huwanta ee dhawr maalmood ka hor la wareegay gacan ku haynta magaalada Afmadow.

Saraakiisha Alshabaab ee huwanta isu dhiibay ayaa lagu sheegay Taliyihii hore ee Amniga, Cabdicaziz Xaaji iyo gudoomiyihii maxkamadda Afmadow Sh. Cabdiraxmaan.

Labadan sargaal iyo tobaneeyo askar ah oo iska soo dhiibay Afmadow ayaa ahaa kuwo aan wada socon oo midba goonidiisa duurka uga soo baxay kadib markii uu xiriir la soo sameeyay ciidamada Huwanta.

Waxaa sidoo kale la warinayaa inay jiraan ugu yaraan 2 sargaal oo kale oo jagooyin muhiim ah ka hayay xarakada Alshabaab iyo ilaaladoodii inay ayaguna soo cid dirsadeen si ay isugu soo dhiibaan ciidamada Huwanta ee ku sugan Afmadow.

Sargaal kamid ah ciidamada huwanta oo ay arintan wax ka waydiisay KN ayaa ku tilmaamay soo xaroonta saraakiishan iyo askarta Alshabaab guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray in sargaal kasta iyo askari kasta oo ka faa’iidaysta fursadda saamaxaadda inuu ugu yaraan baajiyay dhiiggiisa iyo ku walaalkiis oo laga yaabi lahaa inuu galaafan lahaa.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Kismaayo oo dagaal laga iclaamiyey
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013
Statement of H.E. Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia 22nd Extra-Ordinary Summit of Heads of State and Government of IGAD 24 May 2013, Addis Ababa, Ethiopia‏
Jeneraal Saalax Makoma, taliye cusub oo loosoo magacaabay Jubadda Hoose
Madaxweynayaasha IGAD oo ansixiyey go’aankii wasiiradda